Friday, July 08, 2005

Xukuumadda Somaliland Oo u Soo Daabacatay Lacag Cusub si ay doorashada ugu boobto.


Harg - Lacag cusub oo shillinka Somaliland ah, ayaa laga soo dejiyay shalay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee African International oo ka soo degtay Madaarka Caalamiga ah ee Berbera Airport . halkaas oo ay ku sugayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xukuumadda somaliland iyo Bangiga dhexe ee Somaliland.

Guddoomiye kuxigeenka bangiga dhexe ee Somaliland, oo ahaa mas'uulkii la wareegey lacagtan ayaa sheegay in aanay ahayn wax lala jaabo in bangiga Somaliland uu soo daabaco lacag Shilinka Somaliland ah, iyadoo ay laamaha bangiyadu ay sannad kasta soo gudbiyaan lacago duugoobey ama gubtey, taas oo muhiim ka dhigeysa in la helo beddelkeeda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay tahay in uu bangigu yeesho kayd dhexe, isla markaasna ay ilaalinteeda iyo mas'uuliyadeeda uu leeyahay bangiga dhexe ee Somaliland.Lacagtii shalay ka degtey magaalada Berbera ayaa loo soo gudbiyey magaalada Hargeysa iyada oo ku raran laba baabuur iyo ciidamada qaranka oo watay dhawr gaadhi oo Tkniko ahLacagtan la soo daabacay ayaa dareen ka dhex abuurtay dadweynaha magaalada Hargeysa, xilli lagu jiro ololihii doorashada baarlamanka.

Dadka badankiisa ayaa ku macneeyey lacagtaas in loogu tala galay in xisbiga talada haya ee Udub uu loollanka doorashada ku galo, si loo jebiyo labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye.Wali wax war ah kama soo bixin axsaabta mucaaradka somaliland oo ku saabsan lacagta cusub ee la soo daabacay Xukuumadda somaliland.

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter - Hargeisa

No comments: