Thursday, May 08, 2008

Maraykanka oo Cadaadis ku Saaray Rayaale inuu la Yimaado Debecsanaan iyo Tanaasul Lagu Xalliyo Khilaafyada Cakiran

(Waridaad)-Dawladda Maraykanka ayaa la sheegay inay cadaadis ku saartay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, in uu la yimaaddo tanaasul iyo debecsanaan suurtogelin kara in xal waara laga gaadho khilaafyada cakiran ee waqtigan ka dhex aloosan muxaafidka iyo mucaaradka Somaliland.

Ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola dhinaca xarunta Madaxtooyada ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey, in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Drs. Jendayi Frazer ay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweyne Rayaale, isla markaana ku wargelisay in dawladeedu welwel weyn ka qabto marxaladda siyaasadeed ee xilligan ka jirta Somaliland, sidaa darteed Madaxweynaha looga baahan yahay inuu la yimaad debecsanaan iyo tanaasul muuqda oo xal lagaga gaadho furdaaminta khilaafyada cakiran ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Drs. Jendayi Frazer waxa kale oo ay u xaqiijisay Md. Rayaale sida dawladda Maraykanku u danaynayso dadka Somaliland iyo geeddi-socodka hannaanka dimoqraadiyadeed ee dalkooda ka hirgalay, taas oo ay ku tilmaantay mid mudan in la sii xoojiyo, balse aan u baahnayn in la dhaawaco oo la kala dhantaalo, waxaanay ku cannaanatay xallinta khilaafyada jira, maadaama uu isagu mindidda daabkeeda hayo.

Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in Mss. Frazer si qotodheer u hogo-tusaalaysay Madaxweyne Daahir Rayaale hayaankii dheeraa ee shacbiga Somaliland u soo galeen dhismaha qarannimadooda iyo hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah, kuwaas oo xustay in beesha caalamka kaga kasbadeen qiimayn iyo tixgelin mug leh. Sidaa awgeedna waxa ay ku baaqday in ummadda Somaliland sii xoojiyaan hannaankii u suurtogeliyey qabashadada doorashooyinkii hore, iskana jiraan inay ku dhacaan murugga siyaasadeed ee laga dhaxlay khasaarooyinkii baaxadda lahaa ee ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay dalalka Kenya iyo Zimbabwe.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ee Afrika Drs. Jendayi Frazer, ayaa horraantii sannadkan socdaal ku timi caasimadda Hargeysa, waxaanay kulamo la yeelatay Madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka, iyadoo dhinacyada siyaasadda ku dhiirrigelisay inay ku faro adaygaan horumarka indhaha beesha caalamka soo jiitay ee ay Somaliland ka gaadhay nidaamka dimoqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka.

No comments: