Thursday, July 07, 2005

Reer Berbera Idiinkaa Ka Masuul Ah Dhuumaha Hortiina Lagu Jarjarey


Amina Hagi Mohamoud — Hargeisa, Somaliland

Waxbadan baanu qorney oo hadalney, hadana qeyliney, waxaanu ka hadleyney waa mustaqbalka dalkan iyo dadkan, marka muwaadinku khaladaadka dhacey farta ku fiiqayo wax ma garatadu waxay u fasirataa waa reer hebel iyo waa mucaarid, balse dhacdooyinka runta ah ee lagu baabi'naayo dantiisa iyo dalkiisa kama war helo ilaa ay toos u taabato, waayo? waxa jooga ma garto, sidaasna wax soo socda ma garang karo.

Maanta dhuumihii shidaalka ee qiimaha badnaa tiradooduna badneyd waa la burburiyey, waxa lagu bedeley mid keliya oo haamaha faraha badan ka dhexeyneysa, ma caqli baa? Dhuumihii la burburiyey waxa ay la mid yihiin dagaalkii lagu duqeyneyey dadka iyo hantidooda waqtigii geesiyaashu dhamacda ku afuufeyeen faqashtii. Waxa la burburiyey shan dhuumood oo sameyskoodu aad u qiimo badnaa, kuwaas oo kor maraayey biriij gaar ah oo isku xidha goobta ay ku soo xidhaan maraakiibta sshidaalka xambaarta iyo haaamaha lagu keydiyo, waxa lagu bedeley hal dhuun oo caag ah biyaha hoostoodana la marinaayo, hadaba hadii dhuuntan cusub loo baahdey, maxaa loo deyn waayey ee loo burburineyaa kuwa dusha mareya ee keyd loogu deyn waayey? Waa su'aal u baahan jawaab fiican, muxuu ugu adkeysan waayey madaxweyne ku xigeenku mowqifkiisii ahaa lama burburin karo, maantana khilaafka isaga iyo maafiyada kale dhex yaala waa ka mid arrinkaas iyo arrintii mashaariicda dhoqoshey loobalanqaadey oo mid ka mid ah laga fuliyey Dila.

Ujeedooyinkii loo burburinaayey dhuumaha iyo kordhinta cashuurta shidaalka waxa ugu horeeya madaxtooyada iyo labada wasiir ee qaabkii maafiyada u adeegsanaaya awoodii dawliga kuna heshiiyey in ay baayacmushtar degdeg looga taajiro la abuuro, kuwaas oo hada keeney shidaal laga keeno Jabouti, cidwalba oo joogta Hargeisana ay ogtahay, nin aanu qaraabo nahay oo hadda ka hawlgaley keenida shidaalka Jabouti ayaan marklhaaati u haystaa mustaqblaka ragga ku hawlan hawshaas ee barnaamijkaas wada isaguna shaqaalaha u yahay, wasiiro madaxtooyada ku xidhan baa ka mid ah, hawlo kalena waa lagu jiraa, nimanka dawladnimada kaga faaideysaneya ganacsiga u gaarka ah, waxa u fududeeyey waa dadweynaha, balse wey ii cadahay in ummadani habaar haysto.

Waxa aynu u soo taaganahay in dalkan weli u gacanta ugu jiro kuwii SNM ka xoreyneysey ee burburka iyo xasuuqa u geystey dadkan, kuwii u dagaalamaayey waxa la yidhi waa dembiileyaal, xamarna wey u socdaan, kuwii laga xoreynaayey waa Somalilanders xalaal ah, hadaba, waxaan ku wereerey, mahalgankii baa wax ka si ahaayeen? mise noociyada shacabkan aanu ka tirsanahay baa duleysan oo ah dad loo abuurey caqli xumo iyo guunimo?
Markhaati cad waxa ah in meel xukuumadii Afweyne oo aan biyo is marin ka sii taliso ay jirto Somaliland. Bal maanta eega wasiirka cusub ee Gaashaandhiga, waa baalashii ugu waaweynaa taliskii afweyne, Jaamac Gaas Mucaawiye, Cali ssugule sheegey 1983, duli jaamac Gaas, bal eeg taliyaha Ciidanka poliska, waa burburiyihii iyo fedrall hogaamihii Cabdiqaasim u deegsanaayey dadkiisa, Warancade basaasyadii afweyne ugu waaweynaa, Cawilimmisa halgame iyo mujaahid oo Nairobi iyo Xamar joogey baa ku maqan gacantiisa, sida Suldaankii Muj, Hassan Bulbul isaga iyo wasiirka hawlaha guud waa la ogyahay falalkii ay fuliyeen, bal u kaaley Ismaaciil faqash oo ahaa ninka lagu soo ururiyo warbixinta dadka la qabqabanaayo una gudbin jirey Morgan isagoo dawlada hoose ee Hargeisa ka hawlgala islamarkaana ahaaNSS qarsoon, Hargeisana uga qaxey Boorame isagooo dirac wata, bal eeg xasan gadhweyne oo ahaa saxiibkii Maslax lana qaxey Siyaad barre muddona la joogey BuurDhuub, bal ee qeybe, cabdiqaadir ismaaciil oo ah ninka goobaha miinada lagu aaseyo ka talo bixin jirey kuwaas oo weli dadka laaya, bal eegCabdillahi Ciro oo ah badhisaabka Hargeisa,waan sii wadi.

Maanta ama tashada ama sidaa ku daawada reer somalilandow, weli la isma gaadhin waxa aad is arki doontaan idinkoo cidla taagan dhowaan hadii aydaan is daba qaban.

Amina Hagi Mohamoud (Goljanno Hargeisa)
amina_991@hotmail.com

No comments: