Monday, August 01, 2005

wiilka Soomaaliyeed ee dowladda Ingiriisku ku eedeysay inuu ku lug lahaa qaraxyadii lala beegsaday London oo la aqoonsaday jufo hoosaadkiisa


Yaasiin Xasan Cumar oo ah wiil Soomaaliyeed oo dhawaan dowladda Ingiriiska ay xabsiga dhigtay laguna eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay London, ayaa la xaqiijiyay Soomaalinimadiisa, kadib markii ay soo baxeen dad ay ehelo yihiin.

Wiilkaan oo ah wiil Soomaali ah kana soo jeeda beesha Hawiye ee Sheekhaal ayaa xarigiisa dad badan u arkaan inuu ahaa mid seef la bood ah, waxeyna dadku qabaan in la helo caddeymo buuxda oo ku saabsan inuu ku lug lahaa falkaasi is miidaaminta ah.

Aqoonyahannadu waxa ay leeyihiin ma dhici karto xilligaan in shaqsi Soomaali ah uu naftiisa huro oo isku qarxiyo sababo aysan baahideeda muuqan, tusaale ahaan qaraxyada ugu waaweyn adduunka waxaa geysta shacabka Ciraaq, Falastiin & Afganistaan, kuwaasoo maalin kasta hortooda lagu dilo waalidkood iyo walaalahood, laakiin ma jirto sabab ay isugu qarxin karto Soomaalida dalka Ingiriiska marka la eego saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxeysa iyo inta qaxooti Soomaali ah oo ay martigaliyeen sanadihii la soo dhaafay.

Xeel dheerayaashu waxa ay qabaan in xaaladda uu ku sugan yahay Yaasiin ay Soomaalida sii murjinayaan marka la eego sida ay u inkirayaan jinsiyaddiisa Soomaalinimada iyagoo ka cabsi qaba inuu raad soo galo.

Sharci yaqaanadu waxa ay ku talinayaan in si feejigan, taxaddarna ku dheehan ,sharciga waafaqsan dabagalka dalkaasi Ingiriiska u baaraan kuna soo bandhigaan dambiyada caddeynaya in uu falkaasi geystay wiilkaasi Soomaaliyeed si loo kala ogaado xaaladda runta ee muujinaysa in qof Soomaali ah is miidaamin karo ama Soomaalida ka mid noqon karta liiska dadka is qarxiya.
Siyaasiyiinta u dhuun daloosha arrimaha dhaqaalaha waxa ay qabaan in falkaan lagu eedeeyay wiilka Soomaaliyeed uu yahay mid ka weyn ujeedka hadda loo muujinayo, lana doonayo in lagu barakiciyo Soomaalida faraha badan ee ku nool dalka Ingiriiska si loo xakameeyo ganacsigooda sii baahaya.

Indheer garadku waxa ay ku talinayaan in Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska aysan ku degdegin cambaareyn ay u jeedinayaan muwaadinkaasi Soomaaliyeed, balse si degan ay gacan weyn uga geystaan sidii ay ula xisaabtami lahaayeen dalka Ingiriiska, isagana moosi lahaayeen eedeyntaasi loo soo jeediyay.

Daahir Cabdulle Calasow,

Waaga Cusub News Online,
Muqdisho

No comments: