Friday, April 25, 2008

Jaaliyadda reer Awdal ee MN oo ganafka ku dhufatay muddo kordhinta Riyaale

(Waridaad) - Jaaliyada Somaliland ee gobolka Minesota ee dalka Maraykanka ayaa ganafka ku dhuftay mudo kordhinta Dahir Rayale ay guurtidu ugu dartay mudo hal sano ah. Waxgaradka reer Somaliland oo ay horkacayaan jaaliyada Awdal ayaa waxay cadeeyeen in wakhtigan la joogo ayna haboonayn in mudo la kordhiyo waayo wax faa’iido ah oo ugu jirta umada iyo dalka midna ma jirto.

Guurtidu waa cuqaashii nabadgalyada wadanka dhaliyey hadana Somaliland waxay u dhaqaaqday hab dimuqraadi. Waa meel ka dhac in guurtida iyo madaxwaynuhu ay is dhaafsadaan mudo isku kordhin midba midka kale uu meesha ku haynayo. Waxay jaaliyadu cadaysay in ay si buuxda uga soo horjeedaan mudo kordhinta madaxwayne Rayale oo ay ku tilmaameen in ayna sharciga dalka iyo constitution ayna waafaqsanayn mudo kordhintaasi oo aan laga wada hadal ama si qotodheer looga eegin dhinac walba. Dhinac yada is haya oo muucaaridku ka kow yahay laguma soo darin in ay arinta ka qayb galaan mudo dheeraynta.

Waxa kale oo ay intaa jaaliyadu ku dareen in dadka degaanku ay yihiin dad nabad jecel waxa carqalad ku haya siyaasad jihadeedu loo baahan yahay in la saxo; in la joojiyo wixii keenaya iska hor imaanshaha dadka sida gobolo la iska magacaabo oo caawinaya kala qaybsanaanta umada walaalaha oo haboon in laga shaqeeyo sidii dadka loo sii midayn lahaa in ka badan nabada immika jirta.

Magaacda Jaaliyada Awdal, Somaliland ee Minesota:

Suleyman Egeh Abdulqadir Ibrahim A/qadir Osman Mumin Idiris Nuux Maxamed Suleyman Abubakar Hamud Jibril Faisal Wayrah Xaddi Aqadir Hamud Ali Xusen Cige Ifrah Dahir Husein Farah Qamar Mahamed Muna Abdi Mahamed Ali Hasan Mahamed Faduma Hamud Deqa Abdi Mustafe Maxamed Idil Mahdi A/rasaq Sacid Ali Wayrax Bahja Mahamed Abdirazaq Mahdi Jibril Hamud Khadra Dahir Gadiid Guled Suleyman Ruqiya Aqli Mahamediin Abdiqadir Abdi Husen Cige Abdisalan Hamud Hinda Mahamed Aden Maxamud Saleban Aye A/Lahi Muse Rahma Hamud Fadumo Fanaano Yasmin Omar Hadrawi Ibrahim A/qadir Mahamed Gobare Shamis Osman A/Lahi Obsiye Sacid Samaron Hasan barkhad Saciid Ciye A/rasaq madar A/wahaab Maax Muuse Suudi Yusuf Farah Ali yusuf Abdiqani Ali Fadumo Yusuf Suldan Muse Muse Bahdoon Kaha Aw dahir Lul Ahmed Roble Farah Ibrahim Dayur Fa’isa Abdi

Minneapolis, Minesota,

USA

No comments: