Saturday, September 13, 2008

Shirka Jaraa'id ee Wasiirka laaluushku qabtey waxaa lagu tilmaami karaa qabyaalad indha la'

(Waridaad)-Hadalka Wasiirka Golayaasha ka sheegay Magaalada Boorame, wuxuu ahaa hadal xambaarsanaa anaaniyad qabyaaladeed.

Wasiirku wuxuu ku xadgudbey xuquuqdii muwaadiniintu ay xaqa u lahaayeen ee odhanaysey muwaadinka waana la dooran karaa waxna wuu dooran karaa.

Wasiirka hadaynu shirkiisii jaraa,id tuducyo ka mid ah soo qaadano wuxuu yidhi" Khilaafkii Burco yaaley ayaa Boorame loo soo bedeley" taasoo wasiirku ula jeedey Burco waxba inagama gelin ee teena inoo ilaaliya.

Waxaa kaloo wasiirku yidhi" Sadexda xisbi qaran ayaa hogaanka dalka ku tartamaya waxaana tartamaya Ahmed Siilaanyo, Faysal Cali Waraabe, iyo Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweyne Ku xigeenuna sidiisaba wuxuu qabtaa oo qudha wixii Madaxweynuhu u igmado, waa siduu hadalka u dhigaye". Wasiirku wuxuu taas ula jeedey Mar hadii Riyaale oo reerkeena ahi Madaxweyne u tartamayo ma jirto Sabab aad Madaxweyne Xigeen isugu khilaaftaane Waa in la taageeraa Madaxweyne Riyaale.

Waxaa kale oo Wasiirku shirkiisa jaraaid ka muuqdey xadgudub siyaasadeed iyo duurxulo ka dhan ahaa Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo uu sheegay inaanu awood u lahayn inuu qabto waxaan Madaxweynuhu u igman. Hadalka wasiirku wuxuu ku soo beegmay xili ay fooda inagu soo hayso doorashadii musharixiinta xisbiga Udub, hadalada wasiirkana waxaa laga dhadhasan karaa inay jiraan qorshayaal la doonayo in la bedelo Madaxweyne Xigeenka Somaliland.

Inkastoo taas loo qaadan karo hadaladii looga bartey Md. Buuni ee uu sida indha la,aanta ah ugu taageeri jirey Madaxweyne Riyaale.

Ahmed Cadaani UK

No comments: