Wednesday, October 03, 2007

Qorshe la doonayo in Somaliland looga dhigo sida Muqdisho (Fariin culus oo ku socota Dad ka Jamhuuriyada Somaliland)

(Waridaad) - Uma baahna in qof Soomaali ah looga sheekeeyo sida loobaabi'ay dad ka reer Muqdishu, sida loo qaybiyay, sidaloo xasuuqay, sida loo wiiqay ganacsigooda, sida looburburiyay tacliinta dadkooda min Dugsi hoose ilaaJaamacad, sida loo bara kicinayo. Ayadoo waxaas oodhan ay fulunayaan shisheeye iyo dad Soomaaliyeed ooaad ugu xumaaday runtii Guushii ay gaareen dadka reermuqdisho bartamihii sanadkii 2006, oo mudo lix biloodah ay heleen dabayl macaan oo nabadeed.Markii ay dhaceen waxyaabahaas aan soo sheegay ooqofka Muslimka ah ee Soomaliga ah ee ka nadiif kaqabyaalada uu ka damqanayo, ayaa hadana waxaaberyahaan isa soo taraya warar sheegaya in laqorsheynayo in la burburiyo nabada iyo dimuqraadiyadaay haystaan dad ka u dhashay Jamaahuriyada Somalilandoo ayaga aayahooda ka tashaday.

Wararka ayaa tibaaxaya in la doonayo in marka hore lagaliyo Somalinad dagaal, si caalamka loo tuso inSomaliland uu ka jiro qalalaaso oo ay jiraan daddiidan midnimada Somalialand, mida kale ayaa waxaytahay in cadowga Soomaali wayn (waa shanta soomaaliye)laga dhaadhiciyo in Somaliand Qatar ay kutahaydeganaashaha geeska Afrika ayadoo la oronaya waxaygabaad siisaa wax loogu yeero argagaxisada caalamigaah. Sidoo kale waxaa intaas wehliya in rag siyaasiyiinah oo iibsaday dalka inay ka dhaadhicinayaan cadowgaShanta Soomaali in Jamhuuriyada Somaliland ay Qatar kutahay jiritaanka Dowlada federaalka ee Soomaaliya,taasoo ujeedooyin wajiyo badan laga leeyahay.

Qorshahaan lagu xasdaya Somaliland waxaa wada labaqole waa mida koowaad dad soomaaliyeed oo dhahayaawaxaan diidanahay in la kala gooyo magaca Soomaali,balse hadalkaas uusan dhab ka ahayn oo waxay diidanyihiin horumarka dadka Somaliand ayagoo qabyaaladi katahay, sababtoo ah waxaa hortaal su'aalo ah :- hadaadwadani tahay maxaad ugu farxi la'dahay horumarkadhinac kasta ee ay gaareen walaalaheena rer Somaliand? mida kale hadii Soomaali weyn la baadigoobayo soouma baahno in la wada raadiyo dhamaan soomaali weyn?Oo maxaa af ka uun looga hayaa dad marki hore ayaganagu soo darsamay jacayl ay u qabeen midnimo Soomaaliweyn oo misana haatan si Dimuqradai ah nooga go;ay?Xitaa waxaa intaas sii dheer wali way noo hayaanjacaylka Soomaali nimada.

Dhan ka kale Soomaali badan baa si qaldan u dhiga wadadhalashada iyo maamulada kala duwan, waxaan ka wadaadad ka Somaliland ma diidana Soomaali nimada waa dadsoomaali ah laakiin maamul bay samaysteen oo waxay labaxeen Jamhuuriyada Somaliland, waana arin ay xaq uleeyihiin Diiniyan iyo xeerarka caalamigaba. Sababtooah cidii ku doodayso yaan Soomali la kala gooyinwaxaan leeyahay aan wada raadino Shanta Soomaaliya.Mida kale qofkii diin ahaan dhahaya Muslimiinta yaanla kala jarin. Meel ku sheeg wadamo Muslimiin ah oomidaysan, taas Allah baan ka beryeynaa balse hada dadkii maamul samaysan karo yaanan xasdin baan qabaaaniga.

Intaas ka dib waxaan jeclaan lahaa inaan fariin ugudbiyo dad ka u dhashay Somaliland oo ayaga haystamaanta nabad iyo nidaam kala haga, taasoo aan aaminsanahay inay ku gaareen isku duubni iyo niyadsami.Marka waxaan u soo jeedinayaa arimo dhowr ah oo hoosku taxan :-v Siyaasiyiinta Muxaafadka iyo Mucaaradkaba waxaaanqabaa inaad maskaxdiina isugu gaysaan sidii nabada aadhaysataan ay u sii jiri lahayd oo aan la idin kadhigin sida Muqdisho oo kale oo siyaasiyiin teenafahmi waayay hagar daamada cadowgooda.

Madaxda jamhuuriyada Somaliland iyo shacabkabawaxaan leeyahay il gaar ah ha lagu eego hagardaamooyinka la maleegayo gaar ahaan arinta Laascaanoodoo iyada laga damacsan yahay arin aad u fog oo cadowgaSomaali weyn ka leeyahay ayagoo adeegsanayo dadsheeganayo magaca midnimo Soomaaliyeed oo aan waxba kajirin.

Hogaanka sare ee Somaliland iyo siyaasiyiin takalaba waa inay ka feejignaadaan arimaha guracan ee kadhanka ah dad ka Somaliland sababtoo ah cadowga waxaadhibaayo inay muuqdaan horumar ay gaarayaan dad isirahaan Soomaali ah oo ka tisran shanta Somaaliweynv Madaxda Somaliland iyo shacbkaba waxaan leeyahaymarnaba yan la caburin wadaadada xambaarsan diintamuqadaska ee Islaamka sababtoo ah xumaynta culumadadad ka wax xun bay dhaxal siisaa.

Madaxda waxaan leeyahay waa in la ilaaliyaacaddaalada si fashil iyo bur bur u imaanin.v Waxaan idin leeyahay ilaaliya midnimadiina oo kafogaada Qabyaalada anaga ayay na dilataye, dad kawadana gacan bir ah ha lagu qabto.

Dhab ahaan tii hadii aniga layga tashan lahaaaqoonsiga Soomali land waan ugu horeyn lahaa sababtooah ma aqaan waxaan ku hagrado oo ku diido harumar dadwalaalaheena ah sida Jabuuti oo kale waana in la kalafahmaa dhalashada iyo mamulada la samaysan karo.waxaana horey u qoray maqaal cinwaan ugu dhigay Aaanaqoonsano Somaliland. Waan dareemayaa dad sida xun waxu eega iina arkaya inaan ahay nin aan wadani ahayn.Sidoo kale qofka nuucaas waxaan leeyahay waad aragtaawaxa ka taagan Soomaaliya oo ma waxaan ku darnaawalaalaheena Somaliland? Mida kale yaa fiican anigaiyo dad ka afka ka dhahaya qaran nimo baan wadnaa oosoomali wa mid oo ficilkiisa yahay in qabiil gooni ahla xasuuqo oo hadana ka xun horumarka Somaliland.Jawaabto way cadahay uman baahna in la qoro.Mida kale aduunka waxaa lagu soo cibro qaatay dadxaasidiinta ah in mar waliba laga guulaysto, markawaxaan aamin sanahay maanta aad baa loo xasdayaa guudahaan soomaalida oo cadow baa xasdaya, ayadoo taas aybarbar socoto in Soomaali weyn dhexdeeda is xasado,laakiin waxaa hubanti ah qofki ka shaqeeye lug'gooyada umad dhan in asaga ciribta xun uu yeelanayomaxaa yeelay Allah ma jecla xaasidiinta.

Ugu dambayn waxaan leeyahay dad reer Somaliland inmaankooda ay isku geeyaan islamarkaana ay kafeejignaadan hagar daamada ay ugu imaanayso codowgamagaca Soomaaliweyn iyo waliba dad Soomaali sheeganayooo diidan jritankiina, taas oo aan aamin sanahayhadaad mid noqotaan cadaalad isku dhaqdaan, misanaqaadataan Shareecada islaamka oo Allah talo saarataaninaad ka guulaysanaysaan cadow kasta INSHAA ALLAH.

Xuseen Saxnuuni. Cairo, EgyptEmail: - Xuseensaxnuuni@hotmail.comTelephone number: - 0020123259188

Xafiiska wararka ee , Qaahira Masar dayniilecom@hotmail.com

Soo Gudbiye: Ibrahim Hassan Gagale

No comments: