By Sool - Faalo ku Saabsan Qaabkii ay ku Samaysmeen Maxkamaduhu iyo halka ay ku danbayndoonaa.....By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist sooldhuub@hotmail.com
Maxkamadaha Islaamiga ahi waxa ay bilaabmeen horraantii 1990-kii, waxayna ahayd goobtii markii ugu horraysay laga dhisay Magaalada Muqdisho xaafada Madiina (Wadajir) oo markaas uu ka talin jiray Qabqablihii la odhan jiray Muuse Suudi Yalaxow, ka dibna waxay maxkamad rasmi ahi ka dhaqan gashay Waqooyiga Muqdisho sanadkii 1995-kii.
Maxkamadii Waqooyiga Muqdisho ee uu guddoomin jiray Sh. Cali Dheere waxay deegaankaasi ka abuurtay waxoogaa xasilooni ah ayaamihii u horeeyey, iyada oo ku dhalatay xaalad amni xumo baahday ah oo ka jirtay Mogdishu, waxayna ahayd maxkamadii ugu horreysay ee dhaqan galisay ciqaabta ah gacmo goynta iyada oo dadka qaarna lug iyo gacan is dhaaf la goynaayo iyo waliba dhagax ku dilista.
Sharci ahaan jiritaanka maxkamaddaas iyo shareecada islaamka waxa ay ka qabto way ku kala qaybsanaayeen culimadii islaamku, qaybtii ugu weynayd ee uu hoggaaminaayey Sheikh Maxamed Macallin Xasan si buuxda ayey u taageereen, waxaana xusid mudan in maxkamaddii Waqooyiga Muqdisho gacanta ku hayeen culimaa’uddiinkii (Dariiqooyinka) ee soo jireenka ah.
Culimada kale ee saxwada islaamiga waxay ku qaybsameen sharci ahaanteeda, qaybta Al-itixaad ama fikirka loo nisbeeyo Wahaabiga waxay la yimideen taageero, halka mashaa’ikh kale oo ka tirsan Al-islaax oo fikir ahaan raacsan Ikhwaanu Muslimiin ay si cad uga hor yimaadeen kuna tilmaameen maxkamadaha kuwo baadil ah.
Sidaas oo ay tahay ayey maxkamaddii Sh. Cali Dheere ku dhex dhacday 3 awoodood oo mid kasta meel u jiidaneysay: -
1) Siyaasiyiintii Waqooyiga Muqdisho ee beesha Mudulood oo dhexdooda khaakhuul ka jiray, waxay ku qaybsameen la shaqaynta makaxmaddaas oo guud ahaan la wareegtay awoodoodii siyaasadeed, iyada oo waliba samaysanaysay awood ciidan iyo hub u ruursi, waxaana loolankii siyaasiyiintaas ka dhex abuurmay dhaliyey oo ay dad badan xasuusanyiin in uu keenay in ay guulaystaan kuwii ka hor jeeday ku xoogeysiga maxkamadda.
2) Awoodii labaad waxay ahayd mid qarsoon oo la odhan karo waxay ahayd Al-itixaad oo markaas dhaq dhaqaaq xoog leh iyo is ballaadhin ka wadday gobolka Gedo, waxayna iyaga oo ku gabanaaya maxkamaddaas hawl xoog leh ka billaabeen masaajidyo iyaga oo qoraayey askar ciidan u noqota maxkmadda sare ee Shareecada islaamka ee Waqooyiga Muqdisho, hawshaas oo gaadhay heer taakulayn ka timid dalalka Khaliijka Carabta lagu soo iibiyo gawaadhi la saaro tiknikada dagaalka, laakiin ugu dambayntii ku dhamaatay faashil ay soo maleegeen siyaasiyiintii xilligaasi.
3) Awoodda seddexaad ee maxkamaddaha oo ahayd culimada Suufiyada ayaa iyaguna laga dhex faa’iideystay oo si aan caqli gal ahayn loo fasahaadiyey ilaa ay gaadheen heer ay dhexdooda salaantii iska qaadi-waayaan, isla markaana ay dhacday in ay ku dhaceen dabinkii ay u maleegeen kooxdii Wahaabiyiinta ahaa ee Itixaadka.
Loolankii maxkamaddii Waqooyiga Muqdisho ee soo dadajiyay burburkeeda wuxuu cashir u noqday ururkii Al-itixaad oo isna ku soo jabay weerarkii ay Itoobiya ku soo qaaday goobihii uu ka haystay gobolka Gedo.
Guuldarrada Al-itixaad iyo jabkii markii labaad ka gaadhay awood ay ka helaan ku dhex shaqaynta beelaha hubeysan ee Soomaalida iyo awood ku raadinta degaanada beelaha ee Somalia u qaybsantay, waxay dhalisay yaqiin cusub oo ah in la heli karo waddo soo marta maxkamado islaami ah oo wax ku ool u noqon karta urur ama dedaalka ah in dalka lagu soo rogo xukun Islaami ah.
Maxkamadhihii Koonfurta Muqdisho
Waxyar ka dib waxa koonfurta Muqdisho ka dhismay Maxkamado islaami ah oo markii ugu horraysay loogu magac daray beelo sida: Maxkamadda Shiirkole (Beesha Saleebaan).
Maxkamadda Ifka Xalan (Beesha Caydh ama Cayr).& maxkamado la mid ah.
Dhismihii maxkamadahan oo hawl adag qaatay kuma dhiiran kooxaha Al-itixaadka iyo kuwa la fikirka ah in ay ka mid noqdaan hoggaanka, laakiin waxaa loo dhiibay oo beelaha H/gidir ay Maxkamadahaas madax uga dhigeen culimo Suufiyo ah gaar ahaan kuwii loogu kalsooni badnaa beelaha dhexdooda.
Dowladdii Carte ee C/qaasim Salaad Xasan madaxweynaha ka noqday waxay soo degtay Muqdisho, iyada oo maxkamadahaas aan soo sheegnay ay awood baaxad leh yeesheen kuna baaheen koonfurta Muqdisho ilaa Sh/hoose, waxaana dhacday in ciidamadii maxkamadahaasi ay la wareegto dowladdii Carte, isla markaana si tartiib ah ama hoos hoos ah loo kala diray, awoodii maxkamadahana magac ahaana Daaha loo gaabiyey, taas oo ugu wacnayd dowladdii C/qaasim oo ka cararaysay shaabadii Itoobiya la daba joogtay ee ahayd in ay taageeraan kooxo argagixiso islaami ah, wayna caddayd in ay maxkamadahaasi madaxtinimada C/qaasim dhaafsadeen jiritaankooda.
Laba kaclayn kale ayaa dhacday, maxkamadihii koonfurta Muqdisho ee maamulkooda iyo ciidankooda la kala diray, laakiin magac ahaan u jiray waxaa abaabul iyo dhismo hoose ku ekeeyay kooxihii Al-itixaad oo si tartiib tartiib ah ula wareegay guud ahaan, waxaana la arkay xilliyadii lagu mashquulsanaa shirkii Kenya ee lagu dhisay dawladda Embagaati in ay hawshaasi hirgashay.
Markii Al-itixaad ay si habsami ah ula wareegeen Maxkamadihii Muqdishu, waxay si Beer-laxawsi Diiniyan ah u balaadhiyeen awoodoodii, iyaga oo qabtay hawlo kala duwan oo isugu jira: Budhcad la dirir, nabadayn, dhaqan celin iyo hawlo wax loogu qabanayo Bulshada.
Inta waxaasi socdaan.....Somalia ma lahayn wax maamul ah oo midaysan, waxayna maxkamadihii yeesheen awood ciidan oo xoog leh, iyaga oo awooday in ay hawlgallo ka fulin karaan gudaha magaalada Muqdisho, ka dibna waxaa lagu soo baraarugay iyaga oo degaano dhan oo magaalada Muqdisho ka mid ah gacanta ku haya.
Awoodda ugu weyn ee maxkamadahu waxay ku timi wacyi galin lagu fuliyey qaab diimeed, waxaana la isticmaalayey mar walba dhalinyaro jibaysan oo lagu jaheeyey difaaca diinta oo naftooda u huraya in shareecada islaamka lagu xukumo dalka Somalia, laakiin qaabka loo marayo ayaa ahaa mid aad u cakiran oo qof waliba shaki ku beeri kara, dhinaca kale Hogaanka sare ee Maxkamaduhu waxa uu ahaan jiray mid qarsoon oo Sir u ah dad gaara, marna u may sheegayn dhalinyarada ay dagaal galinayaan in dalka ay doonayaan in ay ku qasadaan kacdoon Diimeed la mid ah kii Talabaanka ee Afqaanistaan.
Sababta ugu weyn ee maxkamaduhu guusha ku hantiyeen ayaa lagu macnayn karaa dulmiga iyo dhibaatada ay ku hayeen Qabqablayaashii duliga ahaa dadweyniha Somalia, siiba reer Muqdisho. dhibaatada Somalia ku habsatay waxa dhalay ama keenay Xukunkii xumaa ee Siyaad Bare. Maxkamadahan maanta soo baxay kumay iman jacal iyo Doonista dadka, iyagana waxa keenay oo dhalay Dulmigii Qabqablayaashii Muqdisha ka galeen dadkooda iyo dadkooda iyo waliba Nacaybka loo qabo Cabdilaahi Yussuf iyo Dawladiisa dhiciska ah ama Tamarta yar ee ku go'doonsan Baydhbo.
Marka laga reebo shareecad Islaamka ha la isku xukumo iyo Beer-laxawsiga ah in gabood laga dhigtu diinta Islaamka maahee, Tusaale ahaan Maxkamaduhu ma laha qaab cad oo lagu qeexi karo, wayna adag tahay si wax badan looga ogaado jadwalkooda siyaasadeed ee ay ku doonayaan in Somalia ku qabsadaan.
Maxkamaduhu mar waa beelo oo jifooyin ayey u taagan yihiin, sidaas darteed marna suura-gal ma aha in ay dadka u dhaxeeyaan ama ka dhexeeyaan, Taas macnaheedu waxa weeye ma jiri karo Maamul Qabyaalad iyo Islaamnimo isku-dhafan kuwada shaqayn karaa.
Ha sugin in maxkamaduhu ka badbaadaan............. Mashkiladii Soomaalida dishootay*Qabyaalda*, dhinca kale Maxakamadu waa Wadaado mabda’ diimeed isku raacay, waana adag tahay sida dad Soomaali ah mabda’ noocuu doono ha noqdee inta ay isku raacaan ay meel ku gaadhaan, inkasta oo taas wax badan dawo u noqon lahayd haddii la heli lahaa.
Qaab kasta oo loo dhigo xaaladda maxkamadaha waxa ku xeeraan mugdi ku salaysan in ay yihiin niman Xukun doon ah oo ku Qadhaabanaaya Diinta Islaamaka, taasna waxa kuu cadaynaaya oo makhraati ka ah Hogaanka sare ee Maxkamda, sida Kornayl Daahir Aweys oo ahaa ninkii Xabsiga ku hayey ee toogasha ku dilay wadaadadii kaligii taliyihii Siyaad Bare ku laayey Moqdishu 1975-kii, ka dib markii ay si xaq ah uga horyimaadeen Xeerkii-qoyska ee kacaankii Siyaad Bare dalka uu yidhi ha lagu xukumo, kaas uu burinaayey Aayada Quraanka Kariimka ah. waxa kale oo si qayaxan u tilmaamaya in aan hogaanka sare ee Maxkamaduhu aanay Daahir ahayn, waxa ka mid ah gacan-ku-dhiigle Xassan Turki oo dad badan oo reer Somaliland ah ku xasuuqay Tuulada Haro-Sheikh sandkii 1989-kii. waxa xidhiidh aan sameeyey iyo baadhitaan ku ogaaday in agoontii uu Abayaashood xassan Turki ku xasuuqay Haro-sheikh ay joogaan oo ku dayacanyihiin degmada Odweyne iyo Duleedada Togdheer. wax kale oo Cimaamada isku qarinaya oo Bustaha hoostiisa ku jira Cabdiqaasim Salaad oo la wada ogyahay ninka uu yahay, Waa wasiirka arimaha Gudaha ee u danbeeye ee Maamulkii faasidka iyo Fasahaadka ahaa ee Siyaad Bare, waana masuulkii saxeexay warqadii lagu fuliyey xsauuqii Xeebata Jasiira ee lagu laayey dhalinyaradii Reer sheikh Isaxaaq sanadkii 1989. Cabdiqaasim Salaad wax ay dhegahiisu mar maqalaan wax uu neceb yahay jiritaanka Somaliland iyo nabada dadka reer Somaliland ay ku nool-yihiin.
kala shaki iyo cidda taageerta Maxkamadaha waxa cad in aan loo haynin jawaab waafi ah oo ku saabsan halka ay dhaqaalaha ka helaan, in kasta oo Maraykanku carbka-ku-dhuftay maalin dhawayd in ay jiraan dalal carbeed iyo waliba Iran, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay gacan-saar la leeyihiin Maxkamdaha, hadan far ayaa wali ku go'dan qaabka dhaqaalaha ay ku helaan Wadaadadu.
Ta kale wax xusid mudan in qoomiyada Soomaalidu tahay dad shaki badan oo aan jeclayn waxyaabaha qarsoon iyo sirta badan, sidaas darteed waxaa la odhan karaa awoodda maxkamadeed ee haatan ka jirta Muqdisho waa mid mugdi ah oo aan la garenaynin meesha ay ku biyo shuban mustaqbalka.
Haddii xaaladda la isku soo duubo waxay noqonaysaa danihii guracnaa ee kursi-raadiska ahaa, dhaqaale-doon iyo awood raadin cimaamad loo soo huwaday ama Toob gaaban loo soo xidhay, waxay maxkamadudu ka dul xidhanayaa shaadhkii qabqablenimada iyo kii qabiilka Qamiis weyn oo ay doonayaan in ku qaldaan dadka caadifiga ah ee aan meel fog wax ka eegi karin iyo dadka diinta jecel ee daacada ah. Waayo wax isbedelay ma jiraan, wax horumar ah iyo maamul ah oo meelihii ay qabsadeen ay ka hirgaliyeen ma jiro, haba u horayso Magaalada Muqdisho, wali wey yaacayaan oo meelo ayey ku duulayaan.........Mogdishuna wey dayacantay oo maamul ma leh, dadkii ku noolaana Cabsi iyo Gaajo ayaa ku habsaday.
Gabagabo iyo Dardaaran.
Khabiir ah Taariikhyahan oo u dhashay cariga Ingiriiska oo ayaan dhawayd Maqaal ka qoray arimaha Somalia ayaa yidhi, Markii reer Europe ay doonayeen in qabsadaan oo isticmaarsadaan Qaraadaha America, Afrika, iyo Austalia waxa ay iska horaysiiyeen Wadaado fidinaayey Diinta, Wadaadadaas ayaana gogol dhig u ahaa Mustacmarkii lagu fuliyey Qaaradahaa, sidaas awgeed waxa loo adeegsan jiray Qaab Diimeed, marka la doonaayo in fuliyo Siyaasadaha Dhul-balaadhsiga ah waayadii hore.
Baadhitaan badan oo aan sameeyey iyo xidhiidho na dhexmaray khubaro uga qaateen ah oo una dhuudaloola kicinta dadka ee loo adeegsado qaab diimeedka ayaan ku ogaaday in kacdoon-ka Maxkamaduhu ay ka wadaan Somalia in uu ku danbayn-doon Burbur iyo halaag dad badan galaafta. Maxkamaduhu iyo Cabdillahi Yussuf Kooxdiisu, iska-daa wax ay dhisaan, waxay somalia ku casuumayaan colaad lagu riiqdo oo ay ka qayb qaataan kumonaan ciidamo shisheeye ah.
Isbedelka ugu weyn ama Guusha ugu weyn ee uu keenayo Kacdoonka Maxkamaduhu, waxa weeye Burburka Dawlada taagta daran ee Embagaati, kuwaas oo iminka ku go'doon ah Baydhabo. Cabdillahi Yussuf wey Goblaminayaa Maxkamaduhu, iyaga cagta mari-doona ciidan beeleedkiisa uu ka soo uruuriyey Majeerteenia.
Ok......Cabdilaahi Yussuf Daaqada ama Dariishada ha ka saaraan Maxkamaduhu, iyaguse xagee ayey ku danbeenayaa...Waa su'aal da'weyn oo madax daalinaysa, marka Colaad baaxad leh oo ay ka qaybtaan dawladaha dariska ahi ka bilaabantu Somalia, Maxkamad iyo wadaad meel maraya oo ka badbaada ma jiri doona. ta labaad ogsoonow akhristow, dagaal ha dhaco ama yaanu dhicin.... Maxkamaduhu marnaba kama iibsamayaan Caalamka iyo Adduun weynaha, Maamul Duwali ah oo sameeyaana marnaba u hirgalimaayo Caalmkuna Aqoonsan maayo.
Dardaaran...... ku jahaysan dalka Somaliland iyo dadkiisa, Walaalo-yaal dalkan aa haysataan Busaarad, darxumo iyo maamul-xumo kasta ku qaba waxa iska leh idinka. waxa wanaajin kara waa idinka waxa xumayn karaan waa idinka. Waxaan idin kula dardaarmayaa oo idiin Xasuusinayaa....Dalka waxa ka dhacsateen Faqash Dawlad ah oo Hubaysan, Faqash iyo Mooryaan cimaamadan oo is-huwan ha ugu cararina.
Muwaadin yaan berito laguugu maah maahin *Cid laa laga kaxaystee miyaa Cudud la ii sheegtay*
Bah-weynta reer Somaliand ayaan Been iyo wax aan jirin la idinku Beer-laxawsanin......Walaaloyaal ha ku lumina Saawa-saawaha dhacaaya hana ku milmina. waxaan ka xumay ninka masuulka sheeganaaya ee Maxkamdaha u hadlay isaga oo leh (Dadka reer Somaliland waxa ay Diinta Islaamka ka Yaqaanaan Heesaha Nabi Amaanka ah) Runtii waa wax lagu xumaado hadalkaa uu ku nisbeeyey Culimada iyo qoomiyada reer Somaliland, ninkaa wadaadka sheeganayaa.
Dadyahaw Diinta Islaamka waa ku dhalateen, waana ku dhaqanteen yaan la idin jaah-wareerinin oo Al-itaaxaad idinka fushanin u jeedooyinkooda.
Diinta Islaamku waa naxariis iyo nabadgalyo Ilaahay....subxaana wata caalaa uu idinku manaystay oo Nabagii Subanaa ee Maxamad ahaa naxariis iyo nabad galyo kurkiisa ha ahaatee uu idin soo gaadhsiiyey. Diinta Islaamku maaha maanta mid aa u daba-fadhiisanaysaan Daahir Aweys iyo gacan-ku-dhiigle Xassan Turki.
Waxa ku faro-yaraystay: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com
No comments:
Post a Comment