Thursday, June 23, 2005

Mawjada MW Ee Raadyow Hargeysa Oo Mudo Todobaad Ah Hawada Ka Maqan


Hargeysa, June 14, 2005 (Haatuf) – Mawjadii MW –da ee Idaacada Raadyow Hargeysa ayaa hawada laga waayey muddo ka badan Todobaad.

Ma jiraan warar ku saabsan sababta ay Mawjada MW ee Idacaada Raadyow Hargeysa uga baxday Hawada, oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta iyo maamulka Idaacada. Laakiin waxa jira warar xog-ogaal ah oo tibaaxaya inay mawjadaa oo ahayd ta ugu xooga weyn ee Idaacada ay mudooyinkii u dambeeyey la dhutinaysay cilad dhinaca farsamada ah, Taas oo keentay inay gebi ahaanba hawada ka baxdo Mawjada MW. Ka dib markii ay ka caal-waayeen farsamo yaqaanada Idaacada oo in muddo ah la daba taagnaa sidii ay u hagaajin lahaayeen, balse ay ku guul daraysteen inay sii shaqayso mawjadaasi.

Wararka ku saabsan arintaaa ee la xidhiidha xal u helida mawjadaa ayaa tibaaxay inay farsamayaanadu masuuliyiinta wasaarada warfaafinta u gudbiyeen qalabkii lagu dayactiri lahaa mawjadaa oo lagu qiimeeyey $ 3,500 (saddex kun iyo shan boqol dollar), balse waxay wararku sheegeen inay soo dhaafi weyday wasaarada maaliyada oo ay weli ku xaniban tahay.

Dhowaan ayay xukuumada Somaliland Idaacada Raadyow Hargeysa oo markii horeba aan laga maqli jirin dalka oo dhan, ku soo kordhiyeen mawjad FM ah, Taas oo ku soo beegantay xili ay xukuumadu si weyn uga qaylisay Idaacad madax banaan oo magaceeda la yidhaahdo Horyaal oo qadar Nus-saac ah soo gasha Hawada, iyadoo dalka debediisa iyo gudihiisaba laga maqli karo.Laakiin Mawjada FM-ta ah ee ay xukuumadu ku soo kordhisay Idaacada Raadyow Hargeysa oo ay maamulka Idaacadu sheegeen inay balaadhinyaan waxba kama suurta gelin, waxaana jira warar sheegaya inay xukuumadu ku soo iibsatay Idaacadaa FM-ta lacag gaadhay $ 80,000 (sideetan kun) oo dollar,. Laakiin waxay noqotay mid aan faseex ahayn oo aan si fiican looga maqli karin magaalada Hargeysa gudaheeda, waxaana ay wararka u dhuun-daloola idaacadu arintaa sabab uga dhigeen, iyadoo aan lahayn Anteeno, taas oo sababtay inay noqoto mid aan codkeedu faseex ahayn.

Waxayna xukuumada Somaliland hor istaagtay muwaadiniin doonayay inay dalka keenaan Idaacad madax banaan oo laga wada maqli karo, isla markaana waxay in badan ku balan-qaaday inay dalka keenay Idaacad wada gaadha. Laakiin balan-qaadyadaa ayaan weli waxba ka fulin, iyadoo ay xukuumadu dhowrkii sannadood ee u dambeeyey ku dartay miisaaniyada qaranka kharash ay ku sheegeen in lagu soo iibinayo Idaacad dalka wada gaaadha, balse weli waxa laga sugayaa xukuumada Idaacadii ay dhawrka jeer ku balan-qaadeen ee lagu daray miisaaniyada qaranka.

No comments: