Sunday, June 01, 2008

War Degdega: Madaxweynaha Somaliland Iyo Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid Ee KULMIYE Iyo UCID Oo Caawa Heshiis Qalinka Ku Duugay.

(Waridaad)-Kulan adag oo ay maanta Qasriga Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo qaatay muddo lix sacadood ah ayey ku heshiiyeen go’aamo iyo qodobo ay ka gaadheen, isla markaana ay ku soo afjareen khilaafaadkii cakirnaa ee mudada badan ka dhex aloosnaa xukuummada iyo Axsaabta mucaaridka [KULMIYE iyo UCID]. kadib markii dood dheer ay dhinacyada isku hayey siyaasada ay gorada iskula galeen saacado badan, taas oo dood dheer lagu lafa gurey isku tanaasul ay ku dheehnayd wadaniyad.

Sida waxa lagu sheegay qoraal ka kooban 8 qodob oo ay dhinacyada isku hayey Siyaasadu ay si wada jir u soo saareen, Dhinaca Xukuummada waxa heshiiska u saxeexay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale, halka uu Xisbi UCID uga saxeexay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbigaasi Aadan Maxamed Mirre [Waqaf], Xisbiga KULMIYE-na oo uu u saxeexay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadi.

“Kulan ay qasriga Madaxtooyada ay ku yeesheen maanta oo ay taariikhdu tahay 1/6/2008 Xukuummada iyo Madaxda mucaaridka ah, waxa ay dood dheer lafa gurid iyo isu tanaasul badan oo ay ku dheehan tahay wadaniyad, masuuliyad dad iyo dalba u damqanaysa, kadib waxa ay isla gaadheen qodobadan go’aan ee soo socda.” Ayey ku yidhaahdeen qoraalkooda

1. In dib loo dhigo Doorashada Golaha deegaanada oo la soo hormariyo doorashada Madaxtooyada.

2. In Diwaangelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah Sababta dib loogu dhigay doorashada Golaa Deegaanka

3. In Komiishanka qaranku soo diyaariyo doorashada ,Madaxtooyada, diwaangelinta kadib.

4. In Doorashada Madaxtooyadu ka soo hormarto 6/4/009 .

5. In qodobada xeerka diwaangelinta ee aan la ajaanqaadi Karin doorashada Madaxtooyada la laalo.

6. Haddii ay yimaadaan duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi karaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada, waxa xaaladaas wada jir uga go’aan qaadanaaya Komiishanka iyo Sadexda Xisbi Qaran, iyada oo aya Golaha Guurtiduna u ansixinayo wakhtiga ay isla garataan oo aan waxba lagu darin.

7. In Xukuummada iyo Xisbiyada mucaaridka ah ay yeeshaan, isku xidhnaan iyo wada tashi joogta ah.

8. In Guddida farsamo ee Sadexda Xisbi qaran ay noqoto gudi joogto ah, una xilsaaraan kalsooni dhiska Xukuummada iyo Xisbiyada wada shaqeyntooda.

Arrintan ayaa daba socotay wada hadalo beryahanba u socday Xukuummada iyo Axsaabta mucaarika ah ee KULMIYE iyo UCID oo nuxurkoodu ahaa sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafaadkii ka dhashay muddo kordhintii halka sanadood ahayd ee ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo mudadkii shanta sanadood ahayd ee la doortay ay kaga eekayd 15 May 2008.

Si kastaba ha ahaatee, go’aamadan ay caawa ku heshiiyeen Xukuummada Madaxweyne Rayaale ee xilkeedu dhamaaday 15-kii Bishii May ee ay soo dhaafnaya iyo Axsaabta mucaaridku ayaa ku soo beegmay wakhti ay maalintii Khamiistii ee todobaadkan ay fasax bil iyo badh ah galeen Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayey inay sharciyeeyaan go’amadan ay labada dhinac isla qaateen.

Hadhwanaagnews.com

Hargeysa, Somaliland.

No comments: