Mashruuc Diini ah: Maadaama magaalada Burco ay tahay degaan hoodo leh oo had iyo gooraale heegan u ah in dulmiga lagaga dhidhiyo oo xaqa iyo cadaaladana lagu difaaco oo horey iyo hadaba ah goob Diinta Islaamka iyo Culima u Diinkuba ay cadad, xoog, iyo qadarin weyn ku leeyihiin maantana u baahan in arrimahaas dib u habeyn lagu sameeyo wado cad oo toosanna lagu jaheeyo ama lagu sameeyo dib u habeyn, casriyeyn, xoojin, shaacin, iyo fidinba; ayaa waxaan halkan idiinka baaqaya in la gaadhay xiligii si wada jir ah maskax, muruq, iyo maalba la isu keeni lahaa oo magaaladan caanka ah ee qiimaha weyn inoogu fadhida sumcadeeda kor loogu qaadi lahaa lagana hirgelin lahaa Jaamacad Islaami ah oo caalami ah taasoo noqon doonta Jaamacadda Islaamiga ah ee ugu horeysa dalka Somaliland waxtar weyna u noqon doonta shacbigeena iyo dhamaan Ummadda Islaamka ah ee ku nool Geyiga Geeska Afrika ama Qaarada Afrika; waana in Jaamacaddu yeelataa Kuuliyadahan hoos ku xusan:
Kuuliyadda Quraanka iyo Axaadiista
· Kuuliyadda Shariicada Islaamka
· Kuuliyadda Siyaasadda Islaamka
· Kuuliyadda Dhaqaalaha Islaamka
· Kuuliyadda Tababarka Imaamka iyo Mu’adinka
· Kuuliyadda Maamulka Xaruumaha Islaamka (masaajidada iyo dugsiyadda)
· Kuuliyadda Arrimaha Bulshada (Samafalka, Dacwadda, iyo Muxaadirooyinka)
· Kuuliyadda Dhismaha Islaamka (Islamic Architecture)
· Kuuliyadda Afafka Qalaad (Arabic, English, French, Swahili, Amharinya, Orominya, Tigrinya, etc.)
Dhinaca kale, waxaan ku talin lahaa in gogosha la balaadhiyo oo hirgelinta Mashruucan Diiniga ah ee ku saabsan dhisida Jaamacada Islaamiga ah ee magaalada Burco lagala kaashado dhamaan shacbiga, Salaadiinta, Aqoonyahanka, Xisbiyada Qaranka, Ururada Samafalka ee wadaniga ah, Jaaliyadda Soomaliland ee Qurbajooga, Ganacsatada dalka, iyo dowladda Somaliland loona ban dhigo inay waxtar iyo xasanaad ka geystaan dhamaan Dowladaha Islaamka iyo Ururada Caalamiga ah ee samafalka Islaamka.
Waxa kale oo aan halkan uga digayaa dhamaan Wadaad Xumaha aragtida, ra’yiga, iyo aqoonta ka aradan ee indhaha, qalbiga, iyo dhegaha la’ ee hiyi kac iyo hanqal taaga cadiifadeysan inagula dhex jira ee ay kicintiisu iyo abaabulkiisu ay ka mas’uul yihiin cadowga gudaha iyo mida debeda ee doonaya inay waxyeeleeyaan shacbigeena, qadyaddeena, xoriyaddeena, iyo jiritaanka dalkeena hooyo ee Somaliland ee imaanka iyo damiirka la’ ee marba shaadh nooc kale ah inoo soo xidhanaya, inay si degdeg ah uga waantoobaan xulufeysigiisa iyo aur kiraalaha ay u yihiinba. Culimada saafiga ahna, waxaan uga digayaa inaan Diinta dadka kor lagaga keenin ee hoostaa laga soo dhiso si aaney u dhicisoobin ama ku dhalan xanuun weyn ama ula mid noqon midi aan cilmiga iyo taxadirka ku dhisneyn ee ay wateen Talibaankii Reer Afghanistan ee dadka Diinta kor kaga keenay ee xanuunka badan lehi ama aaney ula mid noqon midan Somaliweynta dadban ahi ee laga wado dalka Somalia ee khamiiska qabiilka loo soo geliyey ee cimaamad munafaqadeysana loo soo hagoogtay.
Ugu dambeyn, haddii Culimada Somaliland ay ku dhaqanka, isku xukumida, iyo fidinta Diinta Islaamka ay u heelan yihiin daacadna ka yihiin, waa inay horta si hagar la’aan ah ay u hirgeliyaan dhisidda Jaamacadda Islaamiga ah ee Burco oo ay Diintana hoostaas ka soo dhisaan oo aaney khalkhal gelin qadiyadda, nabadgelyada, geedi socodka, aqoonsiga, iyo jiritaanka Somaliland; Waana inaaney Culimada Somaliland aaney seef la bood noqon oo shacbiga iyo dowlada aaney iska hor keenin oo dadkana aaney ku dirqiyin qorshe aan laga baaran degin cadowgiisuna badan yahay.
F.G.: Ogoow, mar baa jirtay in taxadir awgeed Eedanka jalxad (dheri, ashuun) lagu adimi jiray si aanu cadowga Islaamku aanu u maqlin dhibaatona aanu u soo jiidin! Tolow, Reer Somaliland dhowr Jaamacadood oo Cilmaani ahba wey dhisteene, ma ku dari doonaan dhisida Jaamacadan Islaamiga ah ee khayrku iyo horumarku inoogu wada ku jiro? Hadaba, haddii ay Burco dhisi weydo Jaamadan Islamiga ah ee muhiimka ah, waa inay Oodweyne, Gabiley, Borame, iyo Cerigaabo dhistaa!
Farah Ali Jama,
Ottawa , Canada
No comments:
Post a Comment