Monday, January 11, 2010

BAAQ KU WAJAHAN SHIRGUDOONKA GOLAHA GUURTIDA.

(Waridaad)- BAAQ KU WAJAHAN SHIRGUDOONKA GOLAHA GUURTIDA.
 
 
KU: Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo labaad ee
Golaha guurtida; sheekh Axmed Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali.
 
KA. Golaha qurba jooga S/land ee Yurub iyo Waqooyiga America
.
 
Iyadoo Somaliland sanadihii u danbeeyeyba ay shicibkoodu la tacaalayeen , lana kacaa kufayeen horumar la’aanta dhinacyada; dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan adeegyada bulshada, ayaa waxaa labadii sano ee u danbeeyeyna dalka gil-gilay khilaafka siyaasadeed iyo mudo kordhin aan dastuuri ahayn oo golaha guurtidu xukuumadda Riyaale ugu Kordhiyeen Mudo dhawr jeer ah.

Heshiiskii ka koobnaa lixda qodob ee sodonkii bishii September lagu kala saxeexday maxadtooyada Somaliland ,ayaa ahaa midkii lagu soo afjaray khilaafkaa ka dhashay mudo kordhinta iyo dibu dhaca mudada doorashada, kaasi oo soo afjaray;

1- Doodii maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee ka socotay golaha wakiilada.

2- Mooshinkii xukuumaddu dabada ka waday ee mudo kordhinta oo isna yaakay golaha guurtida, kaasoo ay isku maan dhaafsanaayey xubnaha golaha ku jiraa, shicibkuna kaga soo horjeesteen isu soo bax ay ku sameeyeen golaha guurtida hortiisa.

3- Go’aankii labada xisbi mucaarid ee ku salaysanaa in marka la gaadho sagaal iyo labaatanka October labada kun iyo sagaalka aanay jiri doonin xukuumad uu Madaxwe
yne ka yahay Daahir Riyaale.

Hadaba haddii aanu nahay xubnaha hoos ku xusan, kuna bahoobay golaha qurba jooga S/land, waxaanu u aragnaa muranka ka soo cusboonaaday golaha guurtidu inuu dib u abuurayo khilaafkii siyaasadeed, carqaladna galinayo hawlaha doorashada ee hadda gacanta lagu hayo, iyadoon wakhtigan xaadirka ah loo baahnayn xeer iyo gudi wax laga badalo.
 
Waxaanu ugu baaqaynaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Nuux Furre, ahna sii hayaha jagada gudoomiyenimo ee golaha guurtida iyo ku xigeenkiisa Siciid Jaamac Cali, inay ka fogaadaan wixii dalka iyo dadkaba ku keenaya khilaad hor leh, khilaafkaasoo aan dalka iyo dadkaba dan u ahayn dulqaad danbana aan loo lahayn.

Waxa kale oo aanu halkan hanbalyo ugu soo jeedinaynaa gudida komishanka qaranka oo ka hawl galay deminta khilaafkaa cusub ee golaha guurtida, una arkay mid lagu waxyeelaynayo hawlaha doorasho ee ay hadda gacanta ku hayaan.

1- Maxamuud Caydiid Lafcanbe.
2- Cali Aadan Cawaale.
3- Cabdirisaaq Ibrahim ( Alpho ).
4-Xaaji cumar Cismaan.
5- Xaaji Yusuf Xasan Umal.
6- Maxmuud xasan ( Nugidoon )
7- Xasan Axmed Geedi ( Hunbus )
8- C/llaahi M. Saleebaan.
9- Max’d Cismaan Axmed.
10-Mukhtaar Xaaji Aadan.
11- C/risaaq Xuseen Balayax.
12- Maxamed cusmaan.
13- Xuseen Axmed Caydiid
14- M. M. Muumin
15- Cumar Xaaji Aadan.
16- Yaasiin Xasan Xaaji Aadan
17- sarmad Sheekh Culujoog.
18-Fu’aad Yusuf Maxamed.
19- Ismaaciil Ducaale Cilmi.
20 Maxamed Xaashi Bacado.
21- Yusuf Xirsi Axmed xariir
22- C/raxmaan Iiman war same
23- Axmed xasan Cunaaye.
24- Khadra Ibrahim Warsame
25- Maryan Maxamuud Cali.
26- Jaamac cabdi Badhaadhe.
27-Cabdi cabdillaahi jannaale.
28- Mubaarig Yusuf ( Bidhi ).
29- Bashe A. Cumar.
30- Cali Maxamuud Jaamac
31- Axmed Xasan Axmed ( Quick )
32- Cabdoo Aayir.
33- Maxamuud Nuur ( Xariif )
34- Maxamed Baashe Aw Cali.
35- Xasan Xaaji.
36- Maxamed Axmed Madar.
37- Faysal Axmed Caydiid.
38 Cabdillaahi Sellin
39- Suldaan Siciid Kabadhe ( Sulaan Kabadhe ).

1 comment:

Software Online Shopping said...

Hello my fried, i visit your articles, please visit me to, thanks