Monday, May 05, 2008

“Riyaale Kursigu Wuxuu Kala Qaalisan Yahay Ilmihiisa” Cabdiraxmaan Saylici

(Waridaad) - Boorama -Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga UDUB, ayaa ka horjoogsaday Musharraxa mansabka Madaxweyne-nimada xisbiga Kulmiye C/Raxmaan C/laahi Saylici, iyo xildhibaanno taageera xisbigaasi, inay ka hadlaan damaashaad ama munaasabad loogu dabbaal-degeyey gobolnimada dhulka la magacbaxay Selel ee uu dhawaan Rayaale ku dhawaaqay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xafladdan oo ay ka hadleen madax ama wakiillo ka kala socday dawladaha dalalka Djibouti iyo Somaliland, ayaa sidoo kale waxay ka hadleen sida loogu baahan yahay in Djibouti ka geysato waxay ku tilmaameen "taageero" ku saabsan gobolnimada Salal.

Damaashaadkaasii oo socday laba casho ku dhawaad, ayaa markii u dhammaaday waxa shir jaraa’id ku qabtay isla degmada Saylac, madaxa weftiga xisbiga Kulmiye, oo ahaa C/Raxamaan Saylci, gudoomiye ku-xigeenka Afraad ee xisbigaas, xildhibaanno ka tirsan beesha Saylac oo ka tirsan golaha Guurtida iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, iyo culimaa’uddiin.

Ugu horreyn waxa shirkaas jaraa’id ka hadlay musharrax mansabka Madaxweyne-nimada xisbiga KULMIYE C/raxmaan Saylici, isagoo ku bilaabay hadalkiisii "Waa nasiibdarro, in maanta oo kale, oo farxad lagu soo dhaweynayo gobolnimada Salal ay xukuumadda iyo xisbgeeda UDUB ka dhigaan mid siyaasadeed, oo lagu reebayo xisbiga KULMIYE taageerayaashiisa iyo madaxdiisa. Waxa dhacay cid kastaa goobjoog ayey ka ahayd, in maanta qarankii Somaliland, uu dagaal kula jiro xisbiyada qaranka mid ka mid ah oo ah KULMIYE. Waxay maanta ka dhigantahay maalin dhinaca kale murugo ku beertay dadkii dhulkan wada deggenaa oo ay kala dhex gashay iskana horkeenayso xukuumadda Somaliland si loo kala fogaadana, ay ku tallaabsatay kala soocidda dadkii Rayaale madaxweynaha u wada ahaa, ha ahaado mucaarad ama muxaafid. Waxa maanta la marayaa in aniga oo Saylac ku dhashay, kuna barbaaray la yidhaahdo kama hadli kartid, waxa waxaa samaynayaana waa ragga Rayaale halkan u soo diray. Waxa kale oo wax laga xumaado ah in wasiir kasta, wakiil kastoo hadlaa maanta yidhaahdo Jabuutaay gobolkan caawi, hadday caawiso Djibouti deeqda ay u soo dirto ayaa loogu dhiibayaa oo lagu aaminayaa dawladda Rayaale. Damaashaadka maanta ka dhacay halkan waxay dawladda Rayaale ku soo bixisay lacag 150 milyan oo Sh. SL ah, waxay dadkaa u dhisi lahayd jid, ama biyahaa loogu dhaamin lahaa, laakiin waxay ku baxday siyaasad iyo kursi jacaylka Rayaale.

Waxan dadweynaha sharafta leh ee gobolkan wada degen xusuusinayaa in Kursiga Madaxweyne-nimadu uu maanta kala qaalisan yahay ilmihiisa, dadkiisa, iyo Somaliland oo dhan.

Kursiga wuu ka tegi mar uu ka tagaba laakiin dhulku wuu hadhi doonaa weligii ciddii Illaahay dhigay ayuunbaa ku noolaan weligeedna ku noolayd, siyaasadaynta iyo kala-soocidda dadkii dhulkan Illaahay dhigayna maaha mid soconaysa ama Rayaale guul ku gaadhi doono, sidaa darteedna waxa dadweynaha iyo inta wanaagga jecelba u soo jeedinayaa inay ilaashadaan nabadgelyadooda.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Abuubakar C/raxmaan Good kana mid ah xildhibaanada baarlamaanka, isagoo yidhi: “Maanta waa maalin farxadeed, oo aan loo baahnayn inay dawladda Somaliland isku ceebayso walaalahooda reer Djibouti hortooda. Waxaad ogtihiin in Cabdirisaaq Waaberi olole u galay sidii Xisbigan martidii ka timi loo fogeyn lahaa, isla markaana loogu soo dhaweyn intii Rayaale u dhaweyd ceeb ayeyna ku tahay dawlad dhan oo wakiillo xisbi mucaarad ka horjoogsata meel shacbigu ka muujinayo farxad. Waa fuleynimo xukuumadda Rayaale ka qabto xisbiga KULMIYE, isla markaana aanu ku kalsoonayn dadkiisa iyo shacbigiisa ee ceeb iyo foolxumo uu kursiga ku sii haysto. Annagu haddan nahay xildhibaanada baarlamaanada waxan dadweynaha reer Salal uga tacsiyadaynaynaa foolxumada ay hortooda ka sameeyeen wasiirada Rayaale iyo kuwa daba socdaa.”

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Axmed Daahir Jirde, kana tirsan Golaha Guurtida, Maxamed Xaaji Cali Xasan, Cabdi Siciid Faahiye iyo Sh. Maxmuud Faarax.

Xigasho: haatuf.net

No comments: