Monday, June 06, 2005

BOOQASHADA WEFTIGA SWISS-KA AH AY KU YIMAADEEN DALKA JSL

Wefti ballaadhan oo Swiss ah oo uu hogaaminayo Thierry Regaenass qunsulka arimaha Gobolkan ee safaaradda Swisska, oo ay ka mid yihiin Julian Hottinger, oo ah Constitutional Expert DFA Berne Switzerland iyo , Jacques, oo ah , country Director of SDC in swiss Embassy –Nairobi, ayaa shalay socdaal booqasho ah oo qaadanaysa afar maalmood ku yimid dalkan JSL>
Weftigaas oo ay hannaanka booqashooda hogaaminayo Akaadamiyada Nabadda iyo Horuminta , waxay ku soo dageen Hotelka Mansoor, halkaasi oo ay u soo diyaarisay Hay’adda Swiss-group iyo Madaxda Akaadamiyada Nabadda iyo Horumarintu.
Waxay saaka la kulmeen wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Adna aden Ismaaciil abbaaro 8:30 Subaxnimo ilaa 9:30 Subaxnimo, dabadeedna waxay uga gudbeen dhinaca xafiiska Wasiirka Maalliyada Cawil Cali Ducaale , oo ay isgana la joogeen saacadii xigtay, kadibna waxay u gudbeen shir guddoonka golaha wakiilada , oo ay la kulmeen kuxigeenka gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane C/Qaadir Jirde, waxayna uga sii gudbeen dhinaca Komishinka doorashooyinka qaranka , oo ay kulankooda ku soo gebogebeeyeren qeybtii hore ee maanta.
Bacda qadada oo ah Hoteelka Mansoor Hotel, waxay la kulmayaan Madaxda Xisbiga Kulmiye marka ay saacadu tahay 2:15 duhurnimo, ugu danbeyntana waxay ku soo gebogebaynayaan kulano ay kula yeelanayaan ilaa caawa halka ay ka degan yihiin hotelka Mansoor xubno ka kala socda Xisbiga UCID, iyo madaxda Akaadamiyada Nabadda iyo Horumarinta oo ugu danbeyn doonta ilaa galabta 5:00 Galabnimo.
Waxay weftigu ilaa berri soo booqan doonaan hawlaha iyo mashaariicda ay Hay’adda Swiss-groupka fulisay nawaaxiga magaalada Hargeysa.
Somaliland Future online
Hargeysa


No comments: