Saturday, February 28, 2009

Xadhko-Goynta Madaxwayne Rayaale,Ragga Abaalkooda KuHungoobay iyo Xadigaha Weli Shidhka Saaran

(Waridaad)-Saddexdii toddobaad ee ina dhaafay waxaa jawiga siyaasadeed ee Somaliland si weyn u hadheeyay dagaal ba’an oo siyaasadeed oo ka dhex oogmay labada masuul ee ku kala fadhiya labada kursi ee ugu sareeya dalka, kuwaas oo kala ah Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal).

Dagaalka siyaasadeed ee dhexmaray labada oday oo ahaa mid soodhka laysula galay oo aan teelo laysku dhigan waxa sababay kadib markii uu Madaxweyne Rayaale soo abaabulay Mooshin uu doonayay inuu kursiga kaga tuuro Saleebaan-gaal. Hase yeeshee Saleebaan-gaal-na dhinaciisa wuxuu kiciyey guluf adag oo uu iskaga difaacayo weerarka kaga yimid dhinaca Madaxtooyada, waxayna taasi ku dhammaatay inuu gebi ahaanba fashilmo qorshihii xil-ka-qaadista gudoomiyaha Guurtida, sidaas ay guushu ku raacdo Saleebaan-gaal.

Dagaalka dhexmaray Saleebaan iyo Daahir Rayaale waxa uu ahaa mid aan teelo laysku dhigan, lana rumaysan yahay inay labada masuul aad ugu kala fogaadeen arrintaas, ayna adag tahay sida dib loogu daweeyo. Sidaas darteed, Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu u dambeeyay rag badan oo hoggaamiyeyaal ah oo la filayay inaan Madaxweyne Rayaale si hawl-yar u ilaawin karin abaalka ay u galeen.

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaamihii doorashada Madaxtooyada waxa uu ku biiray xisbiga UDUB, waxaanu ahaa raggii ugu cuslaa ee Madaxweyne Rayaale isku barbar taagay inuu xisbigiisu doorashada ku guulaysto, kursigana ku fadhiisto.

Saleebaan-gaal wuxuu ahaa libaaxii ay maalmihii natiijada doorashada la sugayay ay Madaxweyne Rayaale, ehelkiisa, wasiiradiisa iyo xisbigiisuba ay u daba-fadhiyeen inuu kursiga u dhiciyo, waxaana ka mid ah weedhihii caanka ahaa ee uu maalmahaa ku tiraabayay ka mid ahaa “Xagee lagu arkay dawlad Afrikaan ah oo inta Mucaarid boobo kursiga ka qaado”, mana jirin godob ka weyn oo uu Saleebaan u geli lahaa Daahir Rayaale mar haddii uu kala saftay ninkii la tartamayay ee Ilma-adeerka ahaayeen.

Madaxweyne Rayaale wuxuu markii ugu horeysay masraxa siyaasadda Somaliland si lama filaan ah u soo fuulay sannadkii 1997, xilligaas oo uu noqday Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, isagoo aan lahayn taariikh hore oo siyaasadeed, marka laga reebo inuu ahaa Sarkaal aanay derajadiisu sidaas u sii weynayn oo ka tirsan Ciidankii Nabad-sugidda ee Taliskii Siyaad Barre oo uu ka tirsanaa ilaa saacadii u dambaysay ee uu taliskii Siyaad Barre dhacay.

Daahir Rayaale Kaahin markii uu Madaxweyne ku-xigeenka noqday wuxuu kursiga ka bedelay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo naaneyso kula baxay inuu noqdo mid ka mid ah raggii ugu magaca weynaa ee ku suntaa halgankii hubeysnaa ee ururkii SNM ee aan dhalasho ahaan ka soo jeedin Beelaha Isaaqa, waxaana la rumaysan yahay inuu Cabdiraxmaan Aw Cali sabab u ahaa inuu Daahir Rayaale ku negaado dalka markii uu burburay taliskii uu ka tirsanaa oo aanu ka mid noqon saraakiishii la baacsanayay. Hase yeeshee arrintu waxay ku dambaysay inuu Daahir Rayaale noqdo ninkii la jiidhsiiyay Cabdiraxmaan Aw Cali ee kursiga looga tuuray.
Sheekha caanka ka ah gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama Sheekh Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar, waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa dhawrkii oday ee bud-dhigga u ahaa hindisihii iyo qorshihii uu Daahir Rayaale ku noqday Madaxweyne ku-xigeenka, kadib markii ay Maxamed X. Ibraahim Cigaal ku qanciyeen inuu isaga Madaxweyne ku-xigeen u qaato Cabdiraxmaan Aw Cali-na daaqadda ka tuuro. Hase yeeshee, markii uu Madaxweyne Rayaale ka dalacay kursigii Madaxweyne ku-xigeenka, kuna fadhiistay kursiga Madaxweynaha kadib geeridii Marxuum Cigaal ee horraantii sannadkii 2002 waxa uu Sheekh Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar noqday mid ka mid ah ragga ay Madaxweyne Rayaale iskugu necebyihiin, waxayna taasi Sheekh Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar ku noqotay lama filaan iyo sheeko uu liqi kari waayo, sidaas darteedna muraaro-dilaacii uu ka qaaday colaadii kaga timid Madaxweyne Rayaale waxay geyeysiisay inuu subax qudha iska casilo kursigii Golaha Guurtida iyo inuu ka dheeraado agagaarka Madaxtooyada iyo saaxadda siyaasadeed ilaa inta uu Madaxweyne Rayaale fadhiyo kursiga.

Ragga kale ee ayaamihii Madaxweyne-nimada Daahir Rayaale sida weyn loo xusuusto waxa ka mid ah Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, oo xilligaa ahaa gudoomiye ku-xigeenkii 1aad ee golaha Wakiilada, taas oo Cabdiqaadir Jirde lagu tilmaamo inuu ahaa Injineerkii dejiyay farshaxankii uu Daahir Rayaale kursiga ku dhaxlay, iyadoo la sheegay inuu Cabdiqaadir Jirde indhaha ka tuuray qodob Distoori ah oo dhigayay inuu Gudoomiyaha Guurtidu si ku-meel-gaadh kursiga Madaxweyne-nimada u dhaxlo inta la soo dooranayo Madaxweyne muddo kooban.
Cabdiqaadir Jirde sannado badan ayuu u fidhicilanayey inuu Madaxweyne Rayaale ka heli doono abaalkii shishlaa ee uu u galay, hase yeeshee tiraba laba saddex jeer ayey Cabdiqaadir Jirde u muuqatay fursad lagu abaal-marin karo, isagoo filayay inuu markiisa Madaxweyne Rayaale ku fadhiisiyo mansabka muuqday.

Fursadii u horeysay ee uu Cabdiqaadir quu-dareeyay waxay ahayd jagadii Madaxweyne ku-xigeenka ee uu ka dalacay Madaxweyne Rayaale oo ay rag badani u soo hanqal-taageen, laakiin uu Cabdiqaadir islahaa malaha Madaxweyne Rayaale cid kuula tartansiin maayo mansabkaa, mase dhicin.

Markii labaad ee uu Cabdiqaadir hanqalka la soo kacay waxay ahayd markii la doortay golaha cusub ee Wakiilada, xiligaas oo la rumaysan yahay inuu Cabdiqaadir Jirde quu-dareynayey inuu Madaxweyne Rayaale kula tun-tuunsado kursiga koowaad ama ka labaad ee Shirgudoonka Golaha Wakiilada, balse Madaxweyne Rayaale xagiisaba ma soo eegin ee dhawr nin oo kale ayuu marba mid holiyey inuu wax la baadi-doono, aakhirkiina inkastoo aanay waxba ka suuro-gelin haddana Nin kale ayuu meesha la doonayey.

Fursadda saddexaad ee la sheegay inuu Cabdiqaadir Jirde quu-daraynayey waxay ahayd in marka Shirweynaha xisbiga UDUB yimaado uu isu sharaxo mid ka mid ah mansabyada sare ee xisbiga, hase yeeshee markuu arkay hasaasihii shirka iyo sida wax u socdaan ayuu candhuuftiisa dib u liqay, wuxuuna madashii shirka ka ahaa dhegayste qaayo leh oo aanay xataa suuro-gal u ahayn inuu ka hadlo dareemada uurkiisa ka guuxaya.

Ragga kale ee is lahaa abaalkaad u gasheen Madaxweyne Rayaale weligii idinka dhammaan maayo inta uu kursiga ku fadhiyo waxa ka mid ahaa Ismaaciil Aadan Cismaan, oo muddo saddex sannadood ka badan ahaa wasiirka Daakhiliga.

Ismaaciil Yare muddadii uu Wasiirka Daakhiliga ahaa wuxuu sida Cagaf-cagafta u jiidh-jiidhay cid kasta oo ka hor timaada ama erey qaloocan tidhaahda Madaxweyne Rayaale, isagoo af iyo adinba wacdaro badan geystay, waxaana ka mid ah waxyaabaha Ismaaciil-Yare lagu xasuusto ka mid ah inuu Maalmihii Doorashada Madaxtooyada ahaa ninka ugu daran ee jiif iyo joogba diiday, uguna cartanka iyo dagaalka badnaa xubnihii golaha Wasiirada ee xilligaa, wayna badnaayeen inta uu Ismaaciil-Yare gar iyo gar-darraba shafka u dhigtay eedo, cabashooyin, dhaliilo iyo dagaalo siyaasadeed oo ku waajahan Madaxweyne Rayaale, kuwaas oo uu tuurta u ritay godob iyo gashi-ba wixii ay lahaayeen.

Hase yeeshee dhammaadkii sheekada Ismaaciil-Yare waxay ku dambaysay inuu Madaxweyne Rayaale goor barqo ah sidii maro calal ah daaqadda uga tuuro Ismaaciil-Yare.
Madaxweyne Rayaale markii uu eryey Ismaaciil-Yare kelmadihii laga soo weriyey inuu ku yidhi waxa ka mid ahaa “Ismaaciil, adiga iyo Taliyaha Bileyska idinma kala reebi karo,” taasina waxay muujinaysaa inaanu Ismaaciil-yare la cusleyn Madaxweyne Rayaale sida uu isaga ula cuslaa.
Inkastoo Ismaaciil-Yare daaqadda laga tuuray goor aan habeenna ahayn maalinna ahayn haddana sidaas kuma quusan ee wuxuu in muddo ah naawilayey inuu odaygu mar uun isa soo canaanan doono, hase yeeshee Madaxweyne Rayaale iyo Ismaaciil-yare waxay si fiican u kala xabaalo seegeen oo ay gaadhay Aaskaaga iman maayee Aaskayga ha iman ayaamihii shirkii UDUB, kadib markii Ismaaciil-Yare oo uu quu-daraynayey inuu mid ka mid ah manaasiibta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka miduun isku sharaxo lagu yidhi is-sharaxaad iska daayoo xataa ra’yigaaga kama dhiiban kartid madasha. Maalintii labaad ee Shirweynaha UDUB ayuu Ismaaciil-Yare u holoday inuu ra’yi ka dhiibto xeer cusub oo duuduub lagu ansixinayey, hase yeeshee Askari si gaar ah loogu ballamiyey ayaa intii aanu kursigaba saani uga hinqay kaadh-cas u taagay, taasina waxay Ismaaciil ku noqotay shook iyo muraaradilaac aan hore loo arag, wuxuuna hadalkii ugu horeeyay ee ka soo baxay noqday “Daahir Rayaale maaha kii aynu shalay dooranay”.

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo muddo dheer wasiir ka soo ahaa xukuumadda Somaliland, wasaarado badan oo kala duwanna wasiir ka soo noqday, ayaa isna ka mid ah ragga la xusi karo marka laga hadlayo geedi-socodka xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Cabdillaahi Darawal inkasta oo uu ahaa nin aan ceeb duul-duusha lahayn aadna isu ilaalin jiray, hadda waxa uu ka mid ahaa wasiiradii ugu miisaanka weynaa, ee tiirarka u ahaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale, wuxuuna Madaxweyne Rayaale kaga gudbanaa rag badan oo saaxiibadii ah oo mucaarid isugu baxay muddo dheerna dibad wareeg ahaa. Hase yeeshee Madaxweyne Rayaale wuxuu ku abaalmariyey inuu yidhaahdo Cabdillaahi Darawal damac ma yeelan karo, oo xataa shirweynaha UDUB-na Ergey kama noqon karo.

Intaas oo qudha maaha ragga birta laga aslay ee way badan yihiin, ee waxa kale oo ka mid ah dadkii Madaxweyne Rayaale soo dhaweeyay ee dhinaciisa u janjeedhsaday Maxamed Xaashi Cilmi iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil, kuwaas oo markii ugu horeysay wasiiro ka noqday xukuumadiisa, isla markaana u tafo-xaydnaa sidii ay dalcadda uga saari lahaayeen, hase yeeshee labadoodaba markiiba tareenka ayaa laga tuuray, iyadoo ay mid walba Madaxweyne Rayaale kala furteen maryo dhiigleh, waxayna xubnahaas aynu soo xusnay iyo qaar kale oo badanba ku calaa-caleen “Adduun I Khatal”.

Haddaba marka la eego hab-dhaqanka aynu ka soo sheekaynay ee Madaxweyne Rayaale iyo wixii ina-rag ku dhacay, waxa isweydiin leh filimku ma dhammaaday mise weli wuu socdaa?
Jawaabtu waxaynu odhan karnaa waa maya, waxaana hadda ruwaayadda qaybteeda dambe jilaya Xidigo dhawr ah oo ay moorada siyaasaddu si fiican isha ugu hayso qoob-ka-ciyaarkooda.
Ragga firfircoon ee ku sii hadhsan xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ciyaar-saylicigana safka hore kaga jira waxa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, wasiirka Duulista Hawada, Cali Maxamed Warran-cadde iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Injineerka qaabeeya ama dhigdhigga shaxda siyaasadeed ee ay ku dhaqanto xukuumadda Madaxweyne Rayaale, iyadoo ay dadka qaar yidhaahdaan Cawil maaha wasiir qudha ee wuxuu xukuumadda Madaxweyne Rayaale u jilaa jagada Ra’iisal-wasaare, isagoo isu arka inuu yahay ninka xaga diblomaasiyadda iyo farshaxanka siyaasadda ugu khibradda badan golaha xukuumadda Madaxweyne Rayaale, taas oo uu iska daa wasiirada’e uu xataa Madaxweyne Rayaale macalin ugu yahay, waxaana la sheegaa in waxyaalaha ugu waaweyn ee uu Madaxweyne Rayaale uga dambeeyo Cawil inay ka mid yihiin xidhiidhada dibadda, taasna waxa u daliil ah safarada dibadda oo inta badan keligii loo diro, oo xataa haddii cid lagu darrana uu isagu yahay ninka hoggaaminaya, waxaana tusaale inoogu filan safarkii u dambeeyay ee ay Djibouti ku tageen kooxda wasiirada ahi, taas oo iyadoo weftiga ka mid yahay wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo
wasiirkii Daakhiliga uu weftiga hoggaamiyey Cawil Cali Ducaale.

Cawil Cali Ducaale, marka uu difaacayo Madaxweyne Rayaale ee uu jawaabaha siinayo dadka dhaliila wuxuu had iyo jeer ku cel-celiyaa hal-ku-dheg caan noqday, kaas oo ah “Rayaale isagaa isku keen haya oo haddii uu maanta Rayaale shandadiisa qaato, albaabka ayeynu isku qabsanaynaa, waanaynu kala dhaqaaqaynaa.” Weedha caynkaas ah waxa laga yaabaa inuu Madaxweyne Rayaale madaxa u ruxo oo uu u arko inay tahay ballaayo-xijaab weyn oo ay dad badani dib u fadhiistaan marka weedhaas sida guluub-laydh cirka loo tuuro, hase yeeshee waxay dad badan oo arrimaha siyaasadda hoos u milicsadaa u arkaan inuu hadalka noocaas ahi maalinba jeex dumiyo safafkii taageerada ahaa ee Madaxweyne Rayaale ku wareegsanaa, waayo hadalka noocaas ah waxay dad badani u dhadhansadaan in ummadda dhan ee wadanka ku dhaqan caqligeeda la caayayo oo la leeyahay yahay Madaxweyne Rayaale mooyaane cid kaloo Madaxweyne noqon kartaa ma jirto.

Inkasta uu Cawil Cali Ducaale lagu tilmaamo ama uu isaga laftiisu isu arko inuu yahay Jilaaga koowaad (first actor) ee aanay xukuumaddani ka maarmi karin, haddana dad badan oo xog-ogaale siyaasadeed ah ama wax uga soo joogay hab-dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweyne Rayaale waxay u arkaan inuu Cawil jilayo qayb ka mid ah riwaayadii ay raggii ka horeeyayba soo jileen, sidaas darteed dad qaar waxay u arkaan in Cawil shinkiisii buuxsamay oo ay xaaladiisu tahay sidii gabaygii Ismaaciil Mire ee uu tuduc ka mid ahi lahaa “Mid kuwaa ka dhigan baan arkaa, oo aan kadab u nooleyn”, taas oo ay dadka aragtidan qabaa u arkaan inuu Cawil yahay ninka ugu soo horeeya ee Saleebaan-gaal ku xigi doona, ee ay foodda isdarayaan Madaxweyne Rayaale. Hase yeeshee dadka qaar baa qaba aragti taas ka duwan, kuwaas oo rumaysan inay Cawil iyo Madaxweyne Rayaale yihiin labada qof ee marka ugu dambaysa luxudka isla galaya.
Afarta wasiir ee kale (Hawlaha Guud, Daakhiliga, Duulista Hawada iyo Arrimaha Dibadda) iyagu way ka duwan yihiin qaabka Cawil, waxaana lagu tilmaamaa inuu midba aag qaabilsan yahay, taasina ay tahay waxa ugu weyn ee uu Madaxweyne Rayaale u haysto, halka Cawil uu yahay Jookar meel walba gala, haddii ay tahay siyaasadda dibadda, haddii ay tahay dhaqaalaha, haddii ay tahay siyaasadda gudaha iyo haddii ay tahay kala-hufka iyo kala-haadinta arrimaha siyaasadda.

Inkasta oo ay wasiiradan xidigaha isu arka ee aynu kor ku soo sheegnay iyo rag kaleba laga yaabo inay isu haystaan inuu caynku u giigsan yahay oo ay tareenka wakhti badan sii saarnaanayaan, haddana waxay waaya-aragnimada siyaasaddu ina tusaysaa in haddii aanu Madaxweyne Rayaale wakhtigu ka soo gaadhin uu subaxba mid tareenka kaga dejin doono banka Geriyaad.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo ah ninkii ugu dambeeyay ee uu Madaxweyne Rayaale kawaanka soo dhigo, waxa keliya ee uu kaga badbaaday in salaadda horeba dhegta dhiigga loo daro waxay ahayd inaanu ahayn wasiir erigiisu farta Rayaale oo keliya ku xidhan yahay, balse uu yahay nin erigiisu ku xidhan yahay 82 farood oo ay adag tahay sida subax qudha laysula helaa.
Hab-dhaqanka Madaxweyne Rayaale ee ah inuu subaxba inta uu u baahan yahay mooyee dadka intiisa kale sida xashiishka u daadiyo, waxay ka mid tahay sunnaha looga bartay hoggaamiyeyaasha Afrka ee keli-taliska ah, kuwaas oo maalinba nin ama koox biriijka ku dhaafa, hadhowna dhegta dhiigga u darra.

Ugu dambeyn, ragga aynu soo xusnay iyo dhacdooyinka la xidhiidhaa waxay tusaale u yihiin rag badan oo ku hungoobay abaal ay gashadeen Madaxweyne Rayaale, waxaynuse rag badan oo weli u sacabo tumaya inay Sam-sam iyo Bullaale ka cabi doonaan ku dhaafaynaa tuduc ku jira gabay uu Hadraawi tiriyey, kaas oo odhanaya “Halka Deyr wakhtigu dhigo Dib baa looga sheekayn”.

source:Haatuf

No comments: