Thursday, December 06, 2007

SHEEKO: DUDMADII, KABARAADKII, GUUSHII, IYO GURYO KU SOO NOQOSHADII XAABSADE

(Waridaad) - Waxaa xusid mudan, in Ahmed Cabdi Xaabsade oo ah muwadin Somalilander ah ahaana Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada ee JSL ee Qaab Beeleedka ku dhisnaa, hase yeeshee, markii uu marxuun Cigaal, ay isku dhaceen ee xilkii uu isa siiyey ee meertada ahaa laga wareejiyey uu duday oo Somalilandnimadii dhamaydba iska xooray oo cadiifad qabyaaladeed awgeed uu ugu safray ilaa iyo Garowe, magaalo madax maamul goboleedka qabiileytaha ah ee Majeerteeniya halkaasoo si weyn oo farxad leh oo ku saleysan hidaha iyo dhaqanka iyo caadooyinka Majeerteen ee aanu hore u aqoon loogu soo dhaweeyey.

Qaabkii Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Garoowe:

Waxa ay Majeerteenku ka dhaadhiciyeen Xaabsade inuu yahay nin qabiili ah oo nasiib badan, hase yeeshee, ay wax si ka yihiin una baahan yahay in la fooxiyo oo saarka haya laga tumo oo weliba laga furdaamiyo “JINIGII IIDOOR” ee dooxa Hargeisa mar uu ka talaabay goor makhrib ah uu ku galay taasoo ah sababta uu la xasili la’yahay.

Xaabsade, ayaa aad u yaabay, waxa lagu hadlayo oo aanu ka filanayn; waxaanu ugu jawaabay Majeerteenkii:

“War, belaayo ma qabo ee siyaasad aan watay iyo niman aan u maleenayo inay hab qabyaaladeed ila dhaqmeen ayuun baanu isku soo laynay Hargeisa taasoo igu keliftay maadama ay sidaa ii galeen dee, amba tol baan leeyaho, waanigan idiin imi ee hiil iyo hoo baan idinka doonaya.”

Waxa Xaabsade loogu jawaabay:

“Hadde, warmooge derderan ayaad tahaye, Iidoorna, waxbana kama taqaanide, warkahayaga hanagu soo celin aanu saarka kaa tune si loo wada badbaado oo aadan ugu daaran ehelkaaga belada kugu soo gaartay caro cadow ee aad la dhex timaaday.”

Xaabsade oo sii yaabay shakina galay, ayaa Islaankii ugu weynaa Majeerteeniya ku yidhi:
“Adeer, hadde, waxan lagula talinahayo, waa dhaqan iyo hido, iyo caadada ehelkaaga Majeerteeniya ee na maqal oo warka badan iska dhaaf.”

Aakhirkii, Xaabsade oo meel uu ka baxo waayey, ayaa iska ogolaaday in saarka laga tumo oo jiniga la sheegayo ee shakiga ku riday laga furdaamiyo taasoo ku cad fiidhiyowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=TTUNn5tKLFc

Dhinaca kale, Xaabsade oo yaabaha oo uurka ka lahaa, waar, waa maxay xero jinkan aad soo gashay, aya waxa lagu soo dhoweeyey Mijiliskii Isimada Majeerteen; waxaana loo dhiibay dhow iyo toban minjood oo hereeri ah kuwaasoo ka daadegi waayey qaab xumada mijiliska aadna ula yaabay basar xumada loo qayilayo ee marqaan jab weyna ku riday, waana sida hoos ku cad ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=0SR5w3_n70k

Ka bacdina, Xaabsade oo madaxu xanuunayo, ayaa mataxtooyada Garowe, dib loogu celiyey halkaasoo uu Col. Cabdullahi Yuusuf uu mar kale la kulmay oo uu judhiiba ugu magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Majeerteeniya; waanu ku farxay jagadaas kuna hadaaqay;
“Run ahaantii, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay xilkan muhiimka ah ee la ii igmaday oo hiil dhab ah sida aan maanta u farxaynay weligay uma farxin malahaa jiniga la sheegayo wax, baa ka jira.”

Hase yeeshee, Xaabsade oo ah nin dhaqan kale ku soo barbaaray, ayaa waxay badanaa is furi kari waayeen ehelkiisii Majeerteeniya kuwaasoo kala dhamaan waayey:

“Boowe, tartiibso malaha jiniyo kale, ayaa kugu jira. Ma, og tahay in Beesha Fiqishini ee Dhulmahante la dega, ay yihiin Habar Gidir oo ay iyaguba qabaan jiniyo ka daran mida Iidoor oo halis ah kana oo ay ka midka yihiin jufooyinka Hawiye futo madoobe ee aanu Galkacyo ilaa Muqdisho isku haysano?

Hadaladaas ka dib, Xaabsade, xanaaq iyo colaad hoose, ayuu u qaaday kuwan “Boowe iyo Jini” kala dhamaan waayey; dabeecadina, wey ka xumaatay oo xilkii loo igmaday hab macangegnimo oo feed iyo laad ah, ayuu ku waday taasoo uu Majeerteenki u bogi waayey kuna tashaday in markan, si gaar ah oo badheedh ah loo hanuuniyo.

Hadaba, waxa la qaban qaabiyey shir deg deg ah, waxa
ana Xaabsade lagu marti qaaday, Madaxtooyada Garoowe halkaasoo aan waxba loola hadhin si cadna loogu badheedhay, waxyaabihii fool xumooyinka ahaa ee lagula hadlayna, waxay ku cad yihiin fiidhiyowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=vnaD9p3wHZY&feature=related

Micnuhu, waxa weeye:

Haddii aanu nahay Majeerteen gaar ahaan Beesha Maxamuud Saleeban ee ka soo jeeda Boqortooyadii soo jireenka ahayd, anaga ayaa xilkan Wasiirnimo kuu dhiibnay oo aad naga amar qaadaynaysa maadaama aanu Madaxweyne ka nahay Puqlandna oo aaney cid kale soo haweysan karin jagadan, anagaa qabna Bariga Sanaag, Sool, iyo Cayn ama anagay na hoos yimaadaan Beelahaa SSC sidaas daraadeed, xishmad yeelo oo xishood oo “ADEER NA DHEH” hadalaasoo uu Xaabsade aad uga xanaaqay si cadna ay isaga hor yimaadeen Majeerteenkii isimnimada ku beerlaxawsan jiray; waaney kala boodeen, isla mar ahaantaasna, xilkii wasiirnimo, ayaa laga xayuubiyey cidlana la diray.

Halkaas baanu Xaabsade boorsadiisi ka qaatay, waxaanu ku tashaday inuu u dhaadhaco ilaa iyo Muqdisho oo uu Col. Cabdillahi Yusuf ka qalqaalsado in jago laga siiyo kooxda Mbagathi maadaama aaney xiligaas ku dhalan inuu dalkiisii hooyo ee Somaliland dib ugu soo noqdo.
Hase yeeshee, markii uu gaadhay magaalada Galkacyo una talaabay Koonfur Mudug (degaanka Besha Sacad) ee uu gaadhay magaalada Dhusa Mareeb, ayaa wuxu la kulmay isbaaroo, ay dhigatay koox mooriyaan ah oo indho cas cas oo isnacday oo aad u murqaansan oo fanaan mooriyaan ahi oo ka mid ah uu u heesayo kaasoo si cad u guubaabinaya Beeshoda Cayr iyo Hawiyeba kana xun waxa Xamar ka socda iyo dhicana ay la jiraan oo weliba si aan geed uga soo gabasho lahayna u cadeenaya, waxa ay meesha u joogaan ee ay isbaarada u dhigteen taasoo aan ciyaar ciyaar ahayn, waana tan heestii mooriyaanka ee dhegeysi iyo daawasho wacan.

www.somalitube.com/videos/Music/Hees_Mooryaan?PHPSESSID=dd4ceaea966358746652b52de9f9744d

Heestii, ka dib, ayaa mooriyaanti ku soo jeesatay Xaabsade; waxaay ku yidhaahdeen inuu iska bixiyo leejadii (lacagta) kuwaasoo markiiba Xaabsade baadhay oo ka qaaday dhowr kun oo doolar oo uu haystay. Hase yeeshee, inyar oo doolar ah oo u qarsoonaa oo uu gundhiga ku haystay baa u baaqi ahaa taasoo gaadhsiin karta ilaa iyo Muqdisho.

Hadaba, waxa uu Xaabsade mooriyaantii weydiiyey xaalada ay Xamar ku sugan tahay, waxaaney ugu jawaabeen in Xamar ay xaaluf tahay oo ay ka taagan tahay, “deber nafsak” iyo marna tamartaa marna taagtaa sida ku cad fiidhiyowgan uu isla mooriyaankaasi ugu heesay ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=Sb8vbWDgPBw

Heestaas ka dib, Xaabsadihii islahaa Xamar u foof tag candhuuftiisii, ayuu dib u liqay; waxaanu niyada ka yidhi, isagoo hoostaas ka subxaanaleystay, beelaaya isku tagta meeshaas la is wada bursanayo. Ka dib, mooryiyaantii, buu yara khiyaameeyey oo ku yidhi, waar, meeshu lacag bay u baahan tahaye, aan dib ugu noqdo Galkacyo oo aan soo qaato waxooga yar oo aan meel ku ogaa ileyn, hada intiinii, weydun qabtaane. Mooriyaantiina, waxay ku tidhi, wax lagu weydiinayo oo kale ma jiraane kac oo soo qaado nooliga iyagoo hoostaas ka og inay hadana ka wada qaadi doonaan, haddii uu ku soo laabto goobta, ay isbaarada dhigteen sidaasaanu Xaabsade dib ugu soo noqday Galkacyo uguna soo jeexay ilaa iyo Garoowe.

Hadaba, markii uu Garoowe soo gaadhay, ayaa isagoo ciil qaba, wuxu Cade Muuse ku yidhi, haddii aad ooyi weydo, wallee, waa haddii aanan ahayn nin Darwiish ah; Cade Muusena, uma jawaabin oo waxaabu u haystay inay u dhamaatay oo uu Laas Caanood afku ku qaloocan doono.
Markii uu Xaabsade soo gaadhay Laas Caanood iyo degaankii uu u dhashay, ayaa waxa uu markiiba galay hawlo la xidhiidha wacyi gelin, abaabul, kicin, iyo hurin colaadeed taasoo uu dhinac u goostay jufadiisa hoose, taageerayaashiisii, iyo maliishiyadii taabacsanayd oo awelba ka xumaa sida foosha xun ee isaga iyo guud ahaan Beelaha SSC loola dhaqmay loona bahdilay ee aargoosan raba. Waxa kale oo uu markiiba u gacan haadiyey Xukumada Somaliland taasoo markiiba ku soo taakuleysay guutooyin ka mid ah Ciidamada Qaranka oo si lixaad leh u hubeysan, dagaal ba’an baana meesha ka dhacay taasoo ku cad fiidhiyowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=Td6OpD7chjM&feature=related

Hadaba, dagaalkii ka dhacay magaalada Laas Caanood iyo nawaaxigeeda, waxa markiiba, si fudud looga adkaaday oo la baacsaday ilaa iyo Garoowe Maliishiyadii Dhafoorqiiqle kuwaasoo aan geesinimo lahayn dagaalna waxba ka aqoon, hase yeeshee ah, bilaash xayteyaal af dheer oo faan iyo daandaasi badan. Mida kale, waxa Maliishiyadii Dhafoorqiiqle laga dhigay qaar la laayey, qaar la dhaawacay, qaar nolosha lagu qabtay, iyo qaar cagaha wax ka dayey oo xitaa dhaawacoodii iyo meydkoodii ka cararay; waxaana laga furtay hub farabadan gaar ahaan tikniko, hub fudud, saad badan, iyo dokumeentiyo ciidan oo muhiim ah.

Ka dib, waxa ay ciidamada Somaliland bilaabeyn hawlgalo qorsheysan oo midhadh Dhafoorqiiqle ah oo direyskii military iska xooray kuna dhuumanayey xaafadaha gudahooda gaar kuwa xiga dhinaca bariga, ay kaga sifeenayeen magaalada Laas Caanood kuwaasoo iyagana cagta la mariyey sida ku cad fiidhiyowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=t3f1zbP6o8o

Guushaas weyn ka dib, sidii uu Xaabsade ku hanjabay bay u dhacday, Cadde Muuse iyo Majeerteen oo dhamina, waa wada baroorteen.

Aakhirkiina, waxa uu Xaabsade fahmay inaanu saar iyo miingis toona qabin ee dhibku ka yimi xero jinka Garoowe ee uu galay; waxaanu go’aansaday inuu dalkiisi hooyo iyo casimadiisii Hargeisa ee nabdoonayd ee dadka dhaqanka iyo basarka fiicani ku noolaayeen uu ku soo noqdo:
Soo Dhoweyntii Caynabo:

Waxa Xaabsade loogu diyaariyey akhyaar ay macruuf ahaayeen oo qaarkood fanaaniin yihiin iyo qaar kale oo isugu jira kuwo degaanka ah iyo kuwo Hargeisa ka yimi halkaasoo ay si diiran oo daacad ah ugu soo dhoweeyeen isaga iyo wasiiradii iyo mas’uuliintii kale ee la socotay mijilis loogu talo galay inay ka sii shidaal qaataan maadama ay safar dheer gelayaan sida ku cad fiidhiyowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=VN32zxJHzM8&feature=related

Xaabsade, ayaa waayo waayo soo xasuustay, markaasu inta uu is hayn kari waayey yidh, “Waar, hadaad helay dad aan af garto”; waana la iska sii qayilay; waagii markii uu baryeyna, waa laga shiraacday isagoo la gelbinayo oo loo wado ilaa iyo Hargeisa.

Soo Dhoweyntii Burco:

Waxa barqadii la soo gaadhay magaalada Burco oo ah casimada labaad ee Jamhuuriyada Somaliland si diiran oo ku saleysan hidihii iyo dhaqankii la arki jireyna, ayaa halkaas loogu soo dhaweey Xaabsade sida ku cad fiidhiyogan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=I-wQfP1FQfU&feature=related

Xaabsade oo aad ugu faraxsan soo dhoweynta diiran ee ay Reer Burco u fidiyeen, ayaa dhowrkii saacadood ee uu joogay magaalada, waxay u raaciyeen soo xaflad kale kale oo Diini ah taasoo ay ugu talo galeen inay dib u xasuusiyaan Eebahiisii abuurtay (SWT) iyo Nebigiisii Suubanaa (SAW) maadama Burco, ay tahay magaalo diintu xoog ku leedahay; waana sida ku cad labadan fiidhiyoow ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=ZQC6KjfQUg4&feature=related
www.youtube.com/watch?v=C_TGJIrkBDE&feature=related

Ka bacdina, iyadoo qalbigu u degay oo ay naxariisi ku soo yara degtay, ayuu Xaabsade iyo weftigii gelbinayey ka shiraacdeen magaalada Burco iyagoo ku socdo magaalada Hargeisa, casimada Jamhuuriyada Somaliland.

Soo Dhoweyntii Sheikh:

Markii, Xaabsade uu gaadhay magaalada Sheikh, waxa uu la kulmay wacdaro kale iyo soo dhoweyn kale oo diiran taasoo aan is idhi, waar, waxan oo soo dhoweyn ahi ninkan ka waaweyne malahaa waa la khaldaya ama “Jinigii Iidoor” ee Dhafoorqiiqleyaashu sheegayey ee laga furdaamiyey, ayaa dib loogu celinaya oo markan malahaa aan aheyn kii dooxa Hargeisa ku galay ee yuu yahay mid ka weyn oo ka daalinsan oo quwad weyn leh oo buurta dheer ee Sheikh dhakadeeda sare saaran; waana sida ku cad fiidhiyowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=Z6Cll90y70Q&feature=related

Hadaba, Xaabsade oo maqsuud ah oo markan arkay xuural cayn goob barwaaqo iyo baraare ah jooga oo caasinimadii iyo fikirkii xumaa ee Reer Majeerteniya ku abuureen laga masaxay yuhuuntuna u dhisantay dibna, loogu soo dabaalay hidihii iyo dhaqankeeni suubanaa, ayaa soo dhoweyntaas muhiimka ahi ka bacdi, ka amba baxay magaalada Sheikh iyadoo loo sheegay inaan dhinaacaas iyo Berbera loo weecan doonin gaar ahaan Batalaale oo ah lama huraan ahna hoygii jacaylka iyo Cilmi Boondheri, hase yeeshee, aan la soo boqan doonin maadama aaney xaaskiisii la socon; waana arrin macquul ah oo qadarinteeda leh oo la isku wada raacay.

Soo Dhoweyntii Hargeisa:

Waxa kale oo dhacay, yaab iyo yaabkiis maadama Xaabsade iyo wasiiradii iyo mas’uuliintii gelbinaysay, lagaga horyimi tuulo fog oo Daaca Budhuq u dhow halkaasoo si diiran ay isugu salaameen raxan kale oo wasiiro ah iyo mas’uulin kale oo sare; isa salaamihii kalgacalka ku dheehanaa ka bacdina, iyagoo kolonyo weyn ah, ayey soo galeen casimada dalka ee Hargeisa, markiibana, Hudheelka Mansuur ee ugu casrisan casimada ee loogu talo galay, ayaa lagu soo dejiyey halkaasoo ay ku sugayeen kooxo fanaanin ah oo hees diraan oo waayo waayo ah iyo mid casri ahba ku soo dhaweeyey sida ku cad fiidhiyowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

www.youtube.com/watch?v=hXa9dTrlNJs&feature=related
www.youtube.com/watch?v=nHEfArRflco&feature=related

Isku soo wada xooriyo, Xaabsade oo gaws dambeedku muuqdo, ayaa hudheelkii galay; waanu iska yara nastay ka bacdina, yara meydh meedhay oo wax cunay si fiicana u soo lebistay maadama balantu, ay ahayd in salaada makhribka ka bacdi, qayilaad loo fadhiisan doono lana iska istareexi doono; waxaaney u dhacday sida ku cad fiidhowgan hoos ku xusan ee daawasho iyo dhegeysi wacan:

Hab qayilaadii Basarka Lahayd ee uu Xaabsade u Hiloobay:
Hadaba, halkan hoose ka daawada hab qayilka gobeed ee Reer Somaliland taasoo aad uga duwan habka basar xumada ah ee Reer Majeerteeniya ee aydun ka daawateen fiidhiyowga kor ku xusan:
www.somalilife.com/vbforum/showthread.php?t=2609
Ugu dambeyn, waxaan filaya hadaanu Xaabsade Jini kale gelin ama aaney ka daba iman Islaantii Arliyo ee dadka saarka iyo miingiska ka tumi jirtey ee Garoowe ku heshay kuna fooxisay, “Jini ku sheegii Iidoorna” ee huu haada ahaa ku andacootay inay furdaamisay uu Xaabsade maanta yahay Somalilander geesi ah oo iska soo maydhay ceebtii isaga iyo Beeshiisa iyo guud ahaan Reer Sool loo geystay; waanu ka aarsaday Cade Muuse iyo iyo maliishiyadiisi beeleed iyo guud ahaan Dhafoorqiiqle ee raganimada ha ka xistiyina ee ugu hambalyeeya uuguna abaal guda halganka uu soo galay; hana isku koobina magacan Mujaahidka ee ha loo quudho ninkan hawshan Qaran ee intaas le’eg soo qabtay ee sababteeda lahaa hawlgalada loogu jiro dhamaystirka halgankii Qarannimadeena ee mudada dheer soo jiitamayey.

Su’aal: Miyaanu Muj. Xaabsade malyuun jeer ka geesisaneyn kana wadanisaneyn kana ficil wanaagsaneyn kuwan nacabka iyo cadowga ah ee isku magacaabay, “DIR WAQOOYI” sida Buubaa, Sifir, Jaamac Yare, Dheeg, Kaluun, iwm?

Waanad la socotaan, in Xaabsade loo qaadey Madaxtooyada halkaasoo uu Md. Dahir Riyaale Kaahin uu si qadarin leh ugu qaabiley.

So what is cooking up for Xaabsade?

DHAMAAD.

Guul iyo Gobanimo,
Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.

No comments: