Thursday, July 14, 2005

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo fadhiisin ka dhiganaya gobolka Bakool


Madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo, ayey warar ku dhow dhow sheegayaan in uu ku soo jeeda magaalada Xudur ee xarunta u ah gobolka Bakool, halkaasoo la sheegay in madaxweynuhu fadhiisin ka dhiganayo.

Ciidamo laga soo uruuriyey gobolada Puntland ayaa lagu wadaa in ay kaga soo hormaraan madaxweynaha Xudur, halka madaxweynaha la sheegay marka ay tagaan ciidamadaasi kadib uu isna tegi doono, iyadoo ay u qorsheysan tahay in uu sii maro magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, kadiba u sii gudbo magaalada Xudur.

Xubno isugu jiro wasiiro & xildhibaano ayna ka mid yihiin wasiirada beeraha, cadaaladda & cirka & dhulka, Shaatiguduud, Sheekh Aadan Madoobe & Kiishbuur ayaa qabanqaabo ka wada
gobolka Bakool, iyadoo la sheegay in socdaalkii madaxweynuhu ku tegi lahaa Jowhar in uu dib u dhigtay.

Cabdishakuur Cilmi Xasan
Dayniile, Muqdisho

No comments: