Friday, November 10, 2006

Waranle horuu u socdaa, ee Wadaad ku mee?

(Waridaad) Qofkastoo dib u milicsada taarikhda dadka Somaalida, waqtigii loo badnaa reer guuraaga, waxuu ogaan karaa inay dhici jireen dagaallo ku salaysan duullaan qabiil. Dagaalladaasi sababaha ay u dhici jireen waxa ugu badnaa : Isdifaac,aargoosi,dhul ama daaqsin durugsi,iyo duullan horleh oo geel qaad ah.

Dagaaladaas haweenku si toos ah ugama qayb qaadan jirin, si dadban mooyee, sida diyaarinta saadka duullaanka, daryeelka dhaawaca, dheerri gelinta iyo guubaabada. Raggu wuxu u qaybsanaa Wadaad iyoWaranle. Waranle waa dagaalami jirey,wadaadna duullankuu ku ducaynjirey. Odayga reerku talada duullanka isagaa wax laga weyddiin jirey, haddii guusha la soo helo oo xoola la soo qaado, odyaga reerka ayaa guddoomin jirey waxa wadaadaka la siinayo.
Wadaadku door mooqda kuma lahayn habdhaqnkaa colaadeed ee soo jireenka ahaa, inta aan ka ahayn ducada.Habar baa la weyddiyey imisaad leedahay carruur aad dhashay oo rag ah ?. Waxay tidhi, afar wiil iyo mid wadaada ah.

Siyaasadda Somaliland waxay soo martay wejiyo badan .Waxa hurmuud ka ahaa halgankii SNM, dagaalkaas waranlihii isagaa hoggaminaayey, mujaahid buu noqday. Haweenkii inkastoon talada marna wax lagasiin, haddana doorkii la gudboonaa waqtigaas way qaateen. Wadaadkii isbeddel kama muuqan.

Dimoqraadiyad baa la qaatay, distoor baa loo codeeyey, xisbiyaa samaysmay,doorshooyin baa lagalay, mucaarad iyo muxaafid baa loo kala baxay. Waranlihii marlabaad buu isbdeley, mid siyaasi buu noqday, mid police-buu isqoray,mid ciidanka qaranka ayuu ka mid noqday, midna dantiisa u gaar ah ayooba iska raacday. Haweenkii marxaladaasna qayabtooday kaga jiraan, Hoyanimadii waxay ku darasdeen abuuris urura haween, xaquuq u dirir, iyo weliba xildhibaan iyo wasiir. Wadaadkii kaalintiisii weli waa ka maqnaa.

Muqdisho ayaa wadaadda ka soo baxeen,waxay ka guulaysteen dagaal oogayaashee dalka nabadda u diidey, ee dadku ka ladewaayey,waysi ka sii badbadiyeen,waxay yidhaadeen inta af Somaaliga ku hadasha oo dhan baanu u talindoonaa. Wadaadkii waqooyiga joogay ee waranlahu dhaafay wuu hungroodey, waxu istusay in haddii Xamar wadaad ka talin karo waxa u diidey inuu isguna Hargeysa ka taliyo, kumase xisaabtamin in druufaha ay kusoo baxeen wadaadada koonfur iyo Somaliland kala geddisanyhiin.

Kun iyo sagaal boqol iyo kowdii ayaa Sayid Max`med Cabdule Xasan ka soo degey magaalada Berbera,waxuu watay dariiqada Saalixiya, niman reer Berbara ah ayaa dood lagaly, oo iyaguu waqtigaas qaadirya ahaa, magaalada Cadana xidhiidh la lalahaa, Sayidkana Afcarbiga kagaba fiicnaa. Doodda waxa lagu qabtay masaajidka turkiga ee Berbera, (Akhri kitaabka Taariikhdii halganka draawiishta uu qoray Sheekh Jaamac Cumar Ciise), Sayedkii dooddii waa lagaga adkaay, oo wuu qancin kari waayey culimadii Somaliland ee reer Berbera, markaas ayuu Berbera hawd uga hayaamay oo iskaga cararay.

Wadaaka Somaliland waxa looga baahanyahay isbeddel qumman, isbeddel ku dhisan hadba wadciga jira. Ha isu beddelo Caalim mufti ah, oo ammuraha diinta loo daba fadhiisto,hana aamino dimoqraadiyadda iyo geedi socodka dalkiisa iyo dadkiisa (Fiqi tolkii kama janna tago). Wadaadka Somaliland qalin duurri maaha, kan Xamarna keligii mufti maaha, wadaaka somliland looxle mahaa, kan koonfurna isguun kutble maaha. Labaduba waa laba tixgelin iyo milgo dadkooda ka mudan.

Wadaadka Somalilandow isbeddel oo wax noo sheeg! Ama noqo wadaad Somaliland mar hore waranle kaga hor maray, haddana wadaad koonfur waddada ku dhaafay!



Muuse Cige.

Ottawa , Canada

No comments: