Monday, November 12, 2007

Mudane Yuusuf Ciise (Tallaabo) in yar iska barta

(Waridaad) - Fataaxada ayaa uu hadalkii ku bilaabay, si duco ahnaa uu labadiisa gacmood isku nabay, baabacooyinkana xagga samada u jeediyey, haddii uu duceeyey ayaa uu maahmaaho dhawr ah iyo odhaaho kale oo qaafiyadaysan uu raacshay: Fataxa dabadeed wax san la yeedh. Faataxo Qur’aankay ugu horaysa. Raggoow barasho, Geeloow rarasho. Rag ballan baa xidha, Dumarna meherbaa xidha. Ashahaado marag dhigo, misajidna dhagax dhigo, ayaan ka xassuustaa, odhaahihii uu faataxada xigsiiyey, maalin uu dugsida sare ee Faarax Oomaar uu qudbad noogu jeediyey.

Waxa uu ahaan jiray macalin dugsi sare intii aanu halkgii hubaysnaa ee SNM ku biirin sannadihii siddeetamaadkii. Gobolka Sanaag caasimadiisa Ceerigaabo ayaa aad looga dambeeyaa, si aad ayaa ay u sahlan tahay in uu sharci iska samaysto isagoo aan cid kala tashan ama qiimaynin xaalka taagan iyo daddka dareenkooda sida uu noqon karo una eeg seef la boodnimo. Waxa aan xassuustaa mar uu Ceerigaabo ku soo rogay qawaaniin xakaymaanaysa dibad u soo baxa dumarka midabkooda badala, ee dalka looga yaqaano “Buufis”. Cabdirashiid oo lagu naanayso “Wadaniyadda” oo si taxane ah qudbado tabaruc ah oo guubaabo wadaniyadeed ah uu dadka ugu jeedin jiray Khayriyada maalmo gaar ah usbuucii oo maalin Wasaaradda Arrimaha Gudaha horteeda ugu qudbadeeyey ardaydii dugsida sare ee Faarax Oomaar oo markaasi nususaace ku jiray uu Mudane Tallaabo arkay oo Cabdirashiid oo gaadhi uu isagu leeyahay ku dul taagan si awood ah kaga soo dejiyey si qasab ahna uu kaga qaaday makarafoonkii uu ku hadlaayey isla markaasina uu xidhay isagoo u diidan in uu qofku si xor ah dadka wax sax ah ugu sheegi karo.

Inta uu Hargeisa deganaa waxa uu kolba u guuraa xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada, guurguuritaankaasi intooda badanna waxa sababa iska hor imaad ay jaarkiisa kala mutaan. Waxa ay ahayd dabayaaqaddii qarnigii 20-aad iyo sannadihii 1998 - 1999-kii mar uu soo degay meel aan ka durugsayn guriga qoyskayagu deganaa. Haddii uu wakhti yar qoyskiisu meesha deganaa ayaa curri (bisadda lab) oo uu lahaa uga wareegtay xaafaddaha jaarka, dabadeedna uu baadi doon qaaday uu xaafadaha ku waydiinaayo inay arkeen currigiisii, kaasi oo uuna nasiib u yeelanin in uu helo. Dabadeed waxa uu bilaabay in xaafaddaha jaarka haybtooda toydo, isagoo qoys kasta eega cida ay iskugu hayb dhaw yihiin siyaasiyiinta xukuumadda ku jirta iyo kuwa mucaaridka ahba. Waxa xigay in uu soo sameeyey waraaqo teeb lagu soo garaacay oo koobiyo badan uu ka soo sameey, una dhignaa sidii oo heshiis ah “Contract” kaasi oo uu xaafadaha guriga uu deganaa ku wareegsan uu cidda ka masuulka ah uu ka saxeexay, iyadoo hooyooyin badan ay fahmi waayeen ujeedadiisa, oo ay iyagoo yaaban suulkooda saareen khadkii uu sitay dabadeedna waraaqda meeshii uu tusay ay ku shaambadeeyeen. Qoraalka waraaqaha ku qornaa waxa uu macno ahaan xambaarsanaa:

"In wixii qoyskiisa gaadha ay xaafadaha jaarka la ahi ka masuul yihiin, sida:- Haddii gurigiisa cidi dhagaxaan ku shiido, haddii carruurta gurigiisa joogta ay soo daandaansadaan kuwa kale ee jaarka ahi, haddii currigii uu waayey uu ku arko xaafad kale oo haysata ama oo gurigooda joogo, in uu sharciga la tiigsan doono", iyo IWM.

Dharaaro ka dib waxa xigtay in uu aad uga cawday in wakhtiga habeenkii la soo tuuryeeyo, oo ay ugu darnaydba maalin ay wada qayilayeen Muriidkii Sheekh Isaxaaq oo ka soo booqday Maydh iyo Xiis, taasi oo dareen ahaan uu aad uga xumaday.

No comments: