Thursday, December 27, 2007

Madaxweyne Riyaale iyo wefti uu hoggaaminayo oo la filayo inuu booqasho ku tago Maraykanka

(Waridaad) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa toddobaadka soo socda inuu u ambabaxo booqasho uu ku tegayo dalka Maraykanka.

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow Madaxtooyada, Madaxweyne Riyaale oo ay socdaalkiisa ku wehelin doonaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Caddaaladda iyo Wasiirkuxigeenka Qorshaynta, waxa ay martiqaad ka heleen Dowladda Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale oo ay weheliyaan Wasiirrada Caafimaadka, Caddaaladda iyo Wasiirkuxigeenka Qorshaynta ayaa iyagu hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay ka soo qaadanayaa fiisayaasha Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tegayaan Maraykanka.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii u horreeyey ee Madaxweyne Riyaale ku tago dalka Maraykanka. Waxaana la filayaa in ay martiqaadkan ka heleen saraakiisha ammaanka ee dowladda Maraykanka, iyada oo tibaaxaha u horreeya ee booqashadanina ay sheegayaan in Madaxweynaha lagala xaajoon doono Saldhig Milateri oo Maraykanku ka doonayo Berbera.

Xigasho: Somaliland.org

No comments: