Wednesday, September 03, 2008

Faallo: Cabdiraxman Aw Cali & Kulmiye

(Waridaad)- Abdirahaman Aw Ali waa nin qofkasta oo reer Somaliland ahi si fiican u garanayo; wuxu ku mutaystay magacaa wayn iyo sharaftaa kaalintii uu ka soo qaatay halkankii adkaa ee SNM-ta iyo shicibka Somaliland la galeen xukunkii Siyaad Barre. Maalintii shicibkiisa iyo dadkiisu u baahnaayeen wuxu ka soo baaxay kaalintiisii oo wuxu qayb libaax ka qaatay halkankii, isaga iyo rag badan oo aanan magacyadooda halkan ku soo wada koobi karaynin imika. Somaliland iyo shicibkeedu Cabdirahman waxay hore u tuseen oo u siiyeen sharaftii uu xaqa u lahaa. Maantana isaga waxa looga fadhiyaa iinuu keeno odaynimadii iyo sharaftii lagu tuhmayay, oo maanta xoog loogu baahan yahay.

Markii waddanka la xoreeyay, geesiyadii hogaaminayay SNM-ta intooda badani may lahayn damac siyaasadeed, in yar oo kooban oo Abdirahman uu ku jiro ayaa lahayd damac siyaasadeed; Abdirahman dhamaan shicibka Somaliland waxay ugu abaal gudeen inuu noqdo madaxwayne ku xigeen xiligii Madaxwayne Egal. Markii wakhtigii ka dhacay dawladii Madaxwayne Egal, ee la galay tartankii loogu cusboonaysiinayay xukunka, haddana ma labaad Abdirahman wuxu u tartamay jagadii madaxwayne ku xigeenka. Cabdirahman waxay is qabteen Madaxwayne Egal. Cabdirahman intaa kumuu hadhine ee wuxu kaambayn culus u galay sidii Saleebaan oo la tartamayey Madaxwayne Egal uu isagu tartanka ula geli lahaa. Taasna wuu ku guulaystay oo waxa tartanka wada galay; Madaxwayne Egal iyo Daahir Riyaale oo dhinac ka soo jeeda iyo Saleebaan Gaal iyo Cabdirahman oo dhinaca kale ka soo jeeda.

Mudoo dhowr sanno ah ka dib waa kii Madaxwayne Egal dhintay ka dibna la galay doorasho cusub, markana Cabdirahman wuxu kaambayn u galay inuu noqdo madaxwanye ku xigeen oo laga soo doorto xisbiga Kulmiye, taasna wuu ku guulaystay, oo waxa tartankii doorashada galay Gudoomiyaha Kulmiye Ahmed Silanyo iyo Cabdirahman oo waxay tartanka la galeen Madaxwayne Dahir Rayale iyo Ahmed Yassin. Saddexdaa goorba dhamaan raggii ay SNM-ta wada ahaayeen ee sidiisa oo kale damacu hayay way samreen oo way tanaasuleen saddexda goorba markii Cabdirahman ku guulaystay tartarnkii, markastana wax jiray rag aaminsanaa in khalad badani dhacay, markastana waxa jiray rag shakhsi gaara ama reer gaara diidanaa, ama danno gaara watay oo awoodi karaayay inay dhibaato kiciyaan (si haddii iyaga ay ka xumaatay cid waliba wax u waydo). Markasta ragaasu way samreen oo tanaasuleen. Cabdirahman wuu ogaa oo wuu ku faraxsanaa inay go’aankii saxa ahaa nimankaasu saddexda goorba qaaateen. Waxaa maanta la jogaa xiligii tartankii doorashada March 2009. Cabdirahman wuxu mar afaraad u tartamay inuu noqdo Madaxwayne ku xigeenka Kulmiye, nasiib darro wuu ku guul daraystay. Maanta waxa Abdirahman laga filayay inuu muujiyo odaynimo, sharaf, samir iyo tanaasul, sidii isaga saddex goor oo hore loo yeelay; taasoo tusaale ay ku qancaan u noqon lahayd inta isaga maanta garab joobta.

Waxan kale oo tusaale u soo qaadanayaa in maanta taageerayaasha Kulmiye ay ugu badan yihiin laba reer oo kala dega Burco iyo Hargeysa. Reerkii Burco dega waxa u soo baxay Gudoomiye Ahmed Silanyo oo waxay aaminsan yihiin inay heleen wixii ay xisbiga ka filayeen. Reerkii kale ee Hargaysa deganaa sida cid waliba og tahay waxa tartanka ka soo galay rag badan oo damac lahaa sida Cabdirahman, qaarbaa la tartamayay Gudoomiye Ahmed Silanyo, qaarbaa la tartamayay Cabdirhaman, sida Cabdirahman ogyahay maantaa reerkaas dhamaantood way ku guul daraysteen inay musharax ka noqdaan xisbiga Kulmiye. Aad iyo aadna way uga xumaadeen, uga xanaaqeen, laakiin way samreen oo way tanaasuleen, oo waxay doorbideen inay danta guud ka hormariyaan danta gaarka ah. Haddii nimankaa tartanka kugula jiray ee Hargaysa ka soo jeeda maanta wax la waydiiyo, dhamaantood waxay kuu sheegayaan inay wax meel ka khaldameen (dhinacyo badana way ku tusaalaynayaa), si kastaba ha ahaatee waxay doorbideen inay maanta Kulmiye iyo Gudoomiye Ahmed dhisaan. Cidkastaana maanta way ogtahay in Kulmiye u baahan yahay reerkaas Hargeysa dega si uu u guulaysto. Waxa arrintan aan tusaale ugu soo qaatay, si aan u muujiyo inay jiraan dad aaminsan inay uga xaq badan yihiin Cabdirahman mansabkan uu maanta ka qanci waayay, iyaguna ay hore u qanceen, iyaga oo tixgelinaya xaalada maanta waddanku ku jiro, fursada xisbiga Kulmiye ka heli karo doorashada, iyo gaar ahaan Gudoomiye Ahmed Silanyo.

Waxan ku soo gunaanadayaa; Cabdirahman wuxu mudan yahay sharaf iyo odaytinimo, sida aan kor sheegay shicibka Somaliland waxay intaas oo goor muujiyeen sida ay sharaf wayn ugu hayaan Cabdirahman iyo odaytinimadiisa. Maanta waxa laga suguayaa inuu Cabdirahman muujiyo odaynimadaa iyo sharaftaa, oo soo afjaro muranka xisbiga ka dhex taagan, oo uu qaato go’aan adag, go’aankaasuna noqda mid inta kale ee wax tirsanaysaa ee isaga garab joogtaa ay ku qancaan. Cabdirahman waxa ku xeeran dad waxyaabo yar yar oo ay xisbiga iyo madaxdiisa ka tirsanayaan isku urursaday, waanay ku qancayaan hadii ay arkaan Cabdirahman oo tanaasulay oo xisbiga isu soo ururinaya.
Cabdirahman waxa ka warsugaya shicibka Somaliland ee intaa garab taagnaa, ee markasta taageerayay, ee maanta rajaynaya in xisbiga Kulmiye ka saari doono dhibaatada waddanka iyo shicibkaba Somaliland haysata. Cabdirahman wuu ogyahay cida keliya ee maanta ku farxaysa ama ka faaidaysa is qabsida xisbiga Kulmiye ay tahay Dahir Rayale iyo UDUB. Waxa maanta Dahir Rayale iyo UDUB ay illaahay ka baryayaan in Cabdirahman xisbiga kala jebiyo, oo xisbiga dhex geliyo muran jiitama ilaa inta doorashada la gelayo, murankaas oo ka cadhaysiiya taageerayaasha xisbiga oo ku kelifa inay UDUB doortaan, iyaga oo ka cararaya isqabsida iyo muranka ka taagan Kulmiye.


Rashid Garuf,
Washington DC, USA

No comments: