Tuesday, July 12, 2005

KULMIYE wuu dhammaystiray diyaarinta Murashaxiinta”


Hargeysa (Jam) – Sarkaalka Guddoomiyaha Xafiiska gobolka Hargeysa ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal, ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisu uu dhammaystiray diyaarinta musharaxiinta Doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Hargeysa uga sharaxan xisbiga KULMIYE.


Md. Cigaal oo shalay xafiiskiisa ugu waramayay Jamhuuriya, ayaa waxa uu jawaab ka bixiyey baaq Komishanka Doorashooyinku ku baraarujiyay Xisbiyada siyaasadda ee ku loolamaya Doorashada Baarlamaanka dedejinta gudbinta liisaska musharaxiinta si aanay uga dib dhicin muddada loo cayimay oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin, si looga taxadiro dib u dhac saamayn is beddela ku keeni kara jadwalka hawlgalka Doorashada.


“Waxa jira walaac ay komishanka Doorashooyinku ka muujiyeen in xibsiyadu ay ka daahi karaan wakhtiga loo cayimay u gudbinta liiska Musharaxiinta. Haddaba, haddii aanu nahay Xisbiga KULMIYE ma jiraan haba yaraatee wax naga dhiman diyaarinta Musharaxiintayada Doorashada Golaha Wakiilada, gaar ahaan Xafiiska gobolka Hargeysa wax waliba way noo dhan yihiin,” ayuu yidhi Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal.


Cismaan oo intaa raaciyay; “Waxa keliya ee aanu sugaynaa waxa weeyi maalinta 17 July in aanu liiska musharaxiinta ku xarayno Komishanka Doorashooyinka. Annaga oo ka taxadirayna in aanaan dib uga dhicin muddada loo cayimay.”


Mr. Cigaal waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga KULMIYE ay u dhan yihiin howlihii isu diyaarinta Abaabulka Doorashada.

“Balse, hawlgalkayagu waxaanu la sugaynaa wakhtiga uu sharcigu fasaxayo in xisbiyadu bilaabaan ololaha Doorashada,” ayuu yidhi Mr. Cigaal.


Jamhuuriya Online

No comments: