Friday, June 29, 2007

East Africa Airlines: Diyaarad Cusub Oo Laga Furay Caasimadda Hargeysa Iskagana gooshi Doonta Daafaha Dunidda

(Waridaad) - Diyaarad cusub oo la magac baxday "East Africa Airlines" ayaa maanta lagaga dhawaaqay furitaankeedii Xaflad balaadhan oo lagu qabtay hotelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

Xafladani oo ay ka soo qayb galleen wasiiradda Duulista Hawada, Cali Warancadde, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Maayor ku xigeenka caasimadda Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, xubno ka mid ah saraakiisha hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye sida C/raxmaan Aw Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi), hogaanka sare ee xisbiga UCID Sida Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbigaasi Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/raxmaan, Xasan Xuseen iyo dadweyne aad u tiro badan.

Guddoomiyaha shariikaddani Cusub ee diyaaradaha East African Airlines oo ka warbixinaayey diyaaraddani cusub ee ay dalka keeneen ayaa sheegay in ay diyaaradani kaga duwanaan doonto kuwa kale ee hadda dalka ka shaqeeya iyadoo keeni doonta diyaarado casri ah oo ah ayuu yidhi nooca hadda dunidu isticmaasho ee Airbus iyo Vocal, kuwaasi oo ayuu yidhi aad tayadoodu uga sarayso nooca ay diyaaradaha hadda ka hawl galla somaliland ay isticmaalan kuwaasi oo ah ayuu yidhi nooca ruushku farsameeyo oo qadiimi ah.

Guddoomiyaha shariikadani wuxuu sheegay in duulimaadyada shariikadda East African Airlines ay iskaga gooshi doonto Somaliland, Soomaaliya, dalalka Carabta, iyo isku xidh ay kuugu samayn doonto shariikadaha kale ee iskaga goosha daafaha dunida, wuxuu sidoo kale sheegay inay samayn doonaan duulimaadyo dalka gudahiisa ah (Local Flights), isagoo sheegay inay keenayaan diyaarado casri ah kuwaasi oo markiiba qaadi kara 50 duulimaadyadaasi oo ah dalka gudahiisa.
Masuulkani guddoomiyaha ka ah shariikadda East African Airlines wuxuu sheegay in diyaaradani ay mulkiyadeeda iska leeyahiin muwaadiniin reer Somaliland ah oo maalkooda iyo muruqooda ku soo iibsaday markii ugu horaysay diyaaradaha ay shariikadani ku hawl gallayso.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda duulista Hawada Mudane Cali Maxamed Warancadde oo sheegay in dalku baahi weyn u qabo diyaarado casri ah, wuxuu sheegay wasiirku in xilliga xagaaga ee wakhtigani oo kale ah duulimaadyadu ay cidhiidhi noqdaan isagoo sheegay in dadku ay ka bataan diyaaradaha.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Hargeisa, Somaliland

Email: diridhaba@gmail.com

Harowo.com

No comments: