Wednesday, June 08, 2005

Bulshada reer Somaliland ee Ottawa oo Ardaa Cusub Samaysanaysa

Odeyyaasha iyo wax garadka reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Ottawa ayaa dhawaan u tabaabushaysanaya sidii loogu diyaar garoobi lahaa curin lagu aloosayo gudi maamula Ardaa cusub oo la jaan qaada magaca Somaliland. Ardaa-gan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee nooceesa ah ee lagu yagleelo magaalada madaxda wadankan.


Ottawa, oo marka magaalooyinka wadanka loo eego noqonaysa meesha ay ugu fara badanyihin bulshada ka soo jeeda Somaliland isla markaasna aan lahayn urur ka turjuma arimahooda, ilaa iyo wakhtigan xaadirka ah. Sababahaa iyo arimo kale oo la soo gudboonaaday Odeyyaasha iyo waxgardka ayaa lama huraan ka dhigtay in la helo meel bulshada reer Somaliland u noqota bar tilmaameed hawlahooda iyo ta caruurtoodana u noqon lahayd tii ka haqab tirta baahidooda.


Markii ay arkeen maamul la’aanta ka taagan una kuur galeen, hubiyeena baahida weyn ee Ardaa-laantu ku hayso bulshada reer Ottawa. Waxay dareenkooda saareen sidii loo hili lahaa wax ka turjuma baahida bulshadu u qabto sidii ay u majiiran lahaayeen meel ka dayac tirta wixii la soo gudboonaada wakhti kasta.


Markii ay dareemeen in maamul laani keeni karto iska hor imaad ka dhex aloosma bulshada dhexdeeda, abuuri kartana khal-khal iyo isku dhac qayb-qaybin u horseedi karta, hormoodna ka noqon karta dhibaayootin dahsoon, waxay garteen in ay lama huraan tahay in la diiwaan geliyo cidii maamulka loo hanan lahaa isla markaana hagi lahayd bulshada.


Markii ay hubiyeen in Ardaa-yada magaalada ku baahsan ee huwan magaca Somalia ay ka gaabiyeen inay buuxiyaan baahida bulsha-weynta reer Ottawa ee ka soo jeedkoodu u badan yahay Somaliland. Waxa hubaal noqotay in si deg-deg ah loo helo Ardaa ku hana qaada magacooda , buuxisana baahidooda, ilaalisana midnaantooda iyo wax qabadkooda.

Sidaa daraadeed waxaa dhawaan laysagu yeedhi doona bulshada si ay iyagu u doortaan cidii maamulkooda ay u dhiiban lahaayeen, arimaahaas oo ay isku soo duba ridi doonaan Odeyyaasha iyo wax gardka loo igmaday sidii ay isugu soo yeedhi lahaayeen bulsha weynta una soo cayimi lahaayeen wakhtiga iyo fagaaraha lagu kulmi doono.

Wixii faahfaahin ah halkan kala socda.

No comments: