Wednesday, August 15, 2007

Dacwad ka Dhana Shirguddoonka Wakiillada oo la Qorsheeyay in Loo Gudbiyo Maxkamadda Sare

Ka dar oo dibi dhal!


(Waridaad) - Hargeysa - Mudaneyaal tiradoodu gaadhayso soddomeeyo xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa la sheegay inay diyaariyeen qoraal ay ku wargelinayaan Maxkamadda Sare inay kalsoonidii kala noqdeen xubnaha Shirguddoonkooda.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo si cad daboolka uga qaadaya jiritaanka qorshahan oo ka soo baxay dhinacyada ay arrintani khusayso. Haseyeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, kooxdan mudanayaasha ah ayaa dhammaantood ka tirsan xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu jira xisbiga talada haya ee UDUB.

Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen inay kooxdaa mudaneyaasha ahi ku heshiiyeen go’aan saddex qodob ka kooban oo ay si gaar ah ugu durayaan xubnaha Shirguddoonka Wakiillada, gaar ahaanna qaabka ay hawlaha hagidda golaha u gutaan. Qoraalkaas ayaa sida wararku sheegeen waxay xildhibaannada wadaa ku talo-jiraan inay dacwaddooda ku beegan furitaanka kalfadhiga Golaha Wakiillada oo ku beegan Axadda toddobaadka soo socda.

Qorshaha dacwadda mumudanayaashaas ayaa la sheegay inay ka mid yihiin:

1- In Maxkamadda Sare u xukunto xil-ka-qaadista Shirguddoonka Golaha Wakiillada, iyaga oo kooxdani sida la sheegay ku tashaday kulamo qarsoodi ah oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada.

2- Waxa kale oo kooxdani ku tashatay inay isku dayaan sidii loo furi lahaa Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, si loo beddelo qodobka 16aad ee ka dhigaya kooramka 55 xubnood, laguna beddelo kooramka 42 xubnood.

3-In la raadiyo asbaab lagu xidho Shirguddoonka Golaha Wakiillada, lana dhigto Shirguddoon maxlal ah.

Jamhuuriya Online

No comments: