Friday, May 29, 2009

(Waridaad)- Reer Jibuuti ma necba Reer Somaliland. Ismaaciil Cumar Geelle ma necba Reer Somaliland. Laakiin Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu jecelyahey Somaliya (Somaliya + Somaliland). Waxa uu u arkaa in ay dani ugu jirto isaga iyo dawladda Jibuuti (Ciise).

Waxa uu u arkaa, in ay tahey dariiqqa kaliya ee uu ku badbaadinkarayo beeshiisa iyo kursiga uu ku fadhiyo. Waxa uu arkaa, in ay tahey xoogga uu kaga nabadgalinkarayo dhaqdhaqaaq siyaasadeed ama colaadeed oo kaga yimaadda dhinaca beesha Cafareed.


Ciisuhu waxa uu daggaa Jibuuti, Etiobiya iyo Somaliland. Cafartu waxa ay daggtaa Jibuuti, Etiobiya iyo Ereteriya. Ciisaha ayaa Cafarta kaga badan Jibuuti. Isticmaarkii Faransisku oo ujeeeddo gaar ah ka lahaa ayaa Jibuuti u bixiyey dalkii Ciisaha iyo Cafarta.

Markaa Cafartu meel kasta oo ay dagganeyd - Jibuuti, Etiobiya iyo Ereteriya - waxa ay u aragtey in ay iyaga iyo Ciisuhu u simanyihiin Jibuuti. Arintani waxa ay sii xoogeysatey dhicitaankii dawladdii hantiwadaagga aheyd ee Itiobiya. Markaas oo ay Cafartu isku deydey in ay dawlad hoosaad sameystaan. Waxa bilaambey dhaqdhaqaaqyo Cafareed oo ku baahey Etiobiya, Ereteriya iyo Jibuuti.

Dhaqdhaqaa waxa ka dhashey jabhaddii la odhanjirey FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy) oo la kawsatey shaqaaqadii Desember 1991kii ka dhacdey xaafadda ay Cafartu dagto ee magalaada Jibuuti. Jabhadani waxa ay gacan buuxda ka helijirtey beesha Cafareed ee Jibuuti, Etiobiya iyo Ereteriya.

Dagaaladii ay jabhaddii FRUD kula jirtey dawladda Jibuuti (Ciise), waxa ay waxyeello u geysatey dhaqaalihii Jibuuti oo aan markii horaba iskii u taagneyn, ee uu Fransiisku naas-nuujinjirey. Jabhadani waxa ay khalkhal galisey nabadgalyadii, siyaasaddii iyo dhaqaalihii dawladda Jibuuti (Ciise).

FRUD waxa ay taageero iyo gacan buuxda ka helijirtey Cafar (Jibuuti), Cafar (Etiobiya) iyo Cafar (Ereteriya). Cabsi xoog leh ayaa dawladdii Jibuuti (Ciise) la soo daristey.

Waxa horey loo yidhi, “Ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow..” Ismaaciil Cumar Geelle waxa
uu arkey khatarta kaga imankarta Cafar. Waxa uu u baahdey quwad iyo diffaac. Waxa uu magaalada Carta ku casuumey dhinacyadii siyaasadda isku hayey ee Somaliya.

Carta ayaa la iskugu yimid. Ilyarta ayaa isqabatey. Shirkii Carta loogu magac darey ayaa halkaa ka furmey. Carta ilaa Jibuuti ayaa la waayey meel lakala maro iyo meel la kala seexdo.

Qoladii meesha ku shireysey, waxa ay u arkayeen shir Somali lagu heshiisiinayo. Waxa ay u arkayeen, walaalkood Ismaaciil Cumar Geelle oo dhibaatadooda ka damqadey oo gogol u fidiyey.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay u aheyd dhoolla tus. Dantii uu ka lahaa waxa ay aheyd in uu Cafarta tuso xoogga uu helikarayo. In aaney beesha Ciise ama dawladda Ciise cidlo taagneyn. In ay leedahey garab iyo gaashaan la yidhaahdo Somaliya.

Cafar (FRUD) maalintaa ayaa hadal ugu danbeysey, oo waxa ay noqdeen "CAFAREY FIGIX!" Somaliya waxba uma ahane, beeshiisa ayuu awrka ugu kicinayaa.

Faadumo Cabdilahi

No comments: