Sunday, July 01, 2007

Warsaxafadedkii Maanta ee kullankii Madaxweynaha JSL iyo Wasiru D. Arrimaha Debedda‎ Ethiopia.

(Waridaad) - Warsaxaafadeed:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Mudane, Atto, Tekeda Alemu, oo booqasho gaaban maanta ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Takeda Alemu, waxay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan ee jaarka ah, haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid ganacsiba.

Mudane Takeda Alemu, waxa uu farriin gaar ah uga siday Madaxweynaha JSL, Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane, Males Zenawi, oo farrintaasi ku sheegay in Ethiopia ay go’aansatay, waxna aanay iska bedelin sii xoojinta xidhiidhkii sxb-tinimo ee ay la leedahay Somaliland.

Wasiiru Dawlaha Ethiopia, oo maanta ku laabtay dalkiisii, waxa dhabaha diyaaradaha ku sii sagootiyey, Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaaci, Wasiirka Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale ( Cawil) iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda, Mudane, Siciid Maxamed Nuur.

Allaa Mahad Leh.

Siciiid Caddaani Mooge.

La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta iyo Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

No comments: