Thursday, June 23, 2005

Ciidamada Bilayska Ee Belgium Oo Gacanta Ku Dhigey Axmed Saleebaan Dafle

Brussels June 14, 2005

Ciidamada amaanka ee dalka Belgium ayaa sida la sheegay gacanta ku dhigay Axmed Saleebaan Dafle oo ahaan jirey wasiirkii arrimaha gudaha ee dawladdii Siyaad Barre, isla markaana xubin ka ahaa golihii sare ee kacaanka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dil ka dhacay dalkaasi oo loo geystay muwaadin reer Somaliland ah.

Sida ay wararku sheegayaan Waxa isagana ciidamada bileysku la qabteen Axmed Saleebaan Dafle nin kale oo magaciisa la yidhaahdo Siciid Jaamac oo ay ilmaadeer yihiin Jaamac Cali Jaamac si ay wax uga weydiiyaan dil fool xun oo loo geystey muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la odhan jirey Caydaruus Cabdilaahi (Caydaruus Magaalo) oo ku dhashay magaalada Hargeysa, balse sideed bilood ka hor lagu dilay dalka Belgium oo uu ku joogay magangelyo qaxootinimo.

Lama oga sababta dilka iyo xidhiidhka ay la lahaayeen labadan nin, hase yeeshee waxa ay dadka arrintaa la socda qaarkood rumaysan yihiin in laga yaabo inuu Caydaruus wax ka ogaa meel ka dhacyadii ay xukuumaddii Bare u geysatay shacbiga Somaliland, oo uu ka mid yahay Axmed Saleebaan Dafle ragga loo tirinayo inay lug weyn ku lahaayeen falalkaasi.

Ilaa hadda bileyska Belgium wax war ah kama ay soo saarin qabashada labadan nin, iyo waxay kala kulmeen markii ay su’aalaha weydiiyeen. Balse arrintan waxa ay dareen ku dhalisay dadka reer Somaliland ee degan Belgium oo laga yaabo inay arrintan uga faa’iidaystaan si ay ugu oogaan Axmed Saleebaan Dafle xasuuqyadii laga geystey Somaliland.

Wararka laga soo xigtey jaaliyadda Somaliland ee dalka Belgium ayaa sheegaya inay muddadaa sideeda bilood ahaydba ku hawlanaayeen sidii cadaalada loo horkeeni lahaa Axmed Saleebaan Dafle, iyaga oo isla markaana ururiyey lacag lagu qabto looyaro ku ooga dacwadahaasi.

Axmed Saleebaan Dafle muddadii uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu awooda badnaa taliskii Siyaad Barre, isaga oo isla markaana ahaa taliyihii ciidankii nabadsugida oo fulin jirey hawlihii xadhiga iyo xasuuqa ahaa ee loo geystey shacabka reer Somaliland qaarkood iyo guud ahaanba muwaadiniintii qarankii la isku odhan jirey Soomaaliya, waxaanu muddooyinkii u dambeeyey qaxootinimo ku joogay dalka Eritrea, balse waxa uu ka tegay markii ay dhaceen dagaaladii dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea, isaga oo u kicitimay dalalka Yurub, gaar ahaana Talyaaniga, laakiin ma cadda inuu haatan u guurey dalka Belgium iyo inuu safar ku tegay

Xigasho: Haatuf

No comments: