Saturday, July 07, 2007

Italy oo ku baaqday inay DF is casisho.

(Waridaad) - Dowladda Talyaaniga ayaa manta soo saartay warbixin dheer oo ay uga hadleyso dhibaatooyinka ka aloosan caasimadda Somalia ee Muqdisho, xili dowladdu ay gacanta ku heyso.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin xoogan ay ciidammadda dowlada ka wadaan Muqdisho isla markaan xasuuq aan wali ka dhicin Muqdisho ay ka sameyeen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa DF.

War Saxaafeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay sidda ugu dhakhsaha badan in Dowladdu isku casisho isla markaana lasoo doorto maamul shacabka ay doortaan, balse maamulkaan hadda ka jira Somalia uu ku fashilmay qorshihii loo soo doortay.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda KMG ah ee Somalia inay is casilaan, waana arin la doonayo inay deg-deg ku fuliyaan inta beesha caalamka ay gacmaha lasoo galin arrimaha Somalia” ayaa lagu yiri War Saxaafeedka.
Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay hadii ay Dowladda Federaalka Somalia ay fulin weydo amarkaan ay noqoneyso in xoog ay faragalin kusoo sameyso Talyaaniga xasuuqa ka socda Somalia.
Si kastab, hadalkaan Talyaaniga kasoo yeeray ayaa dhabar jab ku ah Dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo horey u qaadacday aqoonsiga baasaboorka cusub ee DF.

Maxamed Xasan, Muqdisho

Xigasho: xogta.com

No comments: