Monday, July 11, 2005

BEEL REER AWDAL AH OO SOO BANDHIGTAY MUSHARAXEEDA KULMIYE

Annaga oo ah Beesha Bahabar Celi, kana mid ah Beelaha Degan Gobolka Awdal, ka dib markii aanu yeelanay Shir qaatay mudo laba Cisho ah, Beeshuna ku soo saaraysay Musharaxooda ugu qayb gali lahaa Doorashada Barlamanka.

Fadhigaas waxay Beeshu ku kala saaraysay Lix Musharax oo afar ka mid ahi ka tanaasuleen, ayaa aakhirataankii waxaa isku soo hadhay labada Xubnood ee kala ah. Mahdi xuseen Cadar iyo Aare Nuur Cismaan.

Dood iyo falanqayn ka dib, waxay Guddiga Beeshu u saartay arrintaas Guddi, kuwaas oo aqlabiyad ku ogolaaday Mahdi Xuseen Cadar inuu noqdo Musharaxa ku tartami doona Xsibiga Siyaasiga ah ee Kulmiye.

Sexeexyada Guddiga:

1. Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye
2. C/laahi Cawaale Caamir
3. Caaqil Muuse Xuseen faatax
4. Caaqil Muumin Daahir Odawaa
5. Caaqil Cabdi Cilmi Gadiid
6. Yuusuf Cabdi Geele ( Gaylaan )
7. C/raxmaan C/laahi Wadaad
8. C/raxmaan Dixood Malow iyo 7 xubnood oo kale

Somaliland Future Online
Hargeisa

No comments: