Tuesday, July 12, 2005

Madaarka Hargeysa oo ay qurbo joogii dhibaatooyin kala duwan kala kulmeen & wasiiro dadkii baadhaya.


Hargeysa (jam) - Madaarka “Cigaal International Airport” ee Magaalada Hargeysa, caasimadda Somaliland ayaa saddexdii toddobaad ee u dambaysay waxa uu ahaa mid mashquulsan oo ay ka socoto dhaqdhaqaaq hawl-maalmeedkiisa shaqo ay u badan tahay.

Iyada oo uu hadda bilow yahay xilliga ay dadka qurba-joogga reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Qaaradda Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay fasaxooga xagaaga ku soo guryo noqdaan dalka, ayaa Madaarka waxa camiray duulimaadyada Dayuuradaha ay la socdaan Rakaabka Qurba-joogga ah ee ka soo qulqulaya Qaaradda Yurub, kuwaas oo u badan Dumar iyo Carruur.

Haseyeeshee howlaha adeega ee mashquuliyay Shaqaalaha Laamaha ka howlgala Madaarka, oo ah mid aad u murugsan oo aan madax iyo mijo toona lahayn, ayaa waxa mushkilad weyini ka haysataa dadka Rakaabka ah ee dalkooda u soo boholyoobay, kuwaas oo si weyn uga cawda hannaan xumada maamul ee ay kala kulmaan xafiisyada kala duwan ee ka howlgala Madaarka.
Dadka Rakaabka ah ee Madaarka ka soo dega oo u badan Dumar iyo Carruur u soo boholyoobay dalkooda Hooyo ayaa marka ay ka soo degaan Madaarka Hargeysa ioo ku soo daalay safarka dheer ayaa halkii ay ka filayeen adeeg hufan iyo soo dhoweyn wanaagsan, waxa ay la kulmaan caddibaad iyo dhibaato culus oo ay kala kulmaan Shaqaalaha Laamaha Adeega ee Madaarka oo u muuqda in aanay lahayn hannaan shaqo oo hufan iyo shuruuc kala hagta howlaha hay’addaha Adeega ee Madaarka.

Isniintii shalay oo ka mid ah maalmaha ay Madaarka ka soo degaan dadka ugu badan ayaa waxa Madaarka booqday weriyayaal ka tirsan Weriyayaasha Jamhuuriay, wakhtigaas oo Madaarka ay ka soo degay diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airlines, oo siday dad tiro badan oo Yurub ka yimid.

Dadkaas oo u badnaa Dumar iyo Carruur, waxay culays iyo cadibaad badan oo aanay filayn kala kulmaan Xafiisyada kala duwan ee qaabilsan adeegyada dal soo gelida.

Dadkaas oo muddo badan ku jacdadsanaa Gudaha Madaarka Hargeysa, waxa uu albaabka ka soo baxayay isaga oo yaaban oo argagax iyo dareen cadho iyo niyad jab ka muuqdo. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa Jamhuuriya u sheegay in ay Madaarka kala kulmeen wax aanay filayn cabashadooda ugu weynina waxay ka sheeganayaan Wasaaradda Maaliyadda oo xafiiskoodu dadka soo dega ku khasba bixinta lacago kala duwan oo ay ka mid tahay cashuurta dal-ku-gelista oo ah $20 (Labaatan Dollar), iyo in ay dadku khasab ku sariftaan lacag u dhaxaysa US$ 30 ilaa $ 50, taas oo waliba loogu sarifo qiio kala badh ka yar inta uu Dolarku ka joogo suuqa Hargeysa.

Dadku markay dhammaystaan dhibta iyo cadibaada faraha badan ee laamaha Madaarka ayaa haddana waxay la kulmaan masuuliyiin sare oo baadhis iyo kormeer ku haya dadka Rakaabka ah, iyaga oo hubinaya in dadkaa Rakaabka laga qaaday lacagtaa jujuubta lagaga qaaday.
Masuuliyiintaa waxa shalay ku soo biiray Wasiirka Duulista iyo Hawada, Abiib diriye Nuur, wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Agaasimaha Waaxda Kastamada Wasaaradda Maaliyadda, Mr. Cali Qoor-seef iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Qaar ka mid ah dadka Madaarka joogay shalay ayaa madaxda kala duwan ee ay ka mid ahaayeen labada wasiir, ayaa waxay ku xidhiidhiyeen loolan awoodeed iyo maaliyadeed oo ka taagan Hay’addaha ka howlgala Madaarka Hargeysa iyo is-aamin la’aan ka dhaxaysa Masuuliyiinta sare ee Xukuumadda iyo Shaqaalaha Xafiisyada Adeega Madaarka.

“Waxaan la yaabay markaan arkay Wasiir Madaarka dhex taagan oo isaga iyo askartii ay wada fatashayaan waraaqaha iyo Documentska qof rakaab ah oo diyaarad ka soo degay. Waa ceeb iyo fadeexad aanan filayn, maxaa Wasiirka dhex keenay Madaarka ee dhex eryay Askarta iyo Shaqaalaha Madaarka, mee xilkiisii wasiirnimo? Waa Fadeexad Qaran, waxaanay sawir ka bixinaysaa Nidaam xumida maamul iyo dhaqan xumida dhoqorjaanimada ah ee Maamulkeena Dowliga ah,” sidaa waxa yidhi Gabadh ka tirsan Qurbajoogga Somaliland oo ka mid ahayd Rakaabkii shalay ka soo degay Madaarka Hargeysa.

Nin kale oo dhallinyaro ah oo ka yimi London, oo ka hadlayay maamul xumida ka jirta Hanaanka adeega ee Laamaha Madaarka Hargeysa ayaa waxa uu yidhi; “Garoonka Hethrow Airport ee London oo ka mid ah Madaarada ugu mashquulka badan dunida oo daqiiqadiiba Boqol diyaaradood ka duulaan, boqolna soo fadhiistaan ayaanay Buuq iyo dhibaato toona ka jirin oo daqiiqad baad dur-duro lagu dhaafaa, Madaarka Hargeysa oo ay soo fadhiisatay diyaarad qudha oo 50 qof sidayna saacad iyo badh baanu ku cadibnayn, oo aanu qas iyo qaxar ka bixi waynay, iyada oo wasiiradii, askartii iyo shaqaalihiiba is-dhex yaacayaan. Waxaad u maleynaysaa in ay tahay Cadaabtii Ifka.”

Gabadh kale oo sheegtay in ay sannadkii 2000 timid dalka ayaa tidhi; “Shan sanno ayaan ka maqnaa dalka maalintii aan ka dhoofay Madaarka Hargeysa ayaabay dhaantay maamul xumada maanta aan arkayo. Wallee Habaar baa inagu dhacay, miyaan wax ka dhaca mooyee waxba ku soo kordhayn.”

Si kastaba ha ahaatee, socotada rakaabka ah ee ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa waxa ay ahaayeen qaar moral jab weyni ka muuqdo iyaga oo qaar badan oo ka mid ahaa dadka u soo hiloobay dalkoodu ay ku calaacalaayeen “Illaahayow yaa mar uun iga saara cadaabtan dib ugu soo noqon maayee.”

Jamhuuriya Online

No comments: