Friday, December 14, 2012

Warsaxaafadeed - SOLJA

(Waridaad -Hargeisa, Somaliland)-  www.ururkasolja.org  soljajour@gmail.com
                                                                                                                                          Date:13/December/2012
                        Warsaxaafadeed
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka  maanta  salaadii casar loogu xidhay tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac (xuuto) xarunta c.i.d  ee magaalada hargeisa ,
Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraaid oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka xaraf ee magaalada hargeisa  sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee solja goobjoogayaal xadhiga tafatiraha in taliyaha c.i,d u markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono ,
Inkastoo taliyaha c.i.d-du beeniyay inuu tafatiraha  uu xidhay mar uu caawa ururka solja khadka tilifoonka kula xidhiidhay balse wuxuu  yidhi taliyuhu “waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida  ayaan ku idhi igu soo noqo
Si kastaba ha ahaatee ururka solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado maxaad u baahisay  dhinaca kale ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen  ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu
Ugu danbayntii  maxkamadaha Somaliland iyo garsoorkaba waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland 
 ALLAA MAHAD LEH
M.RASHIID MUXUMED FARAX
XOGHAYAHA GUUD EE URARKA SOLJA 

1 comment:

Anonymous said...

Hi my name is Hayat.
I would like to discuss with the creator of this blog about a website regarding somaliland. Please get in contact at hayat@somalilanders.net

Thank you