Monday, July 07, 2008

War Deg Deg Ah:Magaaladii Hargeisa Oo Ay Iminka Ka Socdaan Mudaharaad Isu Rogay Xabad

(Waridaad)-Magaalada Hargeisa ayaa wakhtigan xaadirka ahi ka socdaa mudaharaad isu rogay xabada ka dib markii Kooxo dhallinyaro ah iyo qaar ka mid ah dadweynaha Xaafadaha Koonfur bari ee magaalada Hargeysa ay is hortaageen Riig ceelasha lagu qudo oo dowladdu ku waday in Boorame loo diro. Riigaasi oo dawladu leedahay, ayaa hawl ceelqodaal ah ka wadey deegaanka Too nee Koonfurta magaalada Hargeysa.

Gaadhiga oo Riigga ah ayaa la sheegay inuu shalay galabtii si lama filaan ah qalabkiisii uga soo laalaabtay deegaanka tuulada Uubaale oo uu ka qodayey Ceel loogu talagalay inuu waraabiyo xaafadaha Koonfureed ee magaalada Hargeysa, kadib markii sida wararku sheegayaan xukuumaddu amar ku bixisay in Riiggaas la geeyo Boorame.

Ilaa iminak lama garanay khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ee xiisadan socotaa keentay, wixiise faah faahina dib ayaan idinkula soo socod siin doonaa.

Xigasho: somaliland.org

No comments: