Sunday, June 17, 2007

Buubaa oo u goostay garabka Eritrea fadhiya, kharash la'aan owgeed

(Waridaad) - Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ah Wasiirka Waxbarashada DF Somalia ayaa la sheegayaa inuu ku biiray xubnaha la magac baxay Baarlamaanka xorta ah ee ku sugan wadanka Eritrea.

Buubaa oo wareysi siiyay Jariirada Alkhaleej ee kasoo baxda wadanka Emaraatka Carabta ayaa sheegay in aysan suuurta gal ahayn in xiligan laga shaqaeeyo dalka Somalia oo ay haystaan buu yiri ciidamo soo duulay sida uu hadalka u yiri.

Ismaaciil Buubaa oo hore u ahaa Wasiirka arrimaha dibada DF Somalia ayaa hada u muuqanayo mid aan la dhacsanayn qaabka ay wax u wadaan R/wasaaraha Somalia Cali Max'ed Geedi iyo Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Wasiirka ayaa la waydiiyay su‘aalo ay ka mid ahaayeen maxaad ku diidan tahay Dowlada aad kamid tahay waxa uuna ku jawaabay " waxaa la jebiyay sharciyadii lagu soo heshiiyay iyo dastuurkii u degsanaa DF Somalia oo meel layska dhigay isagoo hadalkiisa sii wata ayuu buubaa yri waxaan go'aan saday in aan ku laaban Muqdisho iyadoo aan laga saarin dalka ciidamada Ethiopia oo uu ku eedeeyay in ay xasuuq k agaysteen Somalia.

Wasiirka oo hada ku sugan magaalada Dubai ayaa intaa ku daray in ay xariireen isaga iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Shiik Aadan kana wada hadleen arrimo dhowr ah, waxa uuna beeniyay Buubaa in uu ka qayb qaadan doono isbahaysi dhawaan looga dhawaaqi doono Asmara .

Si kastaba, waa wasiirii labaad ee ka baxa DF Somalia horayna waxaa uga baxay Xuseen Caydiid oo hada kamid noqday xubnaha la magac baxay Baarlamanka xorta ah.

Max'ed Xasan

http://www.xogta.com/
Muqdisho

No comments: