Sunday, June 05, 2005

MADAXWEYNE RAYAALE IYO WASIIRKIISA ARRIMAHA DIBEDDA OO KHILAAF BA’ANI KA DHEX-ALOOSMAY

Khilaaf hadheeyey saaxaadda siyaasadeed ayaa beryahan laga hadal hayey caasimada dalka JSL ee Hargeysa, khilaadkaasi waxa uu ka dhex oogan yahay Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin iyo Wasiirkiisa arimaha Dibedda Marwo Adna Aden Ismaaciil.



Sida ay xusayaan saxaafadda iyo iloxogogaal ahi, khilaafkani waxa uu ka dhashay , kadib markii bishii April 2005, uu Madaxweyne Rayaale Helay martiqaad uu Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanku ( State Department) uu u fidiyey Dawladda SomalilandLand,inay ka soo qeybgalaan kulan uu xafiiskaasi qabanqaabiyey,kaasooloo soo mariyey Safaaradda Maraykanka ee dalka Ethiopia.



Marka uu madaxweynuhu helaayo Martiqaadkaas, Marwo Adna Aden waxay ku sugnayd magaalada Hargeysa, waxayn gudanaysay shaqadeeda caadigaah, balse madaxweyne Rayaale isagoon waxba kala socodsiin Wasiirkiisa Arrimaha Dibeda ayuu diyaariyey liiskii dadkii Somaliland uga qeybgeli lahaa martiqaadkaas, kaasoo uu hogaamiye uga dhigay Wasiirka Maalliyada LSJ Mudane Cawil Cali Ducaale iyo kuxigeenka weftiga oo ahaa Wasiirka warfaafinta Mudane cabdullaahi Maxamed Ducaale.



Mudane rayaale waxa uu safaaradda ugu direy liiska ka qeybgalayaasha ( Weftiga) khadka e-mailka, balse xafiiska Arrimaha dibeddaa ee Dalka Maraykanku waa ka biyo diiday arrintaas, isagoo filaayey in ay weftigaas soo hoggaamin doonto Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalilandland, Marwo Adna Aden Ismaaciil.



Marwo Adna Aden Ismaaciil,oo laxdaba ka xogla’, ayaa waxa kor kaga yimid warqad ay soo qoreen Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ( State Department), oo ay ku weydiinayaan sababta aanay iyadu u soo hoggaaminayn weftiga imanaya dalka Maraykanka.



Adna oo aad uga cadhaysan warkan aanay ka war hayn, ayaa shir ka mid ah shirarkii golaha wasiirada ee dabayaaqadii bishii April soo dhexdhigtay arrintii iyo warqadii qoraalka ahayd ee ay ka heshay State departmentka Maraykanka, arrintaas oo ay Adni ka baxday shirkii iyadoo cadhaysan.



Marwo Adna aden kuma ay sii hakan magaalada Hargeysa ee markiiba waxay u baxaday dibedda , waxana ay isaga dab qaaday dalal badan, sida Cumaan, Ingiriiska , iyo dalal kale , waxayse ugu dambeystii tagtay dalka Maraykanka , halkaasna waxay ka soo dhammaystirtay hawshii ay doonayeen State Department-ka Maraykanku, liiskiina waxay keentay safaaradda Maraykanka ee Addis-sababa, ballantiina way soo qabatay, balse waxa meesha ka baxay magacii Cawil cali Ducaale , wasiirka Maalliyada.

Marwo Adna Aden Ismaaciil , markii ay maqnayd muddo bil ah, waxay dalka soo gashay 26May 2005, waxayna si toos ah u gashay shaqadeedii, waxayna bilawday qoraal ay magaca Wasiirnimo ee wasaaradeeda ku qortay, una qeybisay intii uu ka koobnaa weftiga tegaya Dalka maraykanka oo ay iyadu hoggaaminayso, iyo ballamihiisii dhinaca Fiisaha ee safaaradda Maraykanka ee Addisaba, iyo qaabka bixitaanka weftiga iyo tirada uu ka kooban yahayba.

Waxa ay wararku tibaaxayaan ( sheegayaan ) in u joojin la’aantaas uu aad uga xun yahay Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin, xataa arrintaasi waxay kala qeybsanaan ku riday golihii wasiirada , oo intii u dhaweyd kursiga Madaxtooyaduna way ka xanaaqday, intii kalena waxay taageersan yihiin Marwo Adna aden , Wasiir Arrimaha Dibedda, waxana shalay dalka ka baxay xubno badan oo weftigaas ka mid ahaa oo doontay fiisayaashii , oo ay ka mid yihiin Axmed Siilaanyo, iyo Cabdilaahi maxamed ducaale.

Somaliland future Online

Hargeysa

No comments: