Thursday, January 03, 2008

Madaxweyne Riyaale iyo wefti uu hoggaaminayo oo galabta u ambabaxay socdaal uu ku tegayo Maraykanka: “Mustaqbalka Somaliland waa mid Iftiimaya”.

(Waridaad) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa galabta ka ambabaxay dalka, isaga oo u kicitimay booqasho uu ku tegayo dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska.
Madaxweyne Riyaale oo intii aanu galabta ka dhoofin dalka, shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qasriga Madaxtooyada waxa uu ka warramay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin socdaalkiisa, arrinta gobolka Sool, waxqabadka xukuumaddiisa iyo Nabadgelyada.

Isaga oo ka hadlaya socdaalkiisa, Madaxweyne Riyaale waxa uu sheegay in socdaalkiisa uu ka bilaabayo Addis Ababa, halkaas oo uu sheegay inuu kulamo kula siiyeelanayo madaxda dowladda Itoobiya. Waxa kale oo uu sheegay inuu sii marayo dalka Ingiriiska, kadibna uu tegayo dalka Maraykanka.....Sii akhri

No comments: