Monday, September 29, 2008

Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Guddi uu hoggaaminayo Cadami oo caawa kulankii ugu horreysey yeeshay

(Waridaad)-Hargeysa – Hoggaanka Xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE ayaa caawa la kulmay guddi uu hoggaaminayo Axmed X. Cali Cadami oo ka socota in ka badan 40 xubnood oo ka mid ahaa kooxdii ka baxday Shirkii Golaha Dhexe ee Burco, kuwaas oo caddeeyey dhowaan inay aqbaleen go’aankii guddida dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga.

Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo guddida Cadami oo ka kooban 7 xubnood, waxa kale oo ku weheliyey kulankaas oo ahaa martiqaad casho ah oo caawa lagu qabtay Hotel Maansoor xubno ka tirsan Guddidii Xeerbeegtida ahayd ee dhexdhexaadinta ka gashay khilaafkii soo dhexgalay xisbiga ee ka dhashay shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay Burco, kaas oo ay ka baxeen in ku dhow 50 xubnood oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga oo taageersanaa Laba musharrax oo kala ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X. Cali Cadami. Waxana uu ka dambeeyey kulankani go’aan in kabadan 40 ka tirsan xubnahaa Golaha Dhexe ay ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin go’aankii guddida dhexdhexaadintu ku soo afjartay khilaafka, kaas oo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, iyo dhawr xubnood oo la socdaa ay ku gacansaydheen.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey kulankaa cashada ah waxa uu si diirran u soo dhoweeyey guddidaas iyo xubnaha Golaha Dhexe ee ay ka wakiilka yihiin, waxana uu uga mahadnaqay go’aanka ay ku gaadheen inay qaataan go’aankii guddida dhexdhexaadinta iyo inay dib ugu soo noqdeen xisbigoodii, isaga oo ballanqaaday inay diyaar u yihiin wixii tabasho iyo turxaanbixin ah inay sii wadaan.Axmed X. Cali Cadami ayaa isaguna sharraxay ujeeddada guddida iyo inay doonayaan inay xisbiga gudihiisa ku dhammaystaan wixii tabasho iyo turxaanbixin ah ee ay u baahan yihiin ama ay u arkaan in loo baahan yahay in la iska shaafiyo ama la iska saaro.Guddida iyo hoggaanku waxay u ballameen kulamo ay kaga wadahadlaan arrimahaas Ciidda ka dib.

C/risaaq M. Dubbad,

Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: