Tuesday, October 31, 2006

Madaxweyne, Gacmaha Oo La Is-Gooyo Iyo Karbaash Xisaabta Ma Ku Darsatay?

Madaxweyne Daahir Riyaale wuxuu sheegay markii u horreysay in xukuumaddiisu ay ku dhaqayso dalka “Shareecada Islaamka”. Laakiin madaxweynuhu faahfaahin kamuu bixin sida uu waddanka ugu dhaqayo shareecada islaamka iyo waqtiga uu ka bilaabayo iyo halka uu ka bilaabayotoona. Waxaynnu wada ognahay dambiyada madaxweynaha iyo wasiiradiisuba ku galaan calanka towxiidku ku xardhanyahay hoostisa ee habeen iyo maalin xafiisyadooda sudhan. Markaa madaxweynuhu wuxuu inugula hadlayaa waa munaafaqad. Xadiis saxeexa ayaa wuxuu odhanayaa astaamaha munaafaqa waxa lagu gartaa saddex wax:

1. Haddii la aamino waxbuu khiyaameeyaa

2. Haddii uu wacad galana wuu buriyaa

3. Haddii uu sheekeenayana, been buu ku sheekeeyaa


1. HADDII LA AAMINO WAXBUU KHIYAAMEEYAA


Madaxweynaha markii la doortay waxa doortay oo aaminay 205,595 (laba boqol iyo shan kun iyo shan boqol iyo shan sagaashan qof) taas oo u dhiganta 42% dadka codeeya ee dalka ku nool. Waxa iyana aqbalay madaxweynanimadiisii reer KULMIYE oo helay 205,515 (laba boqol iyo shan kun iyo shan boqol iyo shan iyo toban) oo u dhiganta 42%. Waxa iyana raacay reer UCID oo helay, 77, 433 oo u dhiganta 16%. Dadka waddanka codeeyey oo dhami, mucaarad iyo muxaafidba, waxay ugu dambayntii isku raaceen siday gebi ahaan u dhamaayeen inay aamineen, una igmadeen, in madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, uu waddanka si fiican u hoggaamiyo oo xoolaha ummaddana oo ay ka mid tahay lacagta iyo kheyraadka kale ee waddanka ilaaliyo. Laakiin madaxweynaha aaminaadii la aaminay kama soo bixin ee ummadda wuu khiyaameeyey.


- Madaxweynuhu wuxuu guryo ka dhistay Djibouti, Masar inta la ogyahay oo waxa uu muujiyay inaanu marka horeba isagu aaminad ku qabin waddanka lagu aaminay.
- Wuxuu diiday, illaa maantadan, oo uu geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay in aanu marnaba inoo sheegin jeebka ummadda waxa ku jira ama dakhliga dhabta ah ee qaranka soo gala (National Revenue) isagoo ka meeraysanya xisaabtanka xoolaha ummaddu ku aamintay inuu ilaaliyo.


- Wuxuu weli jajbjabsadaa oo rartaa wixii waddanka bir taalay (scrap metals) oo uu Hindiya u dhoofiyo, wuxuu ganacsigeedii galay sigaarka iyo hargaha, wuxuu gatay beebabkii Berbera, wuxuu gurtay dhagxaantii qiimaha lahayd ee waddanka, wuxuu iibsaday goobihii saliidda laga soo saarayey oo uu dilaal ka qaato shirkado summad laawayaal ah oo meel ay ka soo jeedaan aan la garaynayn sida ROVA ENERGY oo uu ka qaatay $500,000 taas oo aan qasnada dawladda ku dhicin.


- Wuxuu heshiish kula jiraa TOTAL oo aan la garanayna illaa maantadan waxa waddanka faa’ido ka soo gala sharikaddaas tuugada ah ee dadka dhiig miirata.


- Waxa dawladda Ethiopia uu la galay heshiisyo qarsoodi ah oo aan loo sheegin Baarlamanka iyo ummadda toona; waxa ka soo baxana aanay cidina garanayn Ilaahay mooyee.
- Wuxuu baddii ka kireeyey oo dilaal ka qaatay shirkado Masaari ah oo illaa ugxanta badda xaalufiyay taas oo khatar weyn ku haysa taranka kalluunka iy deegaanka uu kallunku ku noolaado ee ku tarmo (coral reef) .


- Wuxuu isu qoray mushahaaro ka badan ta George Bush qaato, oo marka isaga iyo madaxweyne-ku-xigeenkiisa la isku daro u dhiganta 10% dakhliga waddanka soo gala (lacagtaasi waxay ku baxdaa xafiiska madaxtooyada oo madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo ilaaladiisa oo qudhi joogto).


- Wuxuu iska aqbalay in nin kasta oo wasiir ahi uu xado meesha uu haysto oo aan lala xisaabtamin taaso oo dhalisay in ay ummaddu mansab wasiir u kala dheerayso si uu mid waliba wax u khiyaameeyo, xoolaha ummaddana u labo liqo.


Waxa halkaa ku cad in madaxweynuhu khiyaameeyey ummaddii aamintay.


2. HADDII UU WACAD GALANA WUU BEENEEYAA


Madaxweynuhu wuxuu galay wacadyo fara badan oo aanu midna fulin laakiin bal aynnu dhawr tusaale ka soo qaadanno:


- Wuxuu yidhi maxkamadaha waan hagaajinayaa si dadku caddaalad u helaan. Madaxweynaha qudhiisa ayaa qirtay inay maxkamaduhu fashilmeen sanad markuu xilka hayey oo keliya. Maxkamadihii Somaliland waxay noqdeen meel ninka lacag leh oo qudha loogu adeego, ninka danyarta ahna badda ka soo cab la yidhaahdo.

- Wuxuu u ballan qaaday ummadda inuu ka gun gaadho masiibooyin fara-badan iyo qaladaad badan oo ka dhacay waddanka taasoo uu hore ugu saaray guddiyo fara badan oo aan midna wax natiijo ahi ka soo bixin.


- Inta wacad uu kaga baxay Baarlamanka xisaab iyo cadatoona ma leh; ha ugu dambeyso tii la farayay inuu shaqaalaha dan yarta ah lacagata u kordhiyo eh.
- Inta uu shakhsiyo madani ah, odayaal beeleed iyo madax-dhaqameedyo wacad la galay ee kaga baxay iyana cadad iyo xisaabtoona ma leh.


Waxa halkaa ku cad inuu madaxweynuhu jabiyey wacadyadii uu galay


3. HADDII UU SHEEKEENAYANA, BEEN BUU KU SHEEKEEYAA


Madaxweynuhu mar kasta oo uu ummadda la hadlayo been ayuu ku madadaaliyaa. Intuu mayalka Madaxtinimada waddanka hayey wuxuu booqashooyin ku kala tagay waddamo fara badan oo uu mid walba waxa uu ka keenay ama kala kulmay uu been inooga sheegay:.
- Waxa uu tagay Djibouti oo inagu yidhi Cumar Geelle waa saaxiibkeen oo wuxuu inagala shaqaynayaa sidii Somaliland aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka laakiin waxa caddaatay markii Somaliland weerarada is-daba jooga ah ah laguu soo qaaday inuu yidhi Gelle waa xarunta Al Qaacida. Markii Somaliland gooni-isu-taageeda wax laga weydiiyayna, wuxuu yidhi, “Annagu ma oggolin wax la yidhaahdo Somaliland, Soomaaliyana ma kala go’i karto. Inta aanay Xamar nabadi ka jirin, Somaliland nabadi ka jiri mayso”. Madaxweynuhu been ayuu inoogu sheekeeyey. -
- Madaxweynuhu wuxuu tagay Jarmalka wuxuuna inoo sheegay in shirkad la yidhaahdo Sougata Engineering ay inoo dhiso doonto warshadda quwadda dabka dhalisa oo dhuxul-dhagax ku shaqaysa iyo warshadda sibidhka oo dib loo dhiso taasoo ay ku kici doonto $250,000,000 - $300,000,000 (labo boqol iyo konton milyan illaa saddex boqol oo milyan). La ogaayo waxa gunteedii soo xaadhay Axmed Xaaji Nuur. Sharikaddii la sheegayey waxay noqotay nin Bosniyiin ah oo dhalasho Jarmal ah haysta oo ah kuwa gidaarada isu taaga dawladaha Afrikaanka ah ee dadkooda khiyaamaynaya. Sharikaddu ma aha xataa mid ka diiwaangashan caalamka iyo Jarmalkatoona ee waa mid in wax lagu farsameeyo loo sameystay. Madaxweynuhu been ayuu inoogu sheekeeyey.


- Madaxweynuhu wuxuu tagay Yemen wuxuuna la kulamy Muunye Abuu Muunye oo ah nin maafiya ah oo maraakiibtii Soomaaliya oo dhan la wareegay, kuna shaqaysta. Waxa kale oo uu inoo sheegay in dawladda Yemen ay ka furan doonto Hargeysa Xafiis wakiil uga noqon doona danaheeda. Madaxweynuhu been ayuu inoogu sheekeeyey.


- Madaxweynuhu markuu tegay South Africa wuxuu inoo sheegay in saddex sharikadood oo macdanta qoda iman doonaan waddanka laakiin wax yimi iyo wax macdan qodaytoona maynaan arag. Madaxweynuhu been ayuu inoogu sheekeeyey.


- Madaxweynuhu wuxuu socdaal ku gaala-bixiyey dalal badan oo ka tirsan Afrikada madow, waxaanuu inoo sheegay natiijadii ka soo baxday socdaaladiisaas inay noqotay mid guul aad u weyn laga gaadhay, laakiin waxaynu ogaanay markii dambe in madaxweynaha loo diiday inuu ka dego Banjul, Gambia; Cawil iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaalena ay waraaqo (fliers) ku hor qaybinayey goobtii shirka madaxda Afrikaanka lagu qabanayey sidii carruur yar-yar oo makhaayad cusub xayeysiinaya. Madaxweynuhu been ayuu inoogu sheekeeyey.


- Madaxweynuhu wuxuu tagay carriga Ingiriiska waxaanuu heshiis la galay dawladda Ingiriiska si loola dagaalamo waxay reer galbeedku ku sheegaan “argagaxisanimada” iyo in Somaliland ay ka aqbasho dawladda Ingiriiska in dib loo celiyo dadka reer Somaliland ee is-dhiibay ee sharciga loo diiday carriga Ingiriiska. Dawladda Somaliland sarkaal ayay u soo dirsatay oo jooga wasaaradda daakhiliga ee Ingiriiska kaasoo kala saaraya dadka reer Somaliland u dhashay iyo dadka kale. Laakiin mar hadda ka hor wax laga weydiiyay madaxweynaha iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale waxay yidhaadeen, waxba kama jiraan arrintaas. Laakiin waxa marag ma doonta ah in sarkaalkaas laanta socdaalka Somaliland ka socda uu joogo waddanka Ingiriiska. Madaxweynuhu been ayuu inoogu sheekeeyey.
Waxa halkaa ka cad in madaxweynuhu been inoogu sheekaynayey mar kasta oo uu booqasho dibadda ugu baxo.


Haddaba madaxweynuhu munaaqfaqadaas cad ayuu ku shaqeeya oo siyaasadiisana sal-dhiga u ah. Afkiisa iyo uurkiisa waxa ku jira waa kala jaad. Wuxuu dadka u sheego iyo wuxuu ficliyan sameeyaana waa kala jaad. Su’aasha haddaba meesha ka bannaani waxa weeye sidee ayeynu ku rumaysanaynaa madaxweynaha inuu waddanka diinta Islaamka ku dhaqayo marka aynu ognahay wax Alle waxa uu ku dhaqmaa inay yihiin wax Islaamnimada ka dhan ah? Islaamku ma oggola been in loogu sheekeeyo ummadda, ma oggola in xoolaha ummadda ee lagugu aaminay aad ku tagrifasho, ma oggola in ummaddaada aad qaarna xaq darro kula kacdo, qaarn u kiisho. Islaamku ma oggola in mid sakhraan ah, mid tuug ah iyo mid camalka gaalada leh uu wax doorto oo axsaab la isu qaybiyo, iyo in odayaasha (Ahlul-xal wal-caqd) iyo culumaau’diinkana geed lagu xidho? Sidee buu madaxweynuhu haddaba shareecada Islaamka ugu dhaqayaa waddanka?
Miyaanay tanna ahayn been kale oo uu madaxweynuhu ummadda u soo maleegay?

Madaxweynaha iyo wasiiradiisa waxay u baahan yihiin in tababar looga furo meel diinta lagu baro (seminary campus), wadaado aqoon lehna halkaa loogu xareeyo oo habeen iyo maalinba diinta loogu akhriyo si loo kala baro xalaasha iyo xaaraanta, wanaaga iyo xumaha, caddaaladda iyo caddaaladda darrada, xaq iyo xaq-darrada; towxiidka iyo quraankana labada dhegood lagaga akhriyaa markaa iyagoo hannuunsan oo tubta toosan lagu soo riday dib loogu soo celiyo ummadda. Madaxweynaha waa in isaga weliba casharo dheeraad ah oo diinta ah la siiya (extra tuition).


Madaxweynow, adiga iyo wasiiradaada ma u malaynaysaa inay gacmo ku hadhayaan haddii Shareecada Islaamka waddanka lagu dhaqo. Karbaash lagu caseeyo wasiiradaada macsida u dusa oo cabaadkooda Hargeysa laga baxo Jimce kasta, iyana xisaabta ma ku darsatay?


Somaliland Today


No comments: