Wednesday, November 21, 2007

SOMALILAND OO MARKII UGU HOREYSAY LAGU MARTI-QADAY KA QAYB-GALKA SHIRMADAXEEDKA WADAMADA BARWAAQO-SO

(Waridaad) - Wefti reer Somaliland ah oo ka qayb-galaaya Shir-madaxeedka Wadamada barwaaqo sooranka, ee ka dhacaaya Caasimadda Uganda ee Kampala dabayaaqada bishan ayaa shaley ka dhoofay Cigal International Airport ee magaalada Hargeisa.

Weftigan oo ka kooban sedexda Xisbi Qaran ayaa socdaalkoodu ka dembeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay Dawlada Somaliland ka heshay Xukuumadda Uganda oo marti-gelinaysa Shir-madaxeedkan. Sida ay ilo xog-ogaal ahi u sheegeen wargayska Geeska Africa. Xubnaha weftigan oo ka kooban sedexda mas’uul oo ka kala socda sedexda Xisbi Qaran waxa ay kala yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) Eng. Faysal Cali Waraabe, Wakiilka Somaliland ee Dalka Faransiiska Md. Mohamed Nuur Fagadhe oo xubin ka ah Gudida fulinta Kulmiye iyo Wasiir ku-xigeenka qorshaynta Somaliland Md. Ahmed Hashi oo ka socda Xisbiga talada haya ee UDUB.
Shir madaxeedkan oo ah markii ugu horeysay ee Somaliland lagu marti-qaado, waxa mas’uuliyiinta Somaliland kaga qayb-galayaan goob-jooge-nimo, maadaama aanay ka mid ahayn wadamada kursiga ku leh ururka Barwaaqo sooranka.

Kulan madaxeedkan wadamada ku bahoobay barwaaqo sooranka oo sanadkiiva mar la qabto ayaa waxa ka soo qayb-galaaya Madaxweyneyaasha iyo mas’uuliyiin sar-sare ee 53-ka wadan eek u bahoobay barwaaqo sooranka, oo ah dalalkii maxmiyada u ahaa Dawladii boqortooyada ingiriiska, kuwaasi oo ay Somaliland ka mid ahayd, waxaana sanad kasta si rasmi ah u furta boqorada Ingiriiska queen Elizabeth.

Xigasho: Geeska Afrika

1 comment:

Anonymous said...

I reckon that Somaliland should have been admitted into full membership of the British Commonwealth years ago,as Somaliland is a former British colony.Somaliland has more right to British Commonwealth membership than does either Cameroon or Mozambique - who have no right to British Commonwealth membership,as they were colonies of France & Portugal respectively.

There is a lot of support for British Commonwealth membership for Somaliland in the U.K.,especially in Wales.

Coming from New Zealand,I have always been very sympathetic to our friends from Somaliland.The sooner that British Commonwealth member states start opening High Commissions in Hargeisa,the better!

Does anyone agree with me?

Aidan.