Saturday, February 14, 2009

War Degdeg Ah: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Fashiliyey olole la doonayey in xilka lagaga qaado

(Waridaad)-Olole labadii toddobaad ee u dambeeyey si xaami ah u socdey oo la doonayey in xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta la soo afjaray, kadib markii mudanayaashii ololahaas wadey ay ka muquurteen.

Fadhiga maanta oo si weyn loo sugayey, isla markaana ay ku gedaanayd xamaasad weyni waxa saaka ka soo xaadiray xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad aad u fara badan oo danaynayey arrinta iyo dadweyne aad u fara badan oo isa soo hortubay golaha Baarlamaanka. Hase yeeshee, ka hor intii aanu furmin goluhu ayaa la ogaadey in badiba mudanayaashii watey mooshinka xil-ka-qaadistu aanay ka soo daahirin golaha, iyada oo dhawr xubnood oo ka mid ah kooxda ololaha wadeyna ay dafireen inuu jiro olole xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha.

Fadhiga golaha oo ay fadhiyeen 50 mudane ayaa ku furmay jawi kulul, kadib markii xubnaha Shirguddoonka oo uu horkacayey Guddoomiyaha Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ay soo galeen hoolka shirka, isla markii shirku furmayna ay gudagaleen arrinta sida weyn loo sugayey ee mooshinka xil-ka-qaadista.

Kadib hadal guud oo waano ku saabsan mawduuca oo uu jeediyey Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Golaha Guurtida mudane Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, ayaa Guddoomiyaha Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan si kulul u weeraray kooxda xildhibaanada ah ee wada ololaha ka dhanka ah iyo Madaxtooyada oo uu sheegay inay dabada ka waddo, waxana uu dalbaday in xildhibaanadaasi ay golaha soo dhigaan mooshinkooda.

Xildhibaan Muxumad Aw Axmed ayaa isagu qirtay inuu ka mid yahay xildhibaanada wada ololaha, balse, wuu ka gaabsaday inuu shirguddoonka u gudbiyo mooshinka ay ku dalbanayaan xil ka qaadista Guddoomiyaha. Isla markaana markii Guddoomiyuhu dhawr goor ku celceliyey inay mooshinkooda keenaan, isagoo miiska garaacaya ayaa goluhu si guud isugu raacay in la xidho mooshinkaas. Wuxuuna intaa kadib halkaa ka jeediyey hadal dheer oo canaan iyo hogatusaalayn ah oo uu u jeediyey Madaxtooyada, Komishanka Doorashooyinka iyo dadweynaha.

Dadweyne aad u fara badan oo tubnaa albaabka hore ee Golaha iyaga oo sugayey natiijada fadhigaas ayaa Guddoomiyaha ku soo qamaamay markii uu fadhigu xidhmay, isla markaana u hambalyeynayey.

Ciidanka Madaxtooyada ayaa heegan buuxa galay intii dadweynuhu hortubnaayeen golaha Baarlamaanka, waxaana markii dambe la xidhay waddada hormarta labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Axmed Maxamed Sulaymaan (Ilka-case), Hargaysa.

No comments: