Friday, August 05, 2005

Jawaabaha Laga Bixiyey Dacwadda UDUB: "Waxay Carqalad Ku Tahay Doorashada Oo Dhan," CADAMI. "Fallaadhi Gilgilasho Kaagama Hadho.." Siilaanyo

Hargeysa (SL.Org) – Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mr. Axmed X. Cali Cadami ayaa ku tilmaamay dacwadda xisbiga UDUB ka furtay Maxkamadda Sare inaanu carqalad ku ahayn keliya wadahadaladii maalmahanba u socdey Saddexda xisbi, Komishanka iyo Xukuumadda ee ku saabsanaa arrinta Gobolka Sool, balse ay carqalad ku tahay doorashada oo dhan.

Guddoomiyaha, Mr. Cadami oo aan galabta telefoonka ku weydiiyey sida ay u arkaan dacwadda xisbiga UDUB; waxa uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu degdegay, wakhtiganna aan loo baahnayn in la is-ashkateeyo.

Mr. Cadami waxa uu sheegay in ilaa Sabtida ay maxkamadda jawaab rasmi ah u qori doonaan, inta ka horraysana aanay ka hadlayn.

Cadami waxa uu hore u sheegay in aanay waxba ka jirin dacwadda la sheegay in xisbiga UDUB u gudbiyey maxkamadda. Waxana uu ku tilmaamay fikrad shakhsi ah, xisbigaasina aanu isku raacsanayn arrintaas.

Warqadda Maxkamadda Sare u qortay Komishanka ayaa waxay ku soo beegantay, iyadoo shalay gelinkii dambe ay saddexda xisbi, Komishanka iyo Xukuumaddu soo gebagebeeyeen wadahadal saddex maalmood socdey oo ku saabsanaa arrinta Gobolka Sool xisbiyadu isku maandhaafsanaayeen inta doorashadu ka dhacayso iyo inta aanay ka dhici karayn.

Shirkaas waxa la sheegay in xisbiyadu mawqiyadoodii isu soo dhoweeyeen oo ay meel wax isla dhigeen. Waxaana la filayey in wadajir loo soo saaro maanta heshiis xisbiyadu ka gaadheen arrinta Sool iyo Sanaag-bari.

Guddoomiyaha Komishanka oo aan weydiiney saamaynta arrintan maxkamaddu ku yeelanayso wadahadalkaasna, waxa uu sheegay inay wax weyn yeelayso. Isaga oo sheegay in aanay wadahadalka keliya saamaynayn, balse ay carqalad ku noqonayso doorashada.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna tallaabadaas UDUB ee Maxkamadda ku tilmaamay “Yaanay doorasho dhicin”.

Guddoomiyuhu waxa uu arrintan ku soo qaaday hadal uu ka jeediyey xaflad maanta loogu sameeyey Hotel Arraweelo Guddoomiyihii Xisbiga UDUB ee Gobolka Saaxil, Maxamed Jaamac Qabile iyo Beeshiisa (Beesha Xasan Maxamed, Ciise Muuse) oo ku soo biiray Xisbiga KULMIYE. Waxana uu sheegay in saddexda xisbi iyo Komishanku ay shalay wada fadhiyeen, heshiisna ay ka gaadheen arrimaha Sool iyo Sanaag-bari, maantana jaraa’id lagu arkay dacwadda xisbiga UDUB ee Maxkamadda.

Isla markaana waxa uu sheegay in ay ku jaahwareereen mawqifka xisbiga UDUB, sida dadweynaha iyo taageerayaashiisuba ugu jaahwareereen.

“Markaa saacaddaas aynu taagan nahay UDUB midigteedii iyo Bidixdeedii waanu kala garan la’nahay, xaggee baanu idiinku soo hagaagnaa ayaanu taagan nahay,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Isaga oo sheegay in xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UDUB oo uu kula kulmay xarunta Komishanka saaka markii warkaasi soo baxay ay yidhaahdeen warkaa waxba kama jiraan (Warka Maxkamadda). Iyadoo ayuu yidhi, Xoghayaha Guud iyo Madaxweynuhuna ay maxkamadda iyagu u qoreen dacwadda.

Axmed Siilaanyo, waraysi khaas ah oo uu Telefishanka Madaxa bannaan ee Somaliland Tv galabta la yeeshay, waxa uu ku tilmaamay tallaabadan dacwadda Maxkamadda mid xisbiga UDUB kaga galgalanayo doorashada, maadaama ayuu yidhi xisbigaasi uu lumiyey kalsoonidii shacbiga. Waxana uu yidhi, “Doorashadu way dhacaysaa… UDUBna waxaan leeyahay fallaadhi galgalasho kaagama hadho”.

Sheekada ku saabsan dacwadda xisbiga UDUB u gudbiyey Maxkamadda Sare, isaga oo ku doodaya in gobolka Sool aanay cidina kula tartamayn, maadaama labada xisbi ee kale uu ka dhacay wakhtigii xeraynta liisaska musharaxiintu; waxa uu soo baxay maalmo kadib 17kii July. Balse waxa la sheegay in uu xisbigu ka noqday dacwaddaas, kadib markii ay isku dhinac uga soo wadajeesteen Komishanka iyo labada xisbi ee kale. Isla markaana lagu maslaxay in wadaxaajood lagu dhammeeyo ismaandhaafka ka jira gobolkaas.

Hase yeeshee, sida uu sheegay Qareenka xisbiga UDUB u qabsaday dacwaddaas, garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, xisbiga UDUB waxa uu dacwaddiisaa u gudbiyey Maxkamadda Sare 31kii bishan July oo ah maalin ka hore markii Komishanku soo saaray Liiska musharaxiinta ee rasmiga ah oo aanu ku jirin gobolka Sool; isla markaana ku beegan intii Komishanka iyo saddexda xisbi ay bilaabeen wadahadalada ku saabsan xallinta arrinta Sool iyo Sanaag-bari.

Garyaqaan Maxamed Siciid, waxa uu sheegay in aanu isagu ogeyn meel xisbiga UDUB kaga noqday dacwaddaas, isla markaana uu ku galay dacwaddaas wakaalad rasmi ah oo uu xisbiga UDUB uguna wakiishay dacwaddaas.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

No comments: