Thursday, July 07, 2005

Adeer anaga maaha kuwa talada dalka loo dhiibay, ee lagaga xisaabtamayo" Sidaa waxaa yidhi Siilaanyo


Waxaa habeenimadii Isniinta, ee bishu July ahayd 5 2005 ka dhacay Magaalada Seattle, caasimada gobolka Washington shir balaadhan, oo lagu soo dhawaynayay siyaasiga caanka ah, ee Ahmed Moamed Mohamoud Silanyo, oo iminka booqoashooyin ku maraya qaar ka mida gobalada dalka USA.

Ahmed Silanyo o ka mid ahaa marti sharaftii lagu soo casumay shirkii dhawaan ka dhacay Los Angeles, ayaa socdaal kiisani ahaa mid uu doonayay in uu kula kulmo jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Seattle iyo nawaaxigeeda.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahmed Silanyo, waxa ay jaaliyada Somaliland ee Seattle u so dhaweeyeen si heer qaran ah, iyaga oo aan u kala hadhin muxaadi iyo mucaarid labadaba. Xubin kamida gudigii qaban qaabinaysay soo dhaweynta shirka Gudoomiyaha Ahmed Silanyo, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa Ahmed Silanyo waa halayaygii Somaliland, mana ihi nin xisbi lagu koobayo. Sidaas darteed hadii aanu nahay jaaliyada Somaliland waxa sharaf weyn noo ah in maanta noo martiyahay halgamaagaa caanka ah, ee Ahmed Silanyo. Soo dhawayntiisuna waa mid aanan u kala hadhayn.

Waxaa gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku dhaweeyay Seattle Airport qaar ka mida gudiga qaban qaabinta ee Jaaliyada Somaliland. Waxaana gudoomiyaha markiiba la geeyay Hotel kii u ku soo dagay, oo waxyar u jiray Seattle Airport.

Habeenimadii Isniinta ayaa Ahmed Silanyo la kulmay jaaliyada Somaliland, shirkaas balaadhan o ka dhacay Somaliland Community Center, waxaa ug horaynba halkaa hadalo soo dhawayn ah kaso jeedshay Jamaal Gaboobe, oo u sheegay gudoomiyaha in ay sharaf iyo qadarin dheeraad ah u tahay jaaliyada Somaliland maanta in aad halkan marti ugu tahay. Intaa ka bacdina waxa uu Jamal codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Ahmed Silanyo.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mr Silanyo, ayaa uga horaynba uga mahad ceshay dadkii iyagu sida heerka sare leh ugu soo dhaweeyay Seattle, taas oo uu Ahmed yidhi waan ku farax sanahay in aan maanta u helo fursadan qaaliga ah. Ahmed Silanyo waxa uu halkaa uga sheegay dadkii isugu yimid in Somaliland maanta cida laf dhabarka u ah, ee ay ku dhisan tahay yihiin qurba jooga. Kuwa markasta oo wadanku ku soo baxdo xaalad cakiranin dhabarka u rita, ee u soo gar gaarana yihiin iayaga. Marka laga soo bilaabo wakhtigii halgankii SNM, iyo maanta oo aynu garan karno halka qurba joogu ka ciyaaro dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

Ahmed Silanyo mar uu ka waramayay xaalada dalka, waxa uu sheegay in Somaliland ay waxyaabo badan oo lagu faano ay qabsoomeen,balse jiraan wali waxyaabo badan oo inaga dhiman.Isaga oo Ahmed arintaa daba socda, ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa, “Anagu hadii aanu nahay mucaaridka, shaqadayadu waxa weeye in aanu sheegno meelaha dal daloolooyinka leh, ee aanu u aragno in maanta ay wax inaga khaladan yihiin. Waxa uu Ahmed Silanyo carabka ku dhaftay in hadii ay iyagu talada dalka qabtaan ay baabiin doonaan xukunka deg deg ah, ee qayrul dastuuriga ah. Kaas oo uu yidhi xukumada maanta dalkii ka jirtaa iyadoon dastuurku u fasaxin ay isticmaasho. Waxaa kale oo Silanyo sheegay in hadii ay talada dalka qabtaan ay iyagu soo dhisi doonaan dawlad kooban, oo tayo leh. Waxaana hadaldiisi ka mid ahaa “ Dawladeena maanta jirtaa, waxa ay maanta tiradeedu gaadhay saa dhowr iyo lixdan wasiir, Anagu waxa aanu soo magacaabi hadii aanu talada dalka qabano, dad aqoonteeda leh, dalka iyo dadkana anfaca.”

Dhaqaalaha dalka ayuu Silanyo ku tilmaamay mid waxweyni ka dhacay mudadii xukumada Riyaale a talada dalka haysay. Waxaana uu tusaale u soo qaatay Dakada Berbera, iyo hoos u dhaca weyn ee ku yimid istic maalkeeda. Silanyo waxa uu canbaareeyay, isla markaana uu ku tilmaamay in ay dastuurka kaso horjeedo, Talaabada uu Wasiirka Daakhligu isku hortaagay Gudidii gobolka BerBera, ee iyagu sida sharciga ah loo soo doortay. Kuwaas oo Wasiirku u qoray wareegto uu isku hor istaagayo shir ay doonayeen in ay isugu yimaadaan.

War bixintaa ka dib ayaa loo gudo galay su’aalihii iyagu ay waydiinayeen qaarkamida ah, dadkii iyagu goobtaas joogay. Waxaa markiiba la waydiiyay su’aal lagaga codsaday gudoomiyaha in ay sheegaan hadii ay yihiin Xisbiga Kulmiye wax ay iyagu dalka u qabteen, maadaama markasta iyagu dhaliishoodu u badan tahay wax yaabaha aanay dawladu qaban.

Waxaana uu Silanyo kaga jawaabay arintan sidatan “Waxa aad moodaa in dadka ay iskaga khaldameen mucaaridnimadii iyo dawladii, Adeer anaga maaha kuwa talada dalka loo dhiibay, ee lagaga xisaabtamayo. Ina Riyaale, weeye ka ay su’aashaasu munaasib ku tahay. Anaga waxa su’aashaas nala waydiin karaa marka talada dalka naloo dhiibo. Maantase, taladii dalka anagu gacanta kuma hayno” . Ahmed Silanyo waxa kale oo uu carab baabay in xisbigoodu taageero la garab istaagay dadkaii abaaruhu wax yeelayeen, isla markaana ay xisbi ahaan qayb lixaadleh ka qaateen barnaamijyada samafaleed ee dalka ka socda.

Arinta bariga Somaliland ayaa ahayd Su’aalaha la waydiiyay gudoomiyaha Kulmiye. Waxaana la su’aalay Silanyo mowqifkiisa ku wajahan sida uu arko in lagu xalin karo khilaafka ka taagan Bariga. Su’aashaa isaga oo ka jawaabay gudoomiyahu waxa uu yidhi “Xisbigayagu waxa uu diyaar u yahay in uu difaaco wixii cadow ah, ee dibada inooga yimaada, haseyeeshee wixii khilaaf ah, ee gudaheena ah, anagu ma ogalin in dagaal lagu xaliyo. Arinta Sool iyo Sanaag anagu waxa aan u aragnaa arin gudaheen ka dhex taagan, wixii gudaheena ka dhex taagana waxa aan ku talinaynaa in nabad iyo wada hadal lagu xaliyo, umana aragno in dagaal lagu xalinkarayo arinta gudaheena”.

Intaa ka dib waxaa lasoo gaba gabeeyay barnaamijkii, waxaana gudoomiyahu ka anbabaxay Seattle, isaga oo usii jeeda gobalada Minnesota, Tennesee,Ohio, Atlanta iyo Washingtong DC, oo uu halkaa ka dhoofi doono.

Kulmiye Party

Seattle, Washington

No comments: