Friday, July 15, 2005

Ogeysiis Ku Saabsan Idaacad Cusub


Ogeysiis Ku Saabsan Idaacad Cusub
Radiowaaberi.Org — California, USA — 14 July, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

Waxa uu maamulka “Waberi Broadcasting Service” ogeysiineyaa dadka afsoomaliga ku hadla meel kastaba ha joogaani in Idaacad cusub oo la yidhaahdo Radiowaaberi oo ku hadasha afsoomaali oo laga maqli karo Geeska Afrika (Horn of Africa), iyo dhulka carabta oo dhan aduun weynaha kalana kala socon karo internetka aay hawada ku soo biireyso maalinta Jimcaha ee bisha July tahey laba iyo la baatanka sanad kan labada kun iyo shanta (07/22/05)

Radiowaaberi waxa uu ku bilaabi doona ina uu soo galo nusasaaci (30 minutes) malin kasta oo Jimca ah marka aay saacado tahey 4:30 –5:00 galabnimo saacada geeska Afrika. Waxa aanay ka soo geli doontaa mowjada dherer keedo yahey 17550 Khz (Short wave).

Wixii af kaar ah amba tu saali ah amba doonaaya ina aanu wax gaar ah ka hadalno oo ummada u dan ah amba raba ina aay ka qeyb qaatan doodaha iyo barnaamij yada kale ee ka baxaaya radiowaaberi waanu soo dhaweyneynaa ee hana gala soo xidhiidhaan: Info@radiowaaberi.org

Wixii faahfhin ah ee inta ka sii badan waxa aa kala xidhiidhan www.radiowaaberi.org

Mahadsanidin

Ali Gulaid
Maddaxa Waaberi Broadcasting Service (Radiowaaberi)
http://radiowaaberi.org/

No comments: