Tuesday, July 03, 2007

Radio Horyaal Oo Hawshiisii Dib U Bilaabay 10 Bilood Kadib

(Waridaad) - Radio Horyaal oo Muddo 10 bilood ah hawada ka maqnaa duruufo dhaqaale awgeed ayaa mar kale dib ugu soo noqday hawada. Radiyowgan oo madaxbannaan Somaliland aan dawladdu markii la asaasay ka oggolaan ayaa waxa soo waajahay duruufo badan intii uu jiray. Markii ugu horaysay ee Radiogu hawada soo galay waxa ay dawladdu isku dayday inay joojiso waxana ay ku tilmaamtay "Clandestine Radio" ama mid lagu fulinayo arrimo qarsoodi ah oo sharci darro ah lidna ku ah qaranimada Somaliland. Wakhtigaas waxa la xidhay laba ka mida shaqaalaha hawsha ka bilaabay Radio Horyaal.

Hawlahaas ishortaagga Radio Horyaal oo ay hormuud ka ahaayeen xubno ay ka mid ahaayeen wasiirkii hore ee daakhiliga Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirkii warfaafinta wakhtigaas imikana ah wasiirka arrimaha dibedda Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Taliyihii Ciidanka Booliiska ee wakhtigaas Maxamed Cige Cilmi, waxay dhamaan ku dambeeyeen guuldarro iyada oo waliba la xusuusto fashilaaddii ka dhacday markii booliisku isku dayay inay galaan xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa iyaga oo u haystay in radioga halkaas laga soo lalinayo.

Radio Horyaal wuxuu bilaabay taariikh cusub oo aan hore Somaliland uga jirin taaso ah dhamaan gobolada dalka iyo guud ahaan Geeska Africa iyo xitaa bariga dhexe laga dhagaysan jiray radhiyooga, uuna noqday radioga qudha ee xitaa ciidadama Somaliland ee ku Bariga fog ee Somaliland ay markii ugu horaysay fursad u heleen inay dhagaystaan radhiyow ku hadla afka Somaliland.

Shacbiga Somaliland iyo ciidamada ku sugan jiidaha fogfog ee dalka waxa asqeeyay radhiyooyo iyo warbaahin dalka kaga soo butaacaysa Puntland iyo meelo kale oo ka tirsan dalka Somaliya. Waxa reer Somaliland dhamaan u arkaan inay tahay ayaandarro ilaa maanta inaan shacbiga Somaliland aanay maqal idaacad uu qaranku leeyahay iyada oo dhowr jeer oo hore wasiirka maaliyaddu uu ku daray hanti loo qoondeeyay idaacad cusub laakiin aan la haynin meesha lacagtaasi ku baxday. Wakhtigan aan joognana waxa jira warar sheegaya in dawladdu boodhka ka tumayso qorsheyaal uu ka mid yahay samaynta idaacad dalka wada gaadha, hase yeeshee waxa aad looga dayriyay in dawladdu marka hore ka dhabayn doonto taas iyo in idaacaddaasi noqondoonto mid loogu adeego qaranka oo aan noqon mid lagu fidiyo ololeheeda dhawaan la filayo inuu bilaabmay ee siyaasadeed ee xisbigeeda laakiin aan laga eegi doonin fidinta qaranimada Somaliland oo baahi aad weyn loo qabay tan iyo intii Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda.
Radio Horyaal oo ku dhisan tabaruc ay kolba ku yaboohaan shacbiga daneeya inay helaan wararka dhabta ah ee dalka, uma oggola dawladdu inuu si xor ah uga baahiyo wararkiisa dalkan gudihiisa, iskaba daa inay u fidiso taageero maadaama uu baahinayo magaca iyo qaranimada Somaliland. Sababtaas awgeed Radio Horyaal waxa ku baxa kharash badan oo sababay in idaacaddu kiraysato warlaliyeyaal wararka ka soo laliya Europe una soo laliya dalkii hooyo, kharashkaas oo idaacadda u badbaadi lahaa haddii ay xor u tahay inay dalka gudihiisa ka laliso warbaahinteeda, waxay ay ku bixin lahayd kharashkaas sii kordhinta tayada iyo barnaamijyada ay dadweynaha soo gaadhsiiso.

Intii idaacaddu hawada ka maqnayd waxa na soo gaadhay qoraalo iyo codsiyo badan oo ka kala yimid dalka gudihiisa gaar ahaan gobolada Sanaag, Sool, Togdheer, Saaxil iyo Awdal oo idaacadda Hargeysa Radio aanay si fiican u gaadhin iyada oo waliba Hargeysa laf ahaanteeda dadku ka soo direen codsiyo ay nagu waydiinayaan sababta idaacaddu hawada ugu soo noqon wayday. Codsiyadaasi waxa kale oo ay naga soo gaadheen dhamaan dunida daafaheeda tusaale ahaan muwaadiniinta kala deggan India, Australia, Suudaan, Masar, dalalka Khaliijka, iyo meelo kale oo bdan iyagu idaacadda kala socday websitekeeda internetka. Waxaan haddaba ka cudur daaranaynaa muddadii aan hawada ku kala maqnayn, annaga oo ballan qaadayna in idaacaddu sii kordhiso tayadeeda, waxaanan dadweynaha qaaliga ah ka codsanaynaa inay sii labalaabaan tabaruca ay u fidiyaan idaacadda Radio Horyaal oo aanay ku hallaynin cid kale dhaqaalaha ballaadhan ee ku bixi doona lalinta wararka la gaadhsiinayo goobaha dalkii hooyo ka tirsan ee dadweynaha jooga aanay maqal iyo muuqaal toona ka warhaynin jiritaanka qarankan curdinka iyo isbeddelada dalka ka dhacaya midna.

Idaacadada Radio Horyaal waxaad kala soo xidhiidhi kartaa


http://www.horyaal.net/
Warkan waxa soo gudbiyay Maamulka Idaacadda Radio Horyaal

No comments: