Thursday, March 13, 2008

Dood-siyaasadeed ujeeddo-badan ah oo maanta lagu qabtay Hargeysa oo Fashiliyey Ajandaha Boqor Buurmadow iyo Riyaale

(Waridaad) - Hargeysa (Somaliland.org) - Kulan doodeed ballaadhan oo uu soo qabanqaabiyey urur dhallinyaro oo magaciisa la yidhaahdo AFGARAD ayaa maanta lagau qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, halkaas oo si baahsan dood dhinacyo badan iyo ujeeddooyin siyaasadeed oo kala duwan leh la isku weydaarsadey.

Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen siyaasiyiin ka kala socdey saddexda xisbi Qaran, siyaasiyiinta ururka Qaran, Aqoonyahanno, Abwaanada waaweyn ee Reer Somaliland, Madax-dhaqameedyo, xubno ka tirsan Komishankii hore ee Doorashooyinka Qaranka, xubno ka socdey Komishanka cusub ee doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo isagu ka baxay madasha ka hor intii aanay dooddu furmin, waxa mawduuca lagaga hadlayey uu ahaa “Sidee lagu heli karaa Doorashooyin si Xor iyo Xalaal ah uga dhaca dalka”. Hase yeeshee, doodda madashaasi waxay noqotay mid baahdey oo mararka qaarkood u muuqaneysey weerar iyo weerar-celis u dhexaysa siyaasiyiinta iyo dadkii madashaa isugu yimi qaarkood iyo weliba ololayaal iyo ujeeddooyin siyaasadeed oo ka baxsan mawduuca.....Sii akhri

No comments: