Sunday, May 11, 2008

Hayadahii samafalka oo heegan galiyey shaqaalahoodii!

(Waridaad)- Wakhtirogaha amse Calendar-ka sudhan xafiisyadda hayadaha samafalka ee ku sugan Soomaaliland ayaa ku duugay qalin cas maalinta ay bishu ku beegantahay 16 May inay noqon karto maalin taxadirkeeda leh.

Wararka ka soo baxaya shaqaalaha hayadahaas ayaa isla dhexwareegaya codsi ka yimi madaxdda sare oo ku war geliyey shaqaalahooda ku sugan waddanka gudihiisa in aanay maalintaa soo shaqo tegin, isla markaana ay diyaar u noqdaan in waddanka laga daad gureeyo, haddii ay lama huraan noqoto. Waxaa isla markaana la wargeliyey shaqaalahoodda hadda dibedda ugu maqan shaqooyinka inay hakiyaan safaradooda oo ku sugnaadaan meelaha ay kala joogaan kana war sugaan madaxdooda.

Waxaa iyana ka horeeysay qurba jooga Soomaaliland oo xilyadan ku soo guryo noqon jiray waddankoodda oo hakad geliyey safaradoodii. Dhaqaalaha ay soo hooyaan qurbo joogo sannad walba ayaa iyana noqonaysay mid sii cakiraysa dhaqaala xumidda waddanka ka taagan, oo kabisteeda qurbe joogo qayb ka qaadan jireen, iyadoo sicir barar u raacay rayidka, maamul xumona ku habsatay.

Xildhibaan Nasir Xaaji Cali Shire oo ka soo laabtay safaro uu dibedda u baxay ayaa isna dareenkaa qurbojoogu ka qabaan ismaandhaafka curyaamiyey dalka waxuu yidhi: "Xaaladda cakiran iyo ismarin waagga siyaasadeed ee ka jira dalka, iyaga oo ka cabsi qaba in marxaladda geeddi-socodka dimoqraadiyadeed ee dalku isku beddelo xaalad liidata oo cidhib xumadeedu saamayso bulshada somaliland iyo beesha caalamka ee daneeysaba".

Wixii war ah ee soo kordha halkan kala socda.

Waridaad media centre

1 comment:

True Somalilander said...

Xagaad war xumadaa ka keentay anagu ma heynee?
Ali