Monday, February 25, 2008

War deg deg ah:Ciidamada Somaliland oo gacanta ku dhigay degmada Badhan,kuna sii jeeda Dhahar

(Waridaad)- Ciidamada Somaliland oo ku hubaysan gawaadhida tiknikada loo yaqaan oo gaadhaya 21 gaadhi iyo ciidamo boqolaal ah ayaa xalay gudaha u soo galay degmada Badhan ee gobolka Sanaag,mana ayan la kulmin wax iska caabin ah oo ka hor timid.

Ciidamadan oo uu hogaaminayey nin magaciisa lagu sheegay col Indha-Yare ayaa waxay magaalada ka soo galeen wado aan la filayn oo aan ahayn meeshii difaaca lagaga jirey ee Hadaaftimo,waxaana dadka magaaladu ku soo dhoweeyeen gacmo furan,iyadoo boqolaal qof isugu soo baxeen wadooyinka xili danbe oo saq dhexe ah......Sii akhri

No comments: