Monday, August 01, 2005

Raxan Askar Ah Oo Ku Dhaawacantay Shil Baabuur Soo Dhoweyntii Madaxweyne Riyaale Ee Gebiley: Maxaa Sababa Shilalka Safarkasta Oo Uu Baxo.


Hargeysa (SL.org) – Toddoba askari oo ka tirsan Booliska degmada Gebiley ayaa dhaawacmay, kadib markii gaadhi Toyota Landcruiser ah oo ay saarnaayeen, kana mid ahaa baabuur badan oo daba yaacaysey Madaxweyne Riyaale uu jiidhay guri dhagax ah, gudaha magaalada Gebiley manta.

Afar ka mid ah askartaas oo xaaladdoodu liidatey, qaarkoodna ay ku jireen Koma ama miyir-beel ayaa loola soo cararay Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu daaweynayo.

Askartaasi waxay ka mid ahaayeen Booliska ilaalada Cashuuraha ee Kontoroolka Abaarso, waxayna ka qaybqaadanayeen sugidda ammaanka iyo soo dhoweynta Madaxweyne Riyaale oo ka soo laabtay socdaal afar maalmood ah oo uu ku tegey magaalada Boorame, isla markaana ku soo hakaday magaalada Gebiley oo uu soo maray.

Idaacadda Dowladda ee Radio Hargeysa ayaa ku warrantay in askarta ku dhaawacantay shilkaas gaadhi ay tahay Toban askari, ayna ku jiraan qaar ka mid ah ilaalada Madaxtooyada.
Askartaas inta dhaawacoodu sahlan yahay waxa lagu daaweynayaa Cusbitaalka Gebiley. Afarta askari ee la keenay Cusbitaalka Hargeysana waxay magacyadoodu kala yihiin:

1. Fu’aad Muxumad Cige
2. Xuseen Daahir Aamin (Darawalkii gaadhiga)
3. Axmed Ismaaciil Shabeel
4. Maxamed Muxumad Baxar
Afartaas askari oo aan galabta ku soo booqanay cusbitaalka Guud, xaaladdoodu way ka soo raynaysaa.

Madaxweyne Riyaale ayaa inta badan socdaaladdiisa dalka gudihiisu waxay sababaan shil waxyeello ka soo gaadho dadka la socda. Socdaalkiisii kan ka horreeyey oo uu ku tegey Boorame, August 18, 2004, isagoo ka qaybgelayey xafladdii qalin jebinta ee dufacaddii Saddexaad ee Jaamacadda Camuud ayaa isagana hal askari oo Boolis ahi si xun ugu dhaawacmay, kadib markii ay isku dhaceen gaadhiga Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ka Taliyaha Booliska oo is-daba socdey.

Waxa jirey socdaallo kale oo keenay shilal ay ku dhaawacmeen Ilaaladiisu. Waxayna dadweynuhu ka bixiyaan faallooyin ama aragtiyo kala duwan sababta keenta shilalka noocan ah markasta oo Madaxweynuhu safar u baxo dalka gudihiisa.

Dad badani waxay aaminsan yihiin in shilalkaasi ay yihiin mucjiso Rabbaani ah iyo Cibaaro wax lagu tusayo. Qaar kale waxay qabaan inay tahay arrin Curraafaysi iyo Kuhaan la xidhiidha oo Taawilo qabsato in dhiig daato safar kasta oo uu baxo. Hase yeeshee, dadka aan waxyaabahaas aaminsanayn, ayaa iyagu ku doodaya in shilalkaas ay sababaan xawliga iyo xawaaraha dheeraadka ah ee ay ku socdaan gaadiidka Madaxweynaha iyo Ilaaladiisu iyo weliba ilaalada faraha badan ee uu kaxaysto iyo baabuurta badan ee daba yaacda markasta oo uu baxo oo isku cidhiidhya waddada. Waxa intaasi weheliya oo sababa shilalkaas ayay leeyihiin waddooyinka oo aan fiicnayn, isla markaana godad badan leh.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

No comments: