Monday, June 18, 2007

Warbixin: Gabagabadii Shirka ka Socday Minnesota Oo Lagaga Dhawaaqay Gudiyo Mucaarad ah.

(Waridaad) - Washington DC - Waxa Maanta la soo gabagabeeyey oo dhamaaday shirkii ka socday magaalada Minneapolis (Minnesota, USA.). Shirkan oo ka qayb galkiisu ku koobnaa dhawr beelood oo ka mid ah beelaha dega gobolka Awdal, ayaa waxa maamulkiisa gacanta ku hayey iskana kaashaday koox degan magaalaada Mineapolis.

Kooxdaas oo gacan ka heshay isbaahaysi mucaarad ah oo dhawaan ka dhex abuurmay qurbajooga reer Awdal ee ku nool waqooyiga America. Isbaahaysigan oo ay ku bahoobeen taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland iyo kooxo u ololeeya somali Weyn.

Waxa markale sii laxaadsaday muhmalkii ku gadaanaa shirka iyo siyaasadaha la xidhiidha, taas oo ay ugu wacantahay kalsooni la'aan ka jirta xaga gudiga qaban qaabada, waxayna u egtahay inay ka warwareegayaan inay u badheedhaan mucaaradnimo, taas oo ah wax ku cusub dadka badankiisa.

Shirka oo maanta galinkii dambe xidhmay, ayaan ilaa hada war rasmi ah loo soo gudbin warbaahinta danaysa arimaha gobolka Awdal, iyada oo sida la ogyahayna maamulka shirku labadii casho ee huuhaadu socotay wararka si isdabajooga ah ugu soo gaadhsiinayeen warbaahinta. Hadaba Aamuska maamulka shirka iyo wararka suuqa yaala, ayaa u muuqata inuu muran horlihi ka dhashay gabagabadii shirka iyo sida wax loo agaasimay.

Waxad moodaa inuu maamulka shirku ku guulaystay inay shirka ka soo baxaan wax la taabsan karo oo meel loo raaco leh, inkasta oo aan la hubin inay dadkii shirka ka soo qayb galay ku wada gacansanyihiin baaqa iyo go'aanada la sheegay inay shirka ka soo baxeen. Sida ay Harowo.com u xaqiijiyeen dad joogay madasha shirka, baaqa laga arkhiyey gunaanadkii shirka, ayaan waxbadan ka gedisnayn baaqyada ka soo baxa shirarka Soomaalida, kuwaas oo inta badan laga soo mingooriyo mareegaha Internetka.

Arrinta ugu xiisaha badan ee ka soo baxday gabagabadii shirka, ayaa ahayd gudiga la sheegay in lagaga dhawaaqay xidhitaankii shirka, inkasta oo aan war arrintan ku saabsani wali si rasmi ah uga soo baxin maamulka shirka. Hadaba hadii wararka la isla dhexmarayo ee laga soo xiganayo dad joob joog u ahaa xidhaataanka shirku ay noqdaan kuwo rasmi ah, maamulkaa shirkuna sidoo kale ka shanqadhiyo, waxa kala cadaanaya tuhun badan oo laga qabay shirka iyo maamulkiisa.
Sida Wararku ay sheegayaan, markii uu Maxamuud F. Cigaal oo ka socday Amoud foundation, ahaan qofkii u dambeeyey ee shirka ka hadla dhameeyey khudbaddiisii, ayuu warqad jeebka kala soo baxay nin la yidhaa Ina Bayle oo marti ku ahaa shirka, una shaqeeya (African development Bank). Warqadaas oo ay ku qornaayeen magacyada laba gudi.

Wuxuuna Mr. Bayle halkaa ka caddeeyey inuu jiro go'aan hore loo gaadhay oo lagu sameeyey labo gudi, labadaa gudi oo uu Mr. Bayle ku tilmaamay inay kale yihiin gudida fulinta (executive Committee) oo ka kooban 5 xubnood, jiri doontana hal sano iyo gudi kale oo sidii macne boodh oo kale ah (board of Directors), hase yeeshee uu Mr. bayle ku tilmaamay inay yihiin la taliyayaal.

Xulka xubnaha gudiyadan oo ahayd cad qaydhiin lagu soormay 3 bilood ka hor, ayey Harowo.com ka gaabsanaysaa inay sheegto magacyadooda ila inta si rasmi ah ay ugu dhawaaqayaan maamulka shirka. Waxase aan shaki ku jirin inay yihiin dad loo soo xulay siyaasad ahaan, oo aan haba yaraate lug ku lahayn arrimo la xidhiidha hor-u-marinta Awdal iyo wax u dhow toona.

Hadaba mar hadii ay kala miirantay, afgobaadsigii iyo hadal tirana soo dhaamaaday, su'aasha meesha taal ayaa waxa ay tahay, himilada isbaahaysiga mucaaradka iyo hindisaha ka dambeeya ma noqon karaan wax hana qaada oo taabo gala, mise waa "biyo col dhaanshay" oo waxba kama socon doonaan?

Jawaabta su'aasha ayaa qof walba si gooni ah ula muuqata, wayna adagtahay in si kalsooni ku jito looga saadaalin karo maanta, hadiise aan taariikhda dib u raacno waxaan ogahay in maydka ururada qurbajoogu qoladuu doonaba ha ahaadee uu meel walba daadsanyahay. Ninbaa yidhi "mayd maxaa u dambeeyey", wuxuuna iskugu jawaabay "kaa hada la sii sido". Waxan wali Harowo.com ka engagin khadkii tacsidii laga qoray ururkii la odhan jirey ADAL, oo dad badan oo hormood ka ahaa maantana ay hagayaan isbaahaysigan mucaaradka.

Ugu dambayn, isbaahaysigan mucaaradka Awdal, kana kooban ladada garab ee midna yahay taageerayaasha Xsbiga Kulmiye, midna yahay Soomaali Weyn, ayaa isaga luftiisu soo maray dhawr marxaladood, yeeshayna dhawr waji oo kala duwan, iyada oo beelahu marna galayeen marna ka baxayeen, hadba siday ay dantooda u arkaan. Waxa dad badani ay farta ku fiiqayaan labada garab ee isbaahaysigan oo siyaasad ahaan "kaaf iyo kala dheeri ah" sida la isugu hayn karo, loona maarayn karo wixii khilaaf ah ee soo kala dhex gala.

Dhinaca kale wax maalinba maalinta ka dambaysa soo ifbaxaya in uuna isbaahaysigani ku salysnayn qaab siyaasadeed ee uu ku salaysan yahay qaab deegaan. Beelaha ku bahoobay ururkani ayey ka muuqataa cadho ku lugle saami qaybsiga maanta ka jira gobolka Awdal, iyaga oo ku andicoonaaya inay ku dulmanyihiin, waayeena sadkoodii. Waxa dhici karta inay qaarkood gar leeyihiin oo ay ka mudan yihiin inta kale in laga shaafiyo waxa ay tabanayaan. Ninkii wax ka maqanyihiin waa inuu geedka tago, sidii caadada ahaan jirtay oo yidhaa "Ha La Iga Garbixo". Maaha in kolba meel la gujiyo, oo kalna Xamar la isku qaado kolna SNM hoosta laga galo oo la isku dhiibo.

"Intaan Tooma Tagaayo, ee kolba La i Tirinaayo, Maan Tukaale Madoobiyo, Tukaankaygaba Haysto."

Ahmed Sheikh

Tafaftiraha http://www.harowo.com/

No comments: