Tuesday, August 04, 2009

War Deg Deg Ah: Wariyihii Shabkada Somaliland.Org Ee Burco Oo LaXidhay.

(Waridaad)-Ciidamada Booliska ee magaalada Burco ayaa maanta xabsiga u taxaabay wariyhii Somaliland.Org uga soo wara mijiray magaalada Burco Foosi Saleebaan (Awbiindhe).

Wariyahan ayaa lagu xidhay amar ka soo baxay badhasaabka gobolka Togdheer Jamac Abdilahi Biin. Inkasta oo ilaa iminka aanay soo bixin sar cadeenaya sababta wariyaha loo xidhay, ayaa hadana lala xidhiidhinaya xadhigan warbixin ku soo baxay Somaliland.Org, warbixintaa oo wariye Fawsi Aw Biindhe kaga hadlay musuqmaasaq hadheeyay gobolka oo uu ku kacay badhasaabku. Warbixintaa oo badhasaabka aad uga cadhaysiisay.Xadhiga waryahani ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili magaalda Hargeisa ay ku xidhan yihiin Wariyayaasha Horyaal Maxamed Cismaan Sayid iyo Ahmed Saleebaan Dhuxul, iyo Tafatiraha HCTV cable oo iyagu maalintii tobnaad ku xidhan xarunta CID’da.

Somaliland.Org

No comments: